Caabuqa ama infekshanka wuxuuna jirka kaga dhici karaa meel kasta, calamadaha ama astaamaha lagu gartane waxay la xiriirtaa xubinta uu saameeyay, haddii caabuq sanbab kugu dhaco waxaad yeelanaysaa: qufac, qandho iyo neefta oo ku dhibta. Hadduu caabuq caloosha ama mindhicirrada kaaga dhaco waxaad yeelanaysaa: Calool xanuun, shuban iyo matag.
Inkastoo la yiraahdo xumadda waxay astaan u tahay caabuq laakiin ma jirto calaamado u gooni ah caabuqa.