Baaritaanka dheecaanka qanjirka borostaatada laga dhiijiyo "Expressed Prostatic Secretions" waa baaritaan lagu sameeyo dadka ka cabanaya cudurka infakshanka ku dhaco qanjirka borostaatada.
Hadafka dheecaankaan loo dhiijinayo ayaa wuxuu yahay si looga helo saammi ama muunad kadibna laga baaro caabuqa calaamadihiisa.
Qoraal ku saabsan dhibaatooyinka ku dhaca qanjirka Borostaatada ayna ka mid tahay caabuq, halkaan ka akhriso.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.htmlWaxaa baaritaankaan la sameeyaa markii ay jiraan waxyaabahaan:
1- Infekshan kaadi-mareenka oo soo laalaabta.
2- Infekshanka borostaatada ee raagay.
3- Qas-xanuun joogto ah
Baaritaankaan waxaa lagu sameeyaa in takhtarka oo gashan gacmogashi oo far ku riixo qanjirka borostaatada 6 illaa 7 jeer.
Markaasna ibta laga tuujiso ama ka soo tifiqdaba dheecaan kaasoo ka yimid qanjirka.
Dheecaankaas ayaa lagu baaraa qalabka weyneysada iyadoo laga fiirinayo calaamado caabuq taasoo ay ka mid tahay in la fiiriyo unugyo malaxeed,tirada unugyada cadcad ee ku jir ama unugyo kale in laga helo oo tilmaamaya calaamad caabuq.
Waxaa baaritaanka la dhihi karaa "Abnormal" haddii laga helo tiro unugyo cadcad oo gaaray inta u dhaxeysa 10% illaa 20%.
Daawada COTRIM FORTE waa daawo ka kooban laba daawo oo la isku daray kalana ah Sulfamethoxazole + Trimethoprim.
Waxayna ka mid tahay daawooyinka lagu daaweeyo caabuqa kaadi mareenka.
Jawaabta RBC 30-40 waxaa laga wadaa in muunada dheecaanka lagu arkay tiro dhan inta u dhaxaysa 30-40 oo ah unugyada cas cas.
Taasoo sida caadiga ah in tirada ay ka badato 10 ay qalad tahay.
SomaliDoc