Author Topic: Garashada Degdeg Caafimaad (Medical Emergencies)  (Read 5230 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Garashada Degdeg Caafimaad (Medical Emergencies)
« on: March 15, 2011, 05:51:04 AM »
Degdeg caafimaad waa marka dhibaato ama dhaawac uu jiro u baahan in isla markiiba wax laga qabto. Waxay taasi dhacdaa marka dhibaatada caafimaad ee qofku qabo ay keeni karto in qofku dhinto ama waayo xubin jidhka ah sida far, gacan, lug, ama qayb kale.
Haddii qofku aanuu gargaar helin, waxa dhici karta in dhibaato aad u xumi ku dhacdo ama uu dhinto.

Kuwan soo socda ayaa tusaale u ah degdegga caafimaadka:
? Xanuun laabta ah ama cadaadis laabta ah oo wata dhidid iyo neefsashada oo kugu adag
? Miyir beelid, suuxid
? Neefsashada oo dhib ah
? Waxa suurogal ah in qofku cunay sun xun ama in qofku qaatay dawo badan
? Dhiig bax aan joogsaneynin
? Dhaawac xun oo ka yimi dhicis ama shil
? Kufsasho (weerar galmo)
? Qof ku garaaca
? Marka qof isku dayo inuu is dilo
? Gariir ama jareyn bilaabanta ama joogsan weyda
? Neef ama dhib neefsashada ah oo degdeg qofka u qabta oo joogsan waaya
? Kabuubyo degdeg ah ama adiga oo aan dhaqaajin karin (qalal) gacan, lug, hal dhinac oo jidhka ah
? Aragga oo aad weydid, adiga oo waxba arki waaya
? Madax-xanuun degdeg ah oo aad u xun, oo gaar ahaan wata xanuun qoorta ah ama isbeddel xagga garashada
? Isbeddel ku dhaca awoodda maskaxda, sida adiga oo aan garanaynin meesha aad joogtid ama kuwa ay yihiin saaxiibadaa, qoyskaaga, ama shaqaalaha kula shaqeeya
? Marka qof dumar ahi fooshu qabato iyadoo wakhtigii umusheeda wax badani ka hadhsan yihiin

Marka aad ay ku haysato mid ka mid ah xalaadahaas, waxa gargaar caafimaad lagaa siin karaa habka gargaarka caafimaadka ee degdegga ah. Inta badan meel kastoo aad joogtid waxa aad la xidhiidhi kartaa habka gargaarka caafimaadka ee degdegga ah marka aad wacdid 911 adigoo isticmaalayaa teleefon kasta. Is daji, u hadal tartiib iyo si cad, ka dibna dhibaatada ku haysa u sheeg shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee ka jawaaba teleefonka.

Haddii aad soomaaliya joogtid oo calaamadahaas isku aragtid isbitaalka kuugu dhow u gaar si degdeg ah, waxba ha isku dhakhtarayn.
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada

Offline Mohmansuur

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Garashada Degdeg Caafimaad (Medical Emergencies)
« Reply #1 on: November 07, 2011, 09:57:43 PM »
ascw waxaan ubahanahay inaan helo dawooyinka loo isticmaalo emergency           mahadsanid

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Garashada Degdeg Caafimaad (Medical Emergencies)
« Reply #2 on: November 22, 2011, 04:15:40 AM »
Maxaad ula jeedaa in aad hesho daawooyinka emergency-ga?
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada