Cudurka kaadi mareenka, oo loo yaqaanno UTI, waa cudurka kaadi haysta ama kelyaha.
Sababaha
UTI waxaa laga yaabaa iney keenaan jeermisyada ka yimaada:
# Kaadi ku harta kaadi haystaada marka aad kaadiso ka dib
# Xannibaad kellida ka dhex jirta ama dhagxaan kellida gala
# Lur ka yimaada suun isku dhuujin, nigis layloon ah ama galmo
# Nadaafad darro
# Tubbo la is geliyey si ay kaadida u soo saarto (Kateetar)
# Saxaro
Calaamadaha
# Gubasho ama xanuun marka la kaadinayo
# Kaadi badnaan ama si lama filaan ah qofka u qabata
# Kaadi dhiig leh, daruur oo kale ah, ama ur xooggan leh
# Xanuun dhabarka qaybta hoose ah
# Daal dareemid ama jirrasho
Daryeelkaaga
Takhtarkaaga u sheeg calaamadahaaga. Daaweyntaada waxaa ka mid noqon kara:
# Cabidda ugu yaraan 8 koob oo biyo ah maalin kasta.
# Ka fogaanshada cabitaannada kafeyiintu ku jirto, sida qaxwada, shaaha iyo cabitaannada fudud.
# Antibiyootik qaadasho. Antibiyootikada oo dhan u qaado sida lagu amray ilaa ay dhaladu ka dhammaato. Haddii aadan daawada oo dhan wada qaadannin, cudurku wuu kugu soo noqon karaa ama wuu ka sii dari karaa.
Siyaabaha looga Hortagayo UTI
# Nadiifi cawradaada.
# Tuubbada shabaqa ah ku maydho halkii aad tubbo biyo xooggan kaga qubeysan lahayd.
# Kaadi haystaada faaruqi dhowrkii saacadood ee kasta xataa haddii aadan dareensaneyn iney buuxdo.
# Haweeenku waa iney mar walba cawradooda biyaha horey ka soo raaciyaan oo gadaal u raaciyaan markay musqusha aadaan ka dib.
# Bannee kaadi haystaada galmada ka hor iyo ka dib.
# Xidho nigis suuf ah iyo surwaal dabacsan.
# Cab 8-10 koob oo cabitaan ah maalintiiba. Ku darso cabitaannada ay ku badan Fitamiin C, sida burtuqaalka ama casiirka karamberriga.
# Ka fogow aalkolo iyo cuntooyin iyo cabitaanno kaafeyn leh.
Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii:
# Aad isku aragto calaamadaha UTI
# Aad isku aragto lalabbo ama matagid
# Aad isku aragto dhabar xanuun
# Ay dhibaato kaa haysato daawooyinkaaga
# Aadan daaweynta kaga soo raynin muddo 48 saacadood ama calaamadahaagu ay kaga sii daraan 24 saacadood