Qoraalkaan akhriso si aad fikrad uga qaadato waxa qanjirka toroodhka uu yahay iyo kacsanaantiisaba?
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.htmlHowlgabka qnajirka toroodhka macnihiisu waa in heerka hormoonka toroodh ee "Thyroxine" uu hoos u dhacay. taasoo keento calaamado dhowr ah oo ay ugu horreyso: tabardarri, misaanka oo kordha, saxaro adeeg, murqo xanuun, maqaar qalleyl, timo danbas iyo dareemis qabow.
Daawadu waa mid fudud oo ah in la qaato kaniini badala hormoonka maqan, daawadaas oo loo yaqaanno "thyroxine" oo hal kaniini la qaato maalin kasto si joogto ah.
Daawadaan safiican ayay wax u tartaa calaamadaha oo idilne way qarsoomaan.
Daawada Carbimazole waxaa lagu daaweeyaa kacsanaanta qanjirka toroodhka (Hyperthyroidism/Thyrotoxicosis).
Daawada thyroxine waxaa lagu daaweeyaa howlgabidda qanjirka toroodhka (Hypothyroidism).
Labada daawo waxba iskuma galin, isku shaqane maahan.