Calaamadaha Lurta Leh ee Xiidmaha (Irritable Bowel Syndrome [IBS])
Marka la qabo IBS, xiidanka, oo sidoo kalena loo yaqaanno xiidmaha ballaaran ama malawadka ballaaran, wuu ka nugul yahay midka caadiga ah.
Xiidanku wuxuu si xad dhaaf ah uga jawaab celiyaa daawooyinka, cuntada sida shulukaatada, waxyaabaha caanaha laga sameeyey, aalkolada iyo kafeyiinta, iyo walwalka.
Calaamadaha IBS
# Xanuun casiraad leh
# Hawo gaas ah
# Dibbiro
# Calool istaag
# Shuban
# Malax soo raacda saxarada
Daryeelkaaga
IBS waxaa badanaa la baaraa marka la hubiyo jirrooyinka kale ka dib.
Waxaa laga yaabaa inaad marto:
# Wiisato muuqaaleed
# Baaritaanno shaybaar ee dhiigga iyo saxarada
# Baaritaan lagu eegayo gudaha xiidanka
Waxaa laga yaabaa iney qaadato xoogaa waqti ah, laakiin waad ogaan doontaa siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu maamulayo IBS. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato:
# Inaad ka fogaato daawooyinka, cuntooyinka, iyo walwalka calaamadaha uga sii daraya.
# Inaad cunto cunno faybarku ku badan yahay. Cuntooyinka faybarku ku badan yahay waxaa ka mid ah qamadiga buunshaha leh, rootiga miraha aan buunshaha laga saarin laga sameeyey iyo siiriyaalka, digirta cagaaran iyo midda cas, miraha iyo khudradda marka la soo gooyey.
# Inaad qaadato daawooyin si hoos loogu dhigo casiraadda xiidanka.
La hadal takhtarkaaga haddii aad wax suaalo ama walaacyo ah qabtid.