Waa maxay brucellosis?
Brucellosis waxa weye cudur, ka mid ah bakteeriya, ku dhacda noocyo badan oo xoolaha kala duwan waxa ku jiraan Idaha, riyaha, lo'da, deerada, eeylada, doofaarka, iyo eeyaha.
Hase yeeshee, cudurka waxa ku hici kara dadka asaga oo calaamooyinkiisu u eg-yihiin haragabka.
Dadka qaba brucellosis waxa lagu garta qandho, dhidid, madax xanuun, dhabar xanuun, iyo tabar yari ku timaada jirka.
Cudurka marka uu xumaado wuxuu gaara neerfiyaasha iyo xididada wadnaha.
Nooc ka mid ah cudurka waxa keeni kara calaamooyin qaata waqti-dheer, waxa ku jiraan qandho kulul, xubno xanuun, iyo daal aad u daran.
Calaamooyinka waxay soo bixi karaan waqti kasta laga bilaabo 5 ilaa 60 maalmood ka dib marka cudurka ku dhaco qofka.
Inkasta oo cudurka brucellosis uu kaa dhigi karo qof aad u xanuunsan. Haddana aad bay u yartahay in uu noqdo cudur dilaa ah.
Sidee dadka u qaadaan cudurka brucellosis?
Dadku waxay bakteeriyada cudurka brucellosis ku qaadi karaan
# cunid ama cabid cunto taabatay bakteeriyada
# ku neefsashada bakteeriyada
# meel dhaawac oo bakteeriyadu gaarto
Siyaabaha ugu badan ee caanka ah oo dadka ay ku qaadi karaan cudurka waxa weye cabitaan ama cunid cunto aan laga ilaalinin bakteeriyada, caano ama farmaajo bakteeriyada cudurka gaartay. Waxa kale oo aad ku qaadi karta adiga oo ku neefsada bakteeriyada.
Arrintaasna in yar bay dhacdaa, laakiin waxay khatar ku noqon karta dadka ka shaqeeya shaqooyinka qaarkood.
Dadka ka shaqeeya sheybaarka ama guryaha xoolaha lagu qalo.
Xoolaha qaba dhaawac wata bakteeriyada waxay halis gelin karaan dhakhtarka xoolaha, shaqaalaha ka shaqeeya guriga xoolaha lagu gawraco, ama dadka xoolaha ugaarsatada.
Dadka xoolaha ugaarsada waxay cudurka ku qaadi karaan ayaga oo cuna cunto si lama filaan ay u taabatay bakteeriyada brucellosis, mudada ay ku hawlan-yihiin nadiifinta xoolaha duur-jooga.
Waxa kale oo suuragal ah in dadka si u la kac ah loo qaadssiyo cudurka brucellosis, ayada oo hawada lagu sii deynayo bakteeriyada cudurka ama loogu daro cuntada.
Cudurkan ma laga qaadi kara dadka kale?
Waxa suurgal ah dadka in ay is qaadsiiyaan cudurka brucellosis laakiin aad bay u yar tahay arrintaas. Marmar hooyooyinka naaska nuujiya way u gudbin karaan bakteeriyada ilmahooda. Bakteeriyada waxa la isku gudbin kara galmada.
Ma la daweyn kara cudurka brucellosis?
Cudurka brucellosis waxa lagu daweyn kara dawada disha jeermiska cudurka (antibiotics) laakiin waxay qaadan karta waqti dheer, daweyntana waxay noqon karta mid adag.
Daweynta waxay ku xiran tahay darnaanta xanuunka ee cudurka iyo marka daweynta bilaabato waxay qaadan kartadhowr isbuuc ilaa bilo yar si looga dawoow cudurka.
Ma laga hortagi kara cudurka brucellosis?
Ma jiraan tallaal loo heli karo cudurka brucellosis. Hase yeeshee, waxa aad hoos u dhigi karta khatarta cudurka haddii aad ka fogaatid cunidda ama cabidda caanaha, farmaajada iyo jalaatada aan laga dhawrin bakteeriyada marka aad safraysid.
Dadka xoolaha ugaarta waa in ay gashadaan gacmo gasho caag ah marka ay qalayaan neefka gudahiisaka.
Maxaa ka cudurka brucellosis ka dhigay mid loo adeegsan karo hubka argagaxiso?
Cudurka brucellosis wuxuu dadka u keeni kara xanuun waqti dheer socda waxaana ka reebi kara ka dhigi kara hawlaha caadiga waqti dheer.
Way fududahay in bakteeriyada ayaa lagu qaadsiiyo dadka xanunka brucellosis. Inkasta oo aan dilaa hayan, wuxu ka dhigaya dad badan in ay xanuunka qabaan.
Ogolaanshaha iyo baadi-goobka habka u dilaaco cudurka brucellosis dhib bay ku noqonaysa waaxda caafimaadka bulshada.
Maxa aan sameeya haddii aan u maleeyo in aan qaaday cudurka brucellosis?
Dadka rumaysan in ay qaadeen cudurka brucellosis waa in ay arkaan dhakhtar waxa kale oo la xiriirta hay'adda fulinta sharciga ee xaafaddaada haddii aad hayso sabab kasta oo ka shakisid waxa aan caadi ahayn oo la xiriira cudurka brucellosis ka dilaacay meesha ama xalis kasta oo la xiriirta cudurka.
Haddii aad qabto suáalo dheeraad ah halkaan ka weydii
SomaliDoc