Author Topic: Su'aal: Ilkaha Oo Isku Dul Baxay, Ma Cilad Baa?.  (Read 8792 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Ilkaha Oo Isku Dul Baxay, Ma Cilad Baa?.
« on: October 28, 2011, 06:27:36 PM »
As Salaamu Caleykum Walaalayaal & Dhakhaatiir?
Salaan ka dib.
Dhakhtar (SomaliDoc or Dentist) waxa jira walaalahay qaarkood oo leh ILKO ISKU DUL BAXAY
(ilkihii hore ee ku meel gaadhka ahaa {KMG}, oo aan iskood u dhicin ayaa waxaa ka soo dul baxay ilkaha  dambe ee rasmiga ah).
Gaar ahaan waxa ay ka soo dul baxeen ilkaha la yidhaahdo MICIYAHA ee dhanka sare, qaarkood waa kuwo qaab daran oo qal qaloocan, inta badana qofku ma qoslo amaba ma dhoola caddeeyo, sababtuna waa ilkaha oo qaabkooda la qarina hayo! Xataa haddii la qariyo waa kuwo ka soo muuqda dibinta sare dhinacyadeeda.
-> Haddaba Dhakhtar, ilkaha KMG oo aan dhicin xiligii ay caadiyan iska dhici jireen, maxaa u sabab ah?
Sidoo kale waxaan arkay dad ayan 4ta mici midna u dhicin, isla markaana aysan ka soo bixin ilkihii rasmiga ahaa, waxaanay ku doodayaan in ay tani tahay DHAXAL. Calaa kuli xaal Dhakhtar Talo iga sii waana aad MAHADSAN TAHAY.
Salaama Allaah.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ilkaha Oo Isku Dul Baxay, Ma Cilad Baa?.
« Reply #1 on: October 29, 2011, 06:07:39 PM »


Ilkaha marka ay soo baxayaan waxay ka soo baxaan meelo loogu talagalay, haddii iliktii horay ugu taallay oo ku meelgaarka ahayd ay aad u xoogantahay oo iliktii joogtada ahayd ay soo riixi wayso oo dhicin wayso waxaa dhacdo in ilkaha cusub ay ka soo hoos baxay oo laba saf kala noqdaan uu qofkane afkiisa u ekaado sidii ilkaha libaax badeedka oo kale.

Haddii sidaa dhacdo waxaa lagula taliyaa qofka in ilkihii hore la saaro, si ilkaha cusub booskoodii ay ugu fadhiistaan wayna dhacdaa badanaa oo uma baahno in la jiidjiido oo si tartiib ah oo bilooyin qaadanayso ayay booskoodii u buuxinayaan iyagoo caawimaad ka helaya carabka oo howshiisaba tahay in ilkaha uu isku aadiyo.

Laakiin haddii markii la arkay cilladaan aan waxna laga qaban oo qofkane ku waynaaday, marki la saaro ilkaha qaldan waxay u baahan karaan in biro lagu xiro si loo saxo, tan oo ka timaado talada dhakhtarka ilkaha.

Tusaale ahaan waxaa miciyaha la badalaa da'da 9-aad illaa 10-aad, haddii isla da'daas uu ku jiro cunugga waxaa habboon in aad la xiriiriso dhakhtar ilko sida ugu dhakhsiyaha badan si ilkaha cusub booskoodu loogu saxo.

Haddii aan sidaa la yeelin ilkaha isku raranka ah waxay keenaan dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid tahay:
  • Ilkaha oo daxalaysto
  • Ciridka oo jirrado
  • Ilkaha oo si qalad ah iskugu riiqmo taasne ay ka dhalato in ilkihii ay jajabaan.
  • In dhaawac uu gaaro kalabaxyada daamanka.
  • In saameyn ku yeesho hadalka khaas ahaan xarfaha carabka iyo ilkaha hore laga sameeyo.
  • In qofkii uu kalsoonida lumiyo oo dhoolacaddaynta iska ilaaliyo.

Akhriso Cudurka Suuska / Bololka Ilkaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26881
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21752
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48295
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29854
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Ha Isku Qaldin Jinniga, Sixirka, Isha iyo Cudurrada Maskaxda ku Dhaco!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 42519
Last post July 05, 2015, 10:14:33 AM
by Darmaan123