Author Topic: Waa Maxay HIV, AIDS?  (Read 22708 times)

0 Members and 8 Guests are viewing this topic.

Online SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 3752
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa Maxay HIV, AIDS?
« on: November 26, 2007, 07:24:14 AM »


Waa maxay HIV?
HIV waxay u taagan tahay fayraska hoos u dhiga difaaca jirka bani'aadamka. HIV wuxuu dhaliyaa AIDS.

Waa maxay AIDS?
AIDS wuxuu u taagan yahay Astaanta la qaado ee hoos u dhaca difaaca jirka.
La qaado micnaheedu waa wax aan layska dhaxlin. Hoos u dhaca difaaca jirka micnihiisu waa burburka difaaca nidaamka difaaca jirka.
Astaanta (syndrome) waxaa loola jeedaa cuduro badan oo laga yaabo inay la xiriiraan cudur kale. Xaaladaan, cudurada ka faa'iideysta nidaamka isdifaaca jirka oo daciifa ayaa loo isticmaalaa in AIDs ku ka mid yahay.

Sidee baad u qaadeysaa HIV?
HIV waxaa lagu faafin karaa iyadoo:
# Looga galmooda ferjiga ama dabada qof qaba HIV aana la isticmaalin wax kaa ilaaliya.
# La wadaagida qalabka laysku duro qof qaba HIV.
# Hooyada qabta HIV inay ilmaha qaadsiiso inta uu uurka ku jiro, markuu dhalanayo ama naasnuujinta.
# Galmo afka ah la yeelashada qof qaba HIV oo aan isticmaalin wax difaac ah (badanaa ma dhacdo).
HIV waxaa lagu faafiyaa badanaa galmada aan la isticmaalin kondhom, wadaagida irbadaha laysku duro.

Ma ka qaadi karaa HIV cayayaanka, xayawaanka, fadhiga musqusha, mucaanaqeynta, gacan qaadka salaanta, alaabta guriga, berkadaha dabaasha iwm?
Maya! HIV ka laguma faafin karo xiriirka qoyska iyo bulshadeed ee caadiga ah.
HIV ku kuma noolaan karo wax badan jirka dibadiisa. Waxaa dili kara warankiilada caadiga ah ee guriga, ama saabuun iyo biyo diiran.

Ma ka qaadi karaa HIV galmada afka?
Galmada afka ah ee aan wax difaac ah la isticmaalin khatarteedu waa yar tahay uu ku faafi karo HIV laakiin waxa lagu talinayaa in la isticmaalo kondhom, ama iska ilaali biyo baxa afka.

Shuminta xoogan ma si uu ku faafi karaa HIV?
Khatarta aad ayey u yartahay. Waxaa jira oo keliya wax aad u yar oo ah HIV candhuufta dadka qaba HIV. Qaadida HIV, waxaa loo baahan yahay inay gasho candhuuf badan dhiigaaga iyadoo ka gelaysa boog calooleedka ama ciridka dhiigaya.

Waa maxay khatarta aad uga qaadi karto HIV dhiig ku shubida?
Dhiig shubida waa lagu kala qaadi karaa HIV, inkastoo qof walbo oo dhiig laga shubayo la baaro ay qasab tahay.

Ma ka qaadi karaa HIV dhiig bixinta?
Maya, irbadaha, xirmooyinka, suufka tirtiraha ah, qalabka wax lagu dalooliyo lama isticmaalo mar labaad.

Waa maxay astaamaha HIV?
Astaamaha HIV waa kuwo caamku ah dhawr jirooyin. Haddii aad u maleynayso in khatar lagu geliyey ah qaadida HIV ama aad leedahay astaamahan hoose mid ka mid ah (ama iyaga oo dhan) ilaa bil ama wax ka badan, waa inaad la tashataa dhakhtarkaaga. Astaamaha caamka ah ee jirooyinka HIV la xiriiraa waa.
# Astaamaha kuwa dureyga oo kale ah.
# Daal daran oo joogta ah.
# Xumad, qabow iyo dhidid habeenkii.
# Culeyska oo si dhakhsa ah kaaga luma.
# Qanjidhada qoorta oo barara, kilkilada ama gumaarka.
# Dhibco cad cad ama calaamado aan caadi ahayn oo ka soo baxa afka. Calaamado maqaarka ah, ama finan (soo kacsan, siman oo badanaa aan xannuun lahayn oo midab purple leh).
# Qufac joogta ah ama mid qalalan.
# Shuban.
# Cunto cunida oo yaraata.
Qofka qaba HIV waxaa laga yaabaa inuusan yeelan wax astaamo ah, laakiinse waxay sidaan fayraska waxayna ku gudbin karaan dhiig ahaan ama dheecaanka jirka.

Ma layga baari karaa HIV?
Haa. Baaritaanka dhiiga ayaa sheegi kara infekshinka HIV. Haddii aad u maleynayso in aad qaaday HIV, arag dhakhtarkaaga ama booqo mid ka mid ah adeegyadan hoos ku taxan. Haddii laga helo infekshinka HIV qofka dhiigiisa ka dib waxaa la oranayaa in qofkani qabo HIV. Waxaa jira wakhti gaaban ka dib marka qofku qaado HIV oo aan fayraska la ogaan karin. Tana waxaa laga yaabaa in baaritaan dabagal ah lagu sameeyo saddex bilood ka dib. Dhammaan dadka codsada in la baaro waa in la siiyaa la talin baaritaanka ka hor iyo ka diba.

Muxuu ku lug leeyahay baaritaanka HIV?
# Baaritaanku waa inuu noqdaa mid iskaa ah oo la sameeyo oo keliya marka la helo ka raali ahaanto (consent).
# Waa in la siiyaa macluumaad ku saabsan waxa ku lugta leh baaritaanka.
# Waa in wada hadal dhacaa waxa micnaheedu yahay in lagu baaro.
# Tallada baaritaanka ka dib.
Tallada baaritaanka ka dib waa muhiim iyadoon loo eegeynin natiijada. Haddii baaritaanku wax helo, la tallinta baaritaanka ka danbeysaa waxay bixin kartaa taageero maskaxeed, wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan cuddurka iyi u gudbinta
adeegyada taageerada. Haddii baaritaanka waxba laga waayo, la tallinta baaritaanka ka dib waxay bixin kartaa fariimaha ka hortaga HIV.

Sidee buu kaga duwan yahay HIV ku AIDS ka?
HIV ka ayaa dhaliya AIDS ka.
Qofka qaba HIV waxaa laga yaabaa inuusan qabin AIDS. HIV ku wuxuu daciifiyaa nidaamka isdifaaca jirka, isagoo u baneynaya infekshino badan iyo kansarba.
Dadka badidiisa qaba HIV u gudbida AIDS ku aad bay u gaabinaysaa, iyadoo qaadaneysa dhawr sannadood inuu ka gudbo infekshinka HIV oo uu noqdo AIDS.
Daaweyn la'aan dadka qaba HIV ugu danbeyntii way jiradaan, waxaana AIDS ku ku dhici karaa 5-10 sannadood gudahood. Si kastaba ha ahatee, waxaa jira dad tiradoodu aad u yar tahay oo laga yaabo inaysan ka muuqan caafimaadkooda wax hoos u dhac ahi, xitaa 10 sanno ka dib. Wiisatada AIDS waxaa laga yaabaa inay u baahato baaritaano shaybaaro khaas ah.

HIV/AIDS ma la daaweyn karaa amase laga bogsan karaa?
Wakhtigan xaadirka ah Ma jiro wax tallaal ah ama daawo ay leedahay HIV ama AIDS. Si kastaba ha ahatee waxaa jira daawooyin lagudaaweeyo oo dib u dhigi kara ama ka hortegi kara jirooyinka la xiriira AIDS ka.
Daawooyinkan qaadashadoodu ma sahlana waxyeeladooda awgood, intaad ka qaadaneyso daaweyntan oo dhib badan. Mar haddii uu qof bilaabo qaadashada daawo uu leeyahay HIV, waa inay wadaan qaadashadeeda noloshooda oo dhan.
Waxaa sidoo kale jira daaweyn qaar badan oo ka mid ah jirooyinka la xiriira HIV iyo AIDS.
Daawooyinka casriga ah ayaa sidoo kale loo isticmaalaa in lagu maamulo waxyeelada daawada iyo horumarinta wanaaga. Daawooyin cusub iyo daaweyn ayaa had iyo jeer la tijaabiyaa.

Su'aalo dheeraad ah ayaan qabaa?
Halkaan ayaa ku weydiin kartaa wixii su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan HIV ama AIDS.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Waa Maxay HIV, AIDS?
« on: November 26, 2007, 07:24:14 AM »

 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14281
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 13244
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 10502
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 14524
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa Maxay Neerfo? "What is the Nerve?"

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 41400
Last post January 01, 2015, 05:42:10 PM
by SomaliDoc