Author Topic: Daaf, Indhogaduudasho (Conjunctivitis)  (Read 3609 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Daaf, Indhogaduudasho (Conjunctivitis)
« on: May 21, 2008, 04:52:51 AM »
Sababta:
Bakteeriya, alleerjiyo, fayras, dhaawac isha ah, iyo kiimikaal

Calaamadaha:
Gaduudasho, cuncun, xanuun, dheecaan isha ka yimaada, oo ku xiran sababta.

Siduu ku faafaa?
Haddii aad taabatid dheecaan ka yimid isha ama candhuufta qofka isha gaduudan.

Meeqay qaadaneysaa inaad ku jirratid marka lagu qaadsiiyo?
Caadi ahaan 1-12 beri (Waxay ku xiran tahay sababta keenay).
Muddada la is qaadsiin karo:
Ilaa uu infekshanka buuxaa ka dhammaado.
Ha imaanin rugta xanaanada ilmaha:
Haddaad cunuggaaga ku aragtid indho gaduudan oo leh malax/dheecaan, xumad, indho-xanuun ama baalasha oo gaduuta, ilaa cunuggagu ka arko daryeele caafimaad iyo ilaa 24 saac kadib marka antibayootikada loo bilaabey ama ilaa marka daryeelaha caafimaadku sheego in cunuggaagu soo noqon karo.

Baaritaan:
U tag dhaqtarkaaga/kiliiniga haddii cunuggaagu qabo indho-gaduud malax leh iyo, ama xumad, indho-xanuun, baalasha oo gaduuta ama haddii aad wax su'aal ah qabtid.

Daaweynta:
Waxa laga yaabaa in dhaqtarkaagu kuu qoro boomaatada ama goojada indhaha. U raac tusmooyinka dhaqtarkja sida uu kuu faray.

Ka hortagga/Xakameynta:
1. KU dhaq gacmahaaga saabbuun iyo biyaha qasabadda oo qandac ah mar kasta ood taabatid wax dareere/dheecaan ah oo ka yimid indhaha, sanka ama afka. Gacmo-dhaqiddu waa habka ugu wanaagsan ee lagaga hortegi karo faafidda cudurada faafa.
2. Cunugga indhihiisu ha ahaadaan kuwo dheecaan ka nadiif ah. Iska ilaali inaad taabatid dheecaanka isha cunugga.
3. Tuur fasaleetiyada la isticmaalay oo dhan.
4. Boombaleyaasha ku dhaq saabbuun maalintiiba hal mar iyo markii ay wasaqoobaan.
5. Qofna ha la isticmaalin waxyaabaha sida shukumaanada ama marada la isku dhaqo.

Wixii su'aal aha ama warbixin dheeraad ah, halkaan ka weydii
SomaliDoc
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada

Offline PrincessMuni

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 594
  • Points: +0/-0
Re: Daaf, Indhogaduudasho (Conjunctivitis)
« Reply #1 on: June 21, 2008, 07:33:01 AM »
i hate daaf so much i get like 5 - 6 times a year...
does the weather cause it ?? because here in kuwait the weather is dusty
and without sunglasses or covering the eye, Bum daaf aa kugu dhacayo
is there anyway i can prevent it? and does Salty water or sea water help ?
Intelligence plus character- that is the goal of true education

Dr. Martin Luther King Jr.

Offline Naale

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Re: Daaf, Indhogaduudasho (Conjunctivitis)
« Reply #2 on: March 10, 2012, 04:54:08 AM »
Asalamu Alaikum Somali Doctors.

Waxaan isku arkay mudadii ugu dambeesay indhaha oo i cun cuna xiliyadi casar liiqa, waxaan isku dayaa inaan xogo si cuncunka igaga dago, madax xanuun xididada Neerfaha aan ka dareemaayo, Ileyska qoraxda oo aan dhibsanaayo iyo dabeeysha oo i dhibta. Marka SomaliDoc waxaa idinkaga baahanahay talao caafimaad iyo waxa sababi kara astaamaha aan kor kusoo xusay iyo sidoo kale sida loola tacaalayo.

waa mahadsan tihiin.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Daaf, Indhogaduudasho (Conjunctivitis)
« Reply #3 on: March 10, 2012, 11:38:57 PM »
Jawaabtaada waxaad ka heli kartaa qoraalka kore oo sheegaya indho cuncunka iyo indho gaduudashada waxaa keeni karo Bakteeriya, alleerjiyo, fayras, dhaawac isha ah ama kiimiko gaarto.

Fadlan akhri qoraalka kore, kadibna la xiriir takhtar indho.
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada

Online CilmiSabce

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 185
  • Points: +0/-0
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Daaf, Indhogaduudasho (Conjunctivitis)
« Reply #4 on: March 10, 2013, 08:55:25 AM »
Dhakhtar marka hore waan ku salaamay.
Dhakhtar wiil aan dhalay oo 6 sano jira, ayaa waxa aan ku arkay maalmahaan markii uu seexdo indhaha oo gaduud noqda, oo baalashuna ay soo bararaan isla markaana ay malax ku dhagto labada dabool ee indhaha, malaxdaas oo ur fiiqan leh,
markii aan baadhay waxa keenay dhibkaan, waxaan ogaaday; in wiilkaan iyo mid kale oo ka yar ay isticmaaleen qalinka loo yaqaano kolooraatiga, qalinkaas oo ah kan la qoro,
waxa ay u isticmaaleen sida indho kuusha iyagoona ku indha kuushay qalinkuna wuxuu ahaa qalin gaduud ah.
Indho xanuun iyo qandho midna iigama muuqato laakiin malaxda, bararka iyo is qabqabsiga indhaha ayaan arkayaa, dhanka kale wiilka yar ee kale isagana malax yar ayaan ku arkayaa iyo indhaha oo yara cas.
Marka Dhakhtar, waxani ma daaf baa mise waa wax kale?
Dhakhtarkii aan ilmaha u geyn lahaana maalmaha sabti & axad ma uu furna.
Dhakhtar, taladaadu waa muhiin.
Jzkl Khyrn.
Xasuusin:
->> Ku Samir Qadarka Alle (SWT), marka aad dhibaato la kulantid.
->> Ku Shukri Fadliga Allaah (SWT), marka aad Nimco heshid.
->> Ilaahay (SWT) Wuxuu la jiraa kuwa Samra.