Akhriska hoose ee cadaadiska dhiigga haduu yahay 60 wuxuu noqon karaa mid dabiici ah mid xanuun uu keenay, badanaa dadka da'da ah iyo haweenka uurka leh wuu hooseeyaa akhriska hoose ee cadaadiska dhiigga.
Dadka qaarne iyagoo da' ahayn ama uur lahayn ayuu hooseyn karaa iyagoo wax dhibaato ah aysan qabin.
Tusaale ahaan qof ka sheeganayo xanuun wadnaha ah oo diastolic pressure-kiisa uu hooseeyo waa in il taxadr leh lagu fiiriyaa maadaama calaamad xanuun uu noqon karo ama in howlgab wadne uu ku soo socdo, laakiin qofka isagoo caafimaad qabo oo wax dhib ah uusan lahayn ayuu hoos u dhici karaa.
Midda kale oo muhiimka ah waa in cadaadiska labo ilaa sadax jeer iska cabirtaa si loo dhaho akhriska dhib ayaa ka jiro, midda kale haduu qofka uu howl hayay ama socod uu ku yimid 15 daqiiqo ka dib ayaa la cabiraa oo waa in loo nastaa, midda kale waa in aad isticmaashaa labo mashiin oo kala duwan maadaama akhriska uu kala duwanaan karo, midka kale oo la sameeyo waxaa ka mid ah in labada gacmood la cabiro oo la isku fiiryo.
Waxaa intaas dhan kuugu sheegayaa hal mar oo cabirto cadaadiskaaga, akhriskii ka soo baxo in aadan waxne ku dhisin.