marka hore waan salaamayaa dhakhaatiirta noo dhib yareeyayay wax badan oo aanaan dadka kale weydiin karin amaba u sharaxi karin waad mahadsantihiin.
waxaan beryahan dambe isku arkey wax aan islahaa waa babaasiir laakiin markii aan halkan ka akhristey ila ekaan waydey, waxaas oo ah waxaan dareemaa gariir sida telofoonka oo kale ah aan sidaasina u weynayn laakiin marmarka qaar badanaya marmarka qaana yaraanaya oo aan ka dareemayo futada, markii haye waxoogaa cuncun ah ayaan lahaa markaa waxaan soo iibsadey kareemada lagaga hortago babaasiirta cishooyin ka dib waxaa hadana dareemay gariirkaa yar oo aan wax xanuun ah lahayn laakiin waxaan is idhi amuu wax kale wataa oo uu hordhac yahay