Author Topic: Su'aal: Shoulder and neck pain?  (Read 398 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdikani

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
Su'aal: Shoulder and neck pain?
« on: May 11, 2012, 02:38:46 AM »
marka hore Allaa mahad leh, marka xigta waxaan u mahad celinaayaa dhaqaatiirka sharafta leh hadaan u gudbo su'ashayda maxaa keena shoulder and neck pain siden isaga ilaaliyaa maxaa dawo u ah mahadsanidin

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Shoulder and neck pain?
« Reply #1 on: May 20, 2012, 12:32:13 AM »
Xanuun garbaha ama qoorta ah waxay noqon karaan kuwa la xiriira, murqaha, lafaha, neerfaha ama nafsiyad ahaan sida diiqada.
Cudurrada keenana waxay noqon karaan mid ka mid ah kuwaas aan soo sheegay, haddii jug ay tahay waxay dhaawici kartaa lafta ama muruqa ama neerfaha.
Haddii muruq kaliya tahay waxaa keeni karo cudurrada ku dhaco murqaha amaba muruq ku galay adigoo si qaab daran u jiifsatid.
Haddii lafo tahay waxaa keeni karo cudurrada lafaha ku dhaca, fitamiinada iyo macdanta qaar ka mid ah oo jirka ku yaraato sida fitamiin D iyo Kalsiyam.
Marka cudurrada keeno xanuunka garbaha ama qoorta wax halkaan lagu soo koobi karo maahan ee haddii aad xanuun dareemayso la xiriir takhtar si laguu daaweeyo.
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada