Daawooyinka ay isticmaalaan ciyaartoyda waa noocyo kala duwan, waxaana kulligood la isku yiraahdaa "Performance enhancing drugs" waana kuwa aan sharci ahayn.
Sida ay u shaqeeyaan way ku kala duwan yihiin, qaar maskaxda ayay saameeyaan (maandooriyayaal) oo qofka in uu daalay iyo in kale in ay jug gaartay ma dareemo inta uu dheelayo, qaar waa kuwa dareenka ka yareeyo lugaha si aan loo dareemin xanuunka iyo wixii la mid ah, qaar waxay qalqal galiyaan isku dheellitirnaanta jirka ee oksajiinka iyo tamarta sidaa darteed daawooyinkaan oo idil waxay qatar ku yihiin jirka bini-aadanka, dhibaatooyinkoodane waa kuwa horay ka soo muuqdo, qaarkood markay ciyaarta dhamaato ayaa la dareemaa.