Caado oo wareerto ilma la soo xaaqay ka dib waxay noqon kartaa dhowr shey oo ay ka mid tahay in hooyada ay caabuq ka qaaday xaaqiddii, taasoo keeni karto in caadad ay wareerto, waxaa kaloo keeni karo in hormoonnada jirka uu khalal ku dhacay maadaama ilmo aanan dhamaystirmin la soo xaaqay.
Sidaa awgeed, xaaqista waa in uu sameeyaa takhtar aqoon u leh, kadib waa in hooyada ay si joogto ah ula xiriirto tkahtar maxaayeelay hooyooyinka qaar, waxay ka qaadaan xaaqisa qaar in aysan uurdambaba qaadin, dhaawac minka gaaray awgiis.
Sidaa darteed waxaan kugula talin lahaa in haweentaada aad la xiriirisid takhtar ku taqasusay cudurada haweenka, lana saaro ultrasoundka ama waxa soomaalida u taqaanno "Kumbuyuutarka".
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caado wareerka iyo waxa keeno:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.htmlHalkaane ka akhriso qoraal ku saabsan caadada oo dumarka ku xanuunsadaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.htmlHaddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na soo waydiin kartaan.