Author Topic: Soonku Waa Dawo Dabiici - Dr Elson M. Haas  (Read 868 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Drkheyre

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 109
  • Points: +0/-0
Soonku Waa Dawo Dabiici - Dr Elson M. Haas
« on: July 19, 2012, 01:43:06 AM »
Soonku Waa Dawo Dabiici -  Dr Elson M. Haas


7, July 2009

War bixintaan waxaa Tarjumay oona Tafatiray Dr. Hassan A. Kheyre.
Hasanbiday@hotmail.com
 
 
Bishan ramadaan DR ELSON M. HAAS M.D. waxaa uu soo bandhigay warbixin aad muhiim u ah oo ku saabsan soonka
 
Dr Haas oo ah agaasimaha xarun caafimaad oo ku taal California, U.S.A. wuxuu horay u qoray buugaag badan oo ku saabsan dawo dabiiciga iyo sun saarka (soonka) qormadaan wuxuu dhaqtarku kaga hadlay soonka waa daawada kaliya ee dabiiciga ah uguna weyn waana daawo soo jireen ah kaasoo caalamiyan lagu daaweeyo dhibaatooyin badan.
Nooluhu iskood ayay isaga daaweeyaan Markey jiradaan hase ahaatee markii aan ogaaday soonka 15 sano ka hor waxaan dareemay in uu badbaadiyay nolasheyda cudurkeygiina u badalay caafimaad, waxaa kaloo wali ii cad in soonku faaido u leeyahay qofka iyo dhibaatooyin caafimaad oo badan.
 
Dhibaatooyinka ugu badan oo aan ku taliyay in soonku dawo u yahay waa kuwa ka dhasha cuntada badan in soonku dawo u yahay cunista badan waxay ka badan yihiin wadamada reer galbeedka marka loo eego dunida 3 aad taasoo dhalisa cudura ay kamid yihiin:
 
Cudurada Xididada, kuwa Wadnaha, Dhiig karka, Alerjiga, kansarka iyo cudurada kaadi macaanka.
Soonku wuxuu ka mid yahay sadexda qeybood ee cuntada dheeli tirka dhismaha, taasoo aan aaminsanahay in ay ka maqantahay reer galbeedka, soonku waa qaabka ugu saxan ee habka dib u hagaajinta wareega cuntada.
 
Halkaan waxaan diirada ku saareynaa ka soomida dareeraha taariikhdiisa daawo ahaaneed, faaidooyinka iyo faaido daradeeda iyo waliba qaababka kale ee waxtarka soonka.
 
Soonku waa dawo la xaqiijiyay soona jirtay sanada badan ahna nidaam diimeed. Cuntada oo la iska dhaafo waa dhaqan diimaha intooda badan diimo fara badan oo ay ka mid yihiin kirishtaanka,Judisamka ayaa u soomi jiray sababo badan oo ay kamid tahay, toobo keenida, baroordiiqa iyo Alla bari, feylesuufyo, dhaqaatiir iyo seynisyahano badan waxay isku raaceen in soonku qeyb muhiim ah ka yahay nolosheena caafimaadka iyo daaweynta cudurada.
Grant sarkisyan ayaa ku daaweeyay cuduro badan soonka , sida neefta, cudurada maqaarka, kuwa dheef mareenka kuwa xididada iyo dhiig-karka.
 
Soonka waa in laga daayo wixi sun ku ah jirkeena maskaxdeena iyo nafteena, waana habka loogu saaro suntan qaab dareen ahaan muuqaal ahaan iyo maskax ahaaneedba.
Fikirka caafimaad ahaaneed ee soonku, waxaan rumeysanahay in soonku yahay qaabka ugu wanaagsan ee daaweynta, sababtoo ah waxaa loo adeegsan karaa xaalada badan.
 
Dadka ku nool wadamada reer galbeedka ayaa isticmaala cunto ay ku badantahay waxyaabaha sunta ah, sida baruurta kiimikada kasoomista cabitaanka waxay jirka u ogolaaneysaa inuu iska saaro suntaas.
 
XAALADAHA UU SOONKA FAAIDADA U LEEYAHAY
 
Hargab                                                Daalka
Cudurada xididada                               Elerjiga cuntada
Wadna xanuunka                                 Dhabar xanuunka
Madax xanuunka                                  Cudurada maskaxda
Dhiig karka                                          Neefta
Xaluul xirinka                                       Cayilka
Kaadi macaanka                                  Hurdo-la’aanta
Dheefshiid xumida                                Kansar
Shubanka                                            xaaladaha maqaarka
Qalalka
 
Soonka in lagu daaweeyo qandhada waa mid la isku qilaafsan yahay waayo reer bariga waxa ay aaminsanyihiin in soonku qofka qandheeysan jirkiisa ku kordhinayo kuleyl, qofka qandheysan wuxuu u baahanyahay cabitaan kaasoo jirka qaboojinaya.
 
Xaaladaha daalka qaarkood ayaa ku daawooba soonka gaar ahaan kuwa ka dhasho xubnaha xirma.
Dhabar xanuunka ay keenaan adkaanshaha murqaha iyo walwalka waxaa lagu yareeyaa soonka.
 
Sidoo kale soonka waxa uu wax tar u leeyahay bukaanada qaba cudurada maskaxda, sida walwalka iyo isku dhexyaaca.
Cayilka waxaa lagu daaweeyaa soonka ayada oo la soomo muddo gaaban waxay culeys badan ka dhimaan dadka cayilan.
Soonka oo lagu daaweeyo kansarka waa mowduuc la isku qilaafsanyahay, dhaqaatiir badan oo banaanka Mareykanka waxay soonka ku daaweeyaan kansarka taasoo ay daliil ugu dhigaan in soonku uu yareeyo suntan cabitaanada.
 
 
HABKA IYO FAAIDIDA SOONKA
 
Soonka waa isbadal kiimikaad iyo waliba qeyb muhiim ah ee isbadal caafimaad wuxuu kaloo kor u qaadaa daganaanshaha iyo tamar siinta jirka maskaxda iyo dareenkaba.
Soonku wuxuu si cad ugu qeyb qaataa korinta iyo abuuritaanka tamrta, wuxuu kaloo sare u qaadaa caafimaadka iyo firfircoonida asagoo qeybaha jirka siinaya nasiino.
 
Fiisiyoolaji ahaan cunista cunista oo laiska daayo waxay yareeysaa shaqada ay qabtaan unugyada dheefshiidka ay kamid yihiin caloosha, xiidmaha beeryarada, xameetida iyo beerka, kaasoo ah warshada ugu weyn jirkeena waxuuna inta lagu duga jiro soonka sameeyaa nadiifinta, soo saarista waxyaabo jirka isticmaalo, sidoo kale dhiiga iyo lymphiga waxay ka qeyb qaataan qashin saarista jirka waxaana shaqadooda kor u qaada soonka.
 
Tamarta jirka oo yaraata waxay beerka u ogolaataa in uu batto sonkorta u keydsan una badalo mid uu jirku isticmaalo karo iyo tamar, sidoo kale baruurta jirka waxaa loo isticmaalaa tamar.
 
Soonku wuxuu siyaadiyaa habka qashin saarka ee malawadka killiyaha, kaadi haysta, sambadaba iyo jirkaba, tani waxay caawisaa xallin xallin dhibaatooyin badan oo ka dhasha cunto cunista fadhi ku shaqeyta badan.
 
QEYBO KAMID AH FAAIDOOYINKA SOONKA
Sifeyn                                       nadiifinta jirka
Tamar badan                             hagaajinta dareenka araga
Dhalinyareyn                           maqalka iyo dhadhanka
Yareynta elerjiga                             hurdo wanaagsan
Kahortaga cudurada
 

SOONKU WUXUU LEEYAHAY CALAAMADO WAXAANA KAMID AH:
 
Gaajo madax xanuun kaasoo labada maalmiid ama sadexda maalmood ama sadexda maalmood ee ugu horeeya naadir ah, xanaaq ayaa kamid ah sidoo kale wareer ayaa jira dadka intooda badan carabkooda ayaa waxaa dufcad ama jaalle ah taasoo sababta ah isbadel kayimaada dhadhanka, lallabo iyo matag ayaa jiri kara inta lagu gudo jiro soonka dadka qaar ayaaa waxay dareemaan hurdo la’aan iyo qarow badan taasoo ay sababto sun saarka jirka iyo habeentiisa.
 
DADKA AAN SOONKU KU WAAJIN
 
Daalka         
Nuujinta       
Qalilin
Difaaca jirka oo hooseeyaa
Cudurada maskaxda
Wadno xanuunka
Kansarka
Dhiig karka
Gaaska
Nafaqo daradda.
Jawiga qabow
 
Tabar darro iyo murugo xanuun ka dhasha macdanta oo yaraata cadaadiska dhiiga ayaa hoos u dhaca sababana wareer gaar ahaan marka qofka asaga oo fadhiya uu istaago.
 
Cili baaris ayaa waxay muujisey in uu isbadel ku yimaado horumarkaada jirka gaar ahaan kan haweenka taasoo horseedda in la waayo socodka dhiigga caadada tan oo lagu macneeyo in ay keento nafaqa darro barotiineed.
 
Hawo nadiif ah: hawo badan ayaa loo baahanyahay si loo nadiifiyo oksojiinna loo siiyo unugyada jirka
Cadceed: ayaa loo baahanyahay si loo xoojiyo jirkeena.
Biyo: qubeys ayaa aad u muhiim ah si loo nadiifiyo jirka laba jeer maalintii
Jimicsiga ayaa sidoo kale ayaa aad muhiim u ah kaasoo ka taageeraya dhinaca nadiifinta sidoo kale wuxuu ka caawiyaa jirka qashin saarka ka hortaga calaamadaha sumowga, lugeyn: baaskiil wadowga, dabaasha waa la sameyn karaa soonka inta lagu jiro.
Daawada waa in aan la isticmaalin soonka dhexdiisa marka laga reebo midda lagu qasbanyahay ee dhaqtarka soo qoro.
 
 
FIIRO GAAR AH
 
Warbixtaan uu Dr-ka Ku soo bandhigay luqada English-ka hadaba hadii aad wax qalad ah aad ku araktiin turjumadaa u soo dir Email Drkheyre oo ah tarjumaha maqaalkaan Hasanbiday@hotmail.com.

 
Maqaldame Waa Allah
 
Dr Elson M. Haas M.D Elsoonhaas@cl.us.
University Clifornia. www.Clifornia University.com.
 
Ilaah ha inaga Dhigo kuwa Soonkooda la aqbalo Ajir iyo Dambi dhaafna ka hela Caafimaadna Alle ku siiyo ... Aamiin..

Online CilmiSabce

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 188
  • Points: +0/-0
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Soonku Waa Dawo Dabiici - Dr Elson M. Haas
« Reply #1 on: July 19, 2012, 06:37:55 PM »
Soonka in uu daawo yahay waa mid la wada hubo, soonka wuxuu kaloo daawo u yahay dadka aan guursan karin, marka qofkii aan guursan karin waa in uu soomo ilaa inta uu Alle waafajinayo in uu guursado. Soonka sida la og yahay wuxuu yareeyaa hammiga qofka. Ilaahay ha naga dhigo kuwii uu soonkoodu noqdo soon la aqbalo... Aamiin.
Xasuusin:
->> Ku Samir Qadarka Alle (SWT), marka aad dhibaato la kulantid.
->> Ku Shukri Fadliga Allaah (SWT), marka aad Nimco heshid.
->> Ilaahay (SWT) Wuxuu la jiraa kuwa Samra.