Asc.
Waxaan isku arkay modo laga joogo 7 Bilood kaadi xanuun siyaado ah, ka dib waxaan u tagay dhakhtar wuxuuna ii diray shaybaarka.
waxaa layga qaaday:-
1- kaadi
2- Burseele
3- Isfiilito
Jawaabtiina waxay noqotay Negetive, waxba waa layga waayay, lkn dhakhtarku wuxuu ii qoray. kiniino Antibiotic ah. wuxuu kaloo igu yiri iska yaray shaaha cabidiisa badan, biyahana badso. mudo kadib illaahay caafimaad ayuu isiiyay Alxamdu lillaah,
laakiin waxaan hada isku arkay in marka ay kaadidu iga imaanayso inay ixanuujiso markay u soo dhowdahay inay soo baxdo, waxaadba moodaa in tuubada dhagax kujiro.
iyadoo sidaas tahay kaadidu makala go'ayso oo waan sii dhamaysan karaa.
illaaahay ayaan caafimaad ka baryaayaa.