Author Topic: Su'aal: Waxan cuncun ka dareema cagaha markan inbadan taagnaado sida (tukashada)  (Read 678 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Wahiib143

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
asc dhamaan dhakhaatiirta
suaasha maanta aan idin waydiinayaana waxa weeye (waxaan cun cun ka dareema cagaha markaan inbadan taagnaado) markaan tukanayo sida salaadaha taraawiixda iyo salatul laylka in badan oo horena waan isku arkay cun cun kan cagaha, waxaanay caguhu i cun cunaan markaa lataagan yahay salaadaha.
wakhtiyada kale wax cun cun ah ma dareemo lakiin hadii aan taagnaado waa ay icun cunayaan, ugu yaraan 10 minute hadaan taagnaado cun cun saa' ida oo aanan salaadaba  ka tukan kareyn ayaan dareemaa ee markaa waxaan idiinka baahanahay inaad faahfaahin iga siisaan arintaa...
wcs

Online CilmiSabce

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 188
  • Points: +0/-0
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Haddii aad xitaa 10 daqiiqo ka badan socotid xanuunka ma dareemeysaa?.
Xasuusin:
->> Ku Samir Qadarka Alle (SWT), marka aad dhibaato la kulantid.
->> Ku Shukri Fadliga Allaah (SWT), marka aad Nimco heshid.
->> Ilaahay (SWT) Wuxuu la jiraa kuwa Samra.

Offline Wahiib143

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
may socodka maaha DR
waa taagnaanta ama sarajooga aad baad umahadsanthay


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 1312
  • Points: +1/-1
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cabashada aad ka cabanaysaa waxay astaan u tahay in cadaadiska cagta aad saartay muddada dheer in ay xadhibtay qulqulkii dhiigga ee gaari lahaa lugta qeybaheeda hoose taasne ay keenayso in aad dareento cuncun.
Sidaa awgeed waxa xannibi karo qulqulka dhiigga waxaa ka mid noqon karo in xinjir dhiig ay jirt oo muddo dhex fadhisay xididadaada lugta, sidaa darteed la xiriir takhtar ku taqasusay cudurrada dhiigga ama xididada, haddii aad joogtid wadanka banaankiisa oo aad samayn karto baaritaan xididada ah way fiicnaan lahayd laakiin intaa kah or la xiriir takhtar aqoon u leh xanuunkaaga.

Wixii su'aal dheeraad ah waad na waydiink artaa.
1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada