Author Topic: Xajiinta, Cuncunka (Allergies)  (Read 49639 times)

0 Members and 9 Guests are viewing this topic.

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3685
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xajiinta, Cuncunka (Allergies)
« on: December 21, 2007, 01:31:20 AM »


Xajiintu ama Cuncuku waxay dhacdaa marka jirku uu jawaab ka celiyo shay. Tani waxaa laga yaabaa in ay keento dhibaato yar ilaa mid daran. Waxaa jira noocyo xajiin ah oo kala duwan. Kuwa ugu badan waxay kala yihiin:
  • Xajiin hawada ka dhalata sida faxalka, caaryada, dufta xayawaanka ama boorka.
  • Xajiinta taabashada sida birta, dheeha ama kiimikooyinka.
  • Xajiinta cuntada sida ukunta, looska, caanaha, digaaga ama kaluunka shellfish.
  • Xajiinta daawooyinka laga qaado.

Xajiin lama daaweyn karo, laakiin daaweyntu waxay caawino ka geysan kartaa in aad roonaato.

Calaamadaha
Dadku waxay kala lahaan karaan calaamado kala duwan oo isku xajiin laga qaaday.
Nooc kasta oo xajiin ah wuxuu keeni karaa finiinicyo ama jirka oo casaada iyo dhibaato neefsashada ah.

Yuu ku badan yahay Allerjiga?
Xajiinta ama allerjiga wuxuu ku dhici karaa dad aad u badan laakiin waxaa jira dad xasaasiyadoodu sarayso oo afka qalaad lagu yiraahdo "Atopy" oo macnaheedu tahay qofka hidda socodkiisa ama dhaxalkiisa ayuu ku jiraa inuu xajiimoodo waxaana dadkaas ku badan cudurro badan oo xajiinta laga qaado sida: Neefta ama Xiiqda, Sanboorka, Cuncunka maqaarka ama Eczema iyo kuwa kalaba, Haddii aad cudurradaas mid ka mid ah aad qabto kuwa kale way kuu sahlan yihiin inay kugu dhacaan.

Calaamadaha kale waxay ku xirnaan karaan sababta xajiinta.
Xajiin faxal, caaryada, dhogorta xayawaanka ama boorka
  • Cun-cun leh, sanka oo dareeraya ama cabbur.
  • Cadaadis sanka fuula.
  • Hindhiso.
  • Indhaha oo cun-cun leh, guduuta, barara, hura oo biyo ka yimaadaan.
  • Cune cun-cun ama qufac.
  • Dheecaan fara badan.
  • Dhadhanka oo qofka ku yaraada ama wax urinta.
  • Madax xanuun.

Xajiinta taabashada laga qaado
  • Indhaha oo cun-cun leh, guduuta, barara, hura oo biyo ka yimaadaan.
  • Bararid.

Xajiinta cuntada laga qaado
  • Lalabbo ama matagid Calool xanuun ama casiraad.
  • Shuban.
  • Cun-cun leh, sanka oo dareeraya ama cabbur.
  • Cune cun-cun ama qufac.
  • Barar ku yimaada afka dhinacyadiisa ama wax liqidda oo dhib noqota.
  • Suuxid.

Xajiinta daawada laga qaado
  • Cun-cunka maqaarka ama indhaha.
  • Bararidda faruuryaha, carrabka ama wejiga.
  • Suuxid, caajis ama isku dhex yaac.
  • Wadne garaac deg-deg ah.
  • Lalabbo ama matagid.
  • Calool xanuun ama casiraad.
  • Shuban.

Daryeelkaaga
Ka fogow waxyaabaha calaamadahaaga uga sii daraya. Baaritaan maqaarka ama dhiigga ah ayaa laga yaabaa in la sameeyo si loo hubiyo xajiinta.
Waxaa laga yaabaa in aad u baahato daawooyin si lagaaga daaweeyo xajiinta.
Isbitaalka aad haddii aad isku aragto:
  • Saameyn liddi ah oo lama filaan ah oo daawada kaaga timid.
  • Calaamadaha ka sii dara ama kaa celiya in aad hawlahaagii caadiga ahaa qabsatid.
  • Qandho ka sarraysa 101 darajo oo F ah ama 38 darajo oo C ah.

Akhriso qoraallo ku saabsan qaababka aad u dareemi kartid Allarjiga iyo sida loola tacaalo:
1- Allerjiga Halista ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2223.0
2- Xajiinta Gacmaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1091.0
3- Neefta / Xiiqda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=351.0
4- Sanboor: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5658.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Xajiinta, Cuncunka (Allergies)
« on: December 21, 2007, 01:31:20 AM »

 

Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17509
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa Sababa Cuncunka Minka/farjiga dumarka ?

Started by MayusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 3833
Last post July 08, 2015, 04:39:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal (Cuncunka iyo raaxo-darada ka timaada babaasiirka)

Started by Dalmar881Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4245
Last post December 12, 2008, 11:55:52 AM
by SomaliDoc
CUNCUNka Xubnaha Taranka Gala

Started by XanaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12705
Last post February 18, 2011, 09:01:35 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka indhaha caruurta?

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 1349
Last post May 11, 2015, 02:53:50 PM
by SomaliDoc