Somali Medical Forums
Welcome, Guest. Please login or register.
October 01, 2014, 06:52:42 AM

Login with username, password and session length
Search:     Advanced search
12331 Posts in 4331 Topics by 11910 Members
Latest Member: Modathir
* Website Home Help Login Register
+  Somali Medical Forums
|-+  Diseases and Conditions
| |-+  Qaybta Su'aalaha (Moderator: SomaliDoc)
| | |-+  Su'aal: Faidoyinka ay ledahay saliida dhaga yaraha?
0 Members and 1 Guest are viewing this topic. « previous next »
Pages: [1] Print
Author Topic: Su'aal: Faidoyinka ay ledahay saliida dhaga yaraha?  (Read 2001 times)
Qays
Newbie
*

Points: +0/-0
Offline Offline

Gender: Male
Posts: 13



Email
« on: February 12, 2013, 10:23:13 PM »

asc dhamaan wan salamaya dhakhatirta marka xiga waxaan jeclaa inaan wax ka fahmo saliida gala sameeyo dhaga yaraha waxa ay jirka u qabato iyo guud ahaan caafimadka bini'adamka iyo sida looga faidesan karo .

waad mahadsan tihiin..
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: +1/-1
Offline Offline

Gender: Male
Posts: 1354



WWW Email
« Reply #1 on: March 17, 2013, 02:43:22 AM »

Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno "cloves", waana miro aad u leh faaidooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar.

Hinidya iyo Shiinaha waxay u adeegsan jireen dhaga yarah 2000 sano ka hor daawaynta afshiirka, waxaana la siin jiray qof walba oo soo booqanayo boqorka si uu afkiisa u carfiyo.

Hadaan u gudbo faaideeda cunno, dhagayaraha waxaa ku jiro protein, birta, kalshiyamka, botasyam, sodyam, fitamiins sida A iyo C.

Dhagayaraha waa xanuun baab'iya aad u fiican waxaana lo oadeegsadaa daawaynta ilkaha, sababtane waa saliidda ku dhex jirta ee loo yaqaanno "eugenol oil", waxaana la helaa iyadoo ka samaysan, kareem, daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqdaba.

Faaidada kale waxay tahay in lagu daaweeyo roomaatiisamka iyo riixa iyadoo la barsado xubnaha ku xanuunyo, haddii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta.
Waxay kaloo faaido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo fangaska galo faraha lugaha dhexdooda.

Faaidada kale waxaa ka mid ah in lagu daaweeyo dheefshiid xumada, shubanka iyo calool majiirka, waxaana ku jirta dhagayaraha maado u eg aashitada caloosha laga helo oo ka qayb qaadato shiididda cunnada iyo la dagaallanka bakteeriyada caloosha.

Faaidada badanaa laga sheekeeyo oo cilmabaarayaasha ay ogaadeen waxay tahay in dhagayaraha la arkay in unugyada kansarka ee ku dhaca sanbabada iyo maqaarka inuu dilo, sidaa awgeedne loo adeegsado ka hortag kansarka labadaas nooc.

Waxaa waa dhawayd lagu daray kansarka calooshane inuu ka hortag fiican u yahay, maadaama cunnooyinka sumaysan oo kansarka u keeni karo caloosha inuu sifeeyo.

Faaidooyin badan oo lagu sheego dhagayarha ayaa jiro waxaan ku soo gabagabeynayaa inuu difaaca jirka sare u qaado, in sonkorta dhiigga hoos u dhigo iyo in dhiig xinjirowga uu ka hortago.

Faaidadaas dhanne waxaa laga helaa saliiddiisa, haddii saliiddiisa oo saafi la helo way fiican tahay laakiin haddii aadn hubin isaga oo sidiisa ah isticmaal.
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
Kaydka Qoraalada & Filimada
Pages: [1] Print 
« previous next »
Jump to:  

Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 2.0.8 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!