Author Topic: Su'aal: Afka cunugeyga wuu shiiraa?  (Read 6695 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Kaafiyo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Afka cunugeyga wuu shiiraa?
« on: September 29, 2013, 05:56:26 PM »
asc
mahad waxay usugnaatay dhamanteed allah sidoo kale wad mahadsanyihiin dhaqaatiirta sharafta leh 
su aashaydu waxay tahay waxaa ii jooga wiil 1sano jiraa marka wuxuu leeyahy 3ilkood ookore iyo 2hoose saasoo ay thay afkiisu wuu sheera cuna lasheegana macuno caanuu ubadnyhy sidoo kale saxaradiisu waa badanthy maalintii 4ama5 weeye mana jilicsana  oowaasaxara caadiyaa marka waamaxay ilmo yaro afku uu qurmi xagee urkaas kaimaanaya  mahad sanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Afka cunugeyga wuu shiiraa?
« Reply #1 on: November 05, 2013, 11:01:06 AM »
Dhowr shey ayaa caruurta da'daas jiro u keeni karto in afkoodu qurmo waxaana ka mid ah:

1- in daloolada sanka uu caabuq ka jiro waxaana badanaa la socdo san dareer ama qandho ama barar sanka dhinacyadiisa ah.

2- Quumanka o bararan, bakteeriyada quumanka infakshanka ku rido way qurmisaa neefta.

3- Ilkaha hadii ay jiran yihiin, afku wuu qurmaa

4- Hadii caruurta sanka wax iska galshaan iyadane way keenta af urka.

6- Haduu afku qalaln yahay neefta way urtaa, maadaama calyada ay bakteeriyada afka ay disho.

7- Haduu cunuga ka xanuunsan yahay caloosha ama gaas uu jiro, way keentaa af qurunka.

Si loo ogaado cilalda waxa ay tahay fadlan la xiriir takhtar caruur isagaa kuu sheegi doono dhibka waxa uu yahay insha'llah.

Caafimaad baan cunugaaga u rajaynayaa
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hafido

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Afka cunugeyga wuu shiiraa?
« Reply #2 on: May 06, 2015, 11:57:05 AM »
Asc, Aaad ayaaad umahasantihiin sida wacan eed bulshada soomaliyeed ugu adeegtaaan aan sii daba dhigteee, inta badan qoysaska soomaliyeed waxay dhahan ilmaha inta aysan ilka dhacsan ka hor loo ma cadayo oo arintaaas waxay ku keentaa ilmaha af qurun, bal waa faaah faahin ah iga siiyo hadii ay jirto?
mahadsanidiin.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Afka cunugeyga wuu shiiraa?
« Reply #3 on: May 07, 2015, 11:01:25 AM »
Caruurta marka ay yaryihiin oo ilkaha u soo baxaan waa loo tirtiraa ilkaha iyo ciridka, waxaa loogu tirtiraa maro dhadiif ama tirtire loogu talagalay maxaa yeelay waxaa laga yaabaa cadayga inuu dhaawac gaarsiiyo, laakiin markii ilkaha badaankiis soo baxaan oo xoogeystaan waa loo cadayi karaa wax dhib ahne ma keenayso, waa caksi, haddii aan loo cadayin ilkaha way ka jiran karaan wayna qurmi karaan, ciridka wuu bukan karaa oo ilkaha soo bixi karo xitaa halis ayay gali karaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 40421
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 61504
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29753
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Suáal: Xanfaf xaga farurta hose ee afka?

Started by AshwaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 13294
Last post May 16, 2010, 09:48:05 PM
by SomaliDoc
Daawooyinka afka ee Sonkorowga (Oral Diabetes Medicines)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 29324
Last post December 05, 2011, 05:55:24 PM
by SomaliDoc