Author Topic: Hawl Gabidda Wadnaha (Heart Failure)  (Read 64783 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Hawl Gabidda Wadnaha (Heart Failure)
« on: December 18, 2007, 01:08:59 AM »


Hawl gabidda wadnaha wuxuu ka yimaadaa muruqa wadnaha oo daciifa, dhiiggana u soo shubmi waayo sidii xoogga lahayd ee ay ahayd inuu u soo shubo. Socodka dhiigga ayaa hoos u dhaca ka dibna dheecaan ayaa ku urura sanbabadaada ama qaybaha kale ee jidhkaaga. Tan macnaheedu maahan in wadnahaagu uu joojiyey inuu dhiigga soo shubo laakiin wuu daciifay...
Hawl gabidda wadnaha markay cusub tahay waa lala tacaali karaa, laakiin markay raagto waxay hawlgabisaa qofka.

Sababaha Hawl gabidda Wadnaha
• Dhiig-yari degdeg ah (Qofka oo dhiig-baxo wuxuu la kulmaa inuu wadnaha bararo).
• Cudur wadne (Qofka oo ku dhashay cudur wadnaha ku dhaca ama la kulmay cillad wadnaha ugaar ah).
• Dhiigkar sarreeya
• Cudurro sanbabka ku dhaco (Burunkiitada raagto oo ku badan dadka sigaarka cabo).
• Hurgun ama fayras ku dhaco xuubabka wadnaha.
• Isticmaalka khamriga iyo mukhaadaraad
• Cudur ku dhaco qanjirka thyroid-ka ama kilyaha.

Astaamaha Hawlgabidda Wadnaha:
• Neef-tuur iyo daal jirka dhan ah
• Cagaha oo ku bararan.
• Jaranjarada oo aadan si raaxo leh ku fuuli karin
• Habeenkii oo naqaska kugu dhago
• Adigoo meel siman ama barkin la'aan jiifsan karin
• Qufac wadato candhuuf ubur leh
• Wadna garii ama wadne garaac
• Miisaankaaga oo kordhay biyaha jirka ku aruuray dartiis
• Cunno xumo iyo caloosha oo fadhiso
• Caloosha ma qooraha oo bararka laga dareemo.

Daryeelkaaga
• Daawooyinkaaga u qaado sida uu dhakhtarku ku faray.
• Subax kasta isla waqti is miisaan. Xafido diiwaanka miisaan maalmeedkaaga.
• Iska xaddid cusbada ama sodyamka ku jira cuntooyinka iyo cabitaannada.
• Dhakhtarkaaga la xiriir markaad wax ka mid ah calaamadaha hoose aad isku aragto—dib ha u dhigin wicitaanka.
• Feejignaan sii sida aad dareensan tahay.
• Maalin kasta jimicsi samee, laakiin sidii loo baahnaa u naso.
• Cagaha kor saaro si aad u yarayso bararka anqawga.
• Xafid ballammada dhakhtarkaaga.
• Xaddid dareerrada aad maalin walba qaadatid haddii uu takhtarku kugu amro.
• Is caatee haddii aad si xad dhaaf ah u cayillan tahay.
• Jooji sigaar cabidda.
• Ka fogow maandooriyaasha.
• Qaado tallaalka ifilada sanad kasta. Takhtarkaaga kala hadal tallaalka cudurka sanbab bararka ama numooniyada (pneumonia).

Sidee ku ogaan karaa in wadnaha aan ka jiranahay?
• Dhakhtarka markuu ku wiisiteeyo wuu kaaga shakkin karaa xanuunka.
• Qalabka korontada wadnaha ee loo yaqaano "ECG"
• Qalabka kumbuyuutarka wadnaha ee loo yaqaano "ECHO"
• Raajada waa lagu ogaan karaa inuu wadnaha bararan yahay iyo in sanbabada biyo ku jiraan.

Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii:
• Uu kugu kordho miisaan 2 pounds ama1 kiilo garaam hal maalin, ama 3-5 pounds ama 1-2 kiilo garaam 5 maalmood.
• Ay ku bararaan lugaha, cagaha, gacmaha ama uur ku jirta ama aad dareento in kabahaaga, suunka ama faraatigu ay ciriiri kugu noqonayaan.
• Dareento neefsashada oo ku gaabanaysa.
• Isticmaasho barkimo markaad seexanayso ama aad u baahato inaad kursi ku seexato.
• Habeenkii qufacdo ama qufacu kugu kordho ama feero caaburmid.
• Daallan tahay ama daciifto.
• Cunto cuniddaadu xumaato ama lalabbo ku qabato.
• Dareento wareer ama isku dhex yaac.
• Inyar aad kaadiso.

Isla markiiba aad isbitaalka haddii:
• Aad dareento in neeftu kugu gaaban tahay xataa markaad nasato
• Aad qabato feero xanuun, cadaadis ama giigsamid
• Aad miyir beeleyso
• Aad isku aragto wadne garaac, oo aan joogto ahayn

Qoraalo Xiriir La Leh:

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

A blind girl with a blind heart

Started by YaxyaBoard Feel Free Here

Replies: 6
Views: 9296
Last post June 27, 2008, 06:27:54 AM
by Yaxya
Su'aal: Maxaa keeni karo qof wadnaha ka xanuunsan, baaristune caadi tahay?

Started by QaysBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8187
Last post June 09, 2011, 10:50:09 PM
by SomaliDoc
Maxaa keeno wadnaha inuu dalooshamo?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Caruurta

Replies: 0
Views: 37868
Last post December 28, 2015, 02:50:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Kiniiniga Big power ka wadnaha wax ma yeeli karaa??

Started by CanabcumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8125
Last post February 28, 2016, 05:07:20 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhanka bidix ee wadnaha baa xanuun ka darema?

Started by Saladyare9Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4757
Last post March 25, 2016, 09:02:53 PM
by SomaliDoc