Author Topic: Su'aal: Xubinta taranka ragga oo midab yeelata?  (Read 5666 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Wiilka Muqdisha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xubinta taranka ragga oo midab yeelata?
« on: November 24, 2014, 08:06:27 PM »
Asc wr salaan ka dib dhaqaatiirta waxan waydiin lahaa xubinta taranka raga (guska) oo maqaarka qeyb ka mid ah uu yeesho midab sida qofka marku gubto oo ka bogsaday oo kala ah ..midabkaas muddo ayuu ku yaala kama baxayo wax xanuun ahna malahan. marka waa maxay midabkaas maxaase daawo u ah ...waa mahadsantihiin sc wr




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xubinta taranka ragga oo midab yeelata?
« Reply #1 on: November 25, 2014, 11:45:01 AM »
Midabka oo ka luma qeyb ka mid ah haragga waxaa keeni karo dhowr waxyaabood, cawrada waxay ka mid tahay meelaha uu midabka ka lumi karo oo sida aad tilmaantay uu noqon karo.

Midabka oo lumo waxaa loo yaqaannaa "Hypopigmentation", waxaana keeni karo:
1- Cudurka loo yaqaanno "Qawadka" oo uu keeno jeermis fangas ah, halkaan ka akhriso waxa uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2313.0.html
2- In nabar meel ka soo baxay oo haar ahaan u bogsatay, kadibne qoloftii ka dhacday.
3- Waxaa jira cudur ka lumiya midabka maqaarka oo loo yaqaanno "Vitiligo" ama "Baras-ka" oo isagane wuu noqon karaa, maadaama meelo ka mid ah jirka uu ku dhici karo oo qasab aysan ahayn in jirka dhan uu ku faafo, halkaan ka akhriso Baraska, Halkaan ka akhriso in Baraska uu daawo leeyahay iyo in kale
4- Waxuu kaloo noqon karaa in meesha midabka ka kacay uu xanuun ku dhacay keeni kara midab badal sida cudurrada loo yaqaanno "Inflammatory disorders"
5- Waxaa kaloo jira cudurra dhowr ah oo lagu yaqaanno calaamdda midab ka guurista.

Sidaa awgeed waxaan kugula talin lahaa in aad takhtar maqaar la xiriirtid si loo eego, haddii aad baaris u baahatidne laguugu sameeyo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Wiilka Muqdisha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Xubinta taranka ragga oo midab yeelata?
« Reply #2 on: November 27, 2014, 05:16:57 AM »
Aad iyo aad u mahadsantahay


 

Su'aal: Haduu qofka xubin tiisa taranka ay tahay 13cm ama 5inch?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 15721
Last post March 25, 2016, 09:18:40 PM
by SomaliDoc
Maxaa Keena Nabarada Ku Dhaca Qaybta Hore ee Xubita Taranka?

Started by AdamAliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5487
Last post January 19, 2021, 11:40:33 AM
by Milica_soomali
Waa maxay cillada naaso bararka ragga "Gynecomastia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 71978
Last post December 11, 2017, 11:50:07 PM
by Xalane123
Su'aal: Ninka doonaayo inuu aad u adkeeyo xubintiisa taranka?

Started by Ahmed15Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13781
Last post August 30, 2015, 07:04:17 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xubinkayga taranka mar walba waxan isku arka?

Started by Dr CaqilBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9811
Last post March 18, 2016, 11:56:56 AM
by SomaliDoc