Author Topic: Cunto Ku-Sumowga (Food Poisoning)  (Read 9335 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3560
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cunto Ku-Sumowga (Food Poisoning)
« on: December 28, 2007, 02:48:38 AM »


Cunto ku-sumowga waxaa keena cunista cunto ama cabbitaan ku wasakheysan bakteeriya, daris-ku-nool (fungi) ama fayrasyo. Waxaa laga yaabaa in cuntada iyo cabbitaanku aysan u ekeyn mid wasakheysan sababtoo ah waxaa laga yaabaa in muuqaalkooda, dhadhankooda iyo urtooda aysan waxba gaarin.

Cunto ku-sumowga intiisa badan waxaa keena bakteeriya si dhakhso ah u taranta. Qaar ka mid ah bakteeriyada waxay ka tarmi karaan hal bakteeriyo waxaana ay gaari karaan tiro malaayiin ah haddii ay helaan xaalado ku haboon sida: qoyaan, cunto, diirimaad iyo wakhti.

Waxaa cudurku loo sii dhow yahay marka ay sii bataan tirada bakteeriyada jirta.

Cunto ku-sumowgu waxa uu badanaa jiraa 1-3 maalmood, laakiin waxa uu sii jiri karaa ilaa todobaad taasoo ku xiran nooca iyo darnaanta cudurka. Badanaa ka-bogsasho buuxda ayaa lagu helaa gudaha hal todobaad.

Calaamadaha
Calaamadaha ugu caansan waa matag, calool xanuun iyo shuban ka yimaada barar ku dhaca marinka caloosha (caloosha iyo mindhicirka). Hase yeeshee qaar ka mid ah noocyada cunto ku-sumowga waxay keeni karaan qandho ama xummad, dhiig la socda saxarada, tamar-dari ku dhacda muruqyada ama qallal / gariir marrar dhif ah.

Muddada uu cudurku qarsoon yahay waa mid isbeddel leh; qaar ka mid ah cunto kusumowga waxay keenaan calaamado iyo cudur lagu arko dhawr saacadood gudahooda, laakiin intooda badan waxay qaataan 12-48 saacaadood inta ay abuurmayaan si dhakhso ahna u dhib u keenayaan.

Sababaha
Sababaha ugu caadisan ee keena cunto ku-sumowga waa Campylobacter oo laga helay digaagga, caanaha aan la karin, hilibka cas iyo biyaha aan la sifeyn. Nooca labaad ee ugu caansan waa Salmonella kaasoo laga helay caanaha aan la karin, ukunta iyo waxyaabaha laga sameeyay ukunta aan la karin, hilibka iyo digaagga.

Waxaa kale oo jira noocyo kale oo ah bakteeriya oo cuntada ku abuura sun waxyeello leh sida Staphylococcus Aureus, Clostridium Perfringens iyo Bacillus Cereus. Waxay kuwaasi keenaan shuban khafiif ah ilaa mid dhexdhexaad ah.

Qaar ka mid ah noocyada bakteeriyada ee caadiga u ah mindhicirka ayaa keena cunto kusumow.
Tusaale ahaan, E. Coli caadi ahaan dhib ma laha laakiin qaar ka mid ah noocyadiisa sida E157 ayaa keeni karaa cudur daran, kalyaha oo hawlgab noqda ama dhaawac gaara dhiigga.

Listeria waa nooc kale oo ah bakteeriya oo caadi ahaan laga helo deegaanka iyo cuntooyinka intooda badan. Laakiin marka ay aad u badan tahay ee ay ku jirto cuntooyinka ay ka mid yihiin chees-ka ama faramaajada jilicsan ee caarada leh iyo cajiinka
hilibka waxay keeni kartaa cudur daran.

Bakteeriyadu waxay ka fidi kartaa gacmaha iyo qalabka jikada ama kushiinka oo ay gaari kartaa cuntada. Qaarka ka mid ah cudurada cunto-sumowga waxay ku fidi karaan dadka kale. Sidaa daraadeed marka qofku qabo cunto ku-sumow waxaa muhiim ah in qofku si taxaddar leh gacmaha iskaga dhaqo isla markaana si dheeraad ah taxaddar ugu yeesho caafimaadkiisa shakhsi ahaaneed.

Sidee lagu ogaan karaa in aan cunto ku sumoobay?
Cillad-sheegidda waxaa la sameeyaa iyadoo la garto calaamadaha lagu yaqaanno cudurka.
Waxaa taa sii fududeyn kara marka tiro dad ah ay cuneen isku cunto ama ay cabbeen isku cabbitaan.
Sababaha keena cunto ku-sumowga waxaa kale oo lagu garan karaa baaritaan shaybaar oo lagu sameeyo saxarada.

Sidee loo daaweeyaa?
Inta badan calaamadaha iyo dhibka cunto ku-sumowgu waxay ku tagaan dhawr maalmood gudahooda iyada oo aan la arag dhakhtar. Marka ay jiraan xaalado daran waxaa laga yaabaa in qofka loo qoro antibiyootiko haddii ay hayaan cudurrada bakteeriyada qaarkood.

Muddada bogsashadu waxaa kale oo ay ku xiran tahay nooca cudurka, da’da qofka iyo caafimaadka iyo haddii ay jiraan xaalado caafimaad oo kale.

Fuuq baxa qofka ku dhaca iyadoo sababtu tahay shuban iyo matag waa in lagu daweeyo waraabinta hooreyaasha "Faleebo" laga helo farmasiiyada, ama iyadoo si joogto ah loo cabbo cabbitaan khudaar oo la barxay, biyo cusbo iyo sonkor lagu daray, ama shaah khafiif ah oo macaan ama biyaha fuuq celinta ee "ORS"

Waa in talo dhakhtar loo doonto:
• Haddii cudurku sii jiro in ka badan dhawr maalmood ama haddii xaaladda guud ee qofku sii xumaato,
• Haddii dhiig la socdo saxarada,
• Marka qofku yahay waayeel, dhallaan, ama haweeney uur leh, ama
• Haddii shubanku leeyahay axal jaalle ama hurdi ah ama cagaar ah.

Sidee looga hortagi karaa?
Halista cunto ku-sumowga waxaa la yareyn karaa iyadoo:
• Taxadir la yeesho marka la diyaarinayo lana kaydinayo cuntada,
• Si buuxda hilibka barafka looga dhalaaliyo loona kariyo si loo dilo wixii ah bakteeriyada waxyeellada leh,
• La hubiyo in dhamaan cuntadu daboolan tahay lana barafeeyay,
• La iska dhaqo gacmaha ka hor intaan cunto gacmaha lagu taaban,
• Si buuxda loo dhaqo khudaarta ama ansalaatada,
• La iska ilaaliyo caanaha aan la karin, ukunta aan la karin iyo hilibka aan si wacan u karsaneyn, iyo
• In aan la oggalaan in dheecaannada hilibka cayriin ama aan la karin ay taabtaan cuntooyinka kale.

Hadiii aa su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Cunto Ku-Sumowga (Food Poisoning)
« on: December 28, 2007, 02:48:38 AM »