Author Topic: Caabuqa Sanqada "Sinusitis"  (Read 101449 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caabuqa Sanqada "Sinusitis"
« on: February 25, 2015, 04:04:33 PM »


"Sinusitis" waa caabuq ku dhaca daldaloolada lafaha sanqada ee caafimaad ahaan loo yaqaano "Sinuses".

Sida caadiga ah, dulduleelada ama jeebabka sanqada waxaa ku jira hawa, laakiin markuu infekshan qaado waxaa ku aruuri karo dheecaan ay keento bakteeriyo ama feyras.

Xanuunada keeno in caabuq galo waxaa ka mida ah: Hargab-ka, Sanboor-ka, Hilibka sanka ka soo baxo ama carjowda sanka kala qeybiso oo qalloocan.

Xanuunkaan waxaa loo kala qaybiyaa 3 qeyb waxa ay na ku kala duwan yihiin kaliya muddada ay hayaan qofka, midka 1-aad waa mid si degdeg ah qof u qabto wuxuu ku bilawdaa hargab, hindhiso, san-durdur iyo xanuun wajiga ah, wuxuuna qofka hayaa in ka yar muddo bil ah.
Midka 2-aad wwuxuu qofka hayaa 1 bil illaa 2 bil gudahooda, Midka 3-aad qofka wuu ku soo noqnoqdaa wuxuuna hayaa muddo sanad ama ka badan.

Calaamadaha lagu garto xanuunkaan waxaa ka mid ah: Xanuun wajiga ah ama cadaadis in laga dareemo, Sanka oo cabursan, biyo ama duuf sanka ka yimaado, carfinta ama urinta oo sidii saxda ahayn, marmarka qaar waxaa la socdo madax xanuun iyo qufac.
Qofka hadduu ku raago wuxuu yeelanayaa qnadho, hawada afka iyo sanka oo urto, caajis jirka oo idil ah iyo ilko xanuun.

Waxaa lagu fahmaa in qofka uu yeesho duuf cagaaran oo adag oo ur badan iyo weji xanuun indhaha lafta ka ka korreysa, meesha ay labada indhood iskaga yimaadaan iyo lafta sanka dhinacyadiisa ah.

Sidee lagu ogaadaa xanuunkaan?
Waxaa lagu ogaadaa calaamadaha kor ku xusan oo aad takhtarka u sheegto iyo daqnasho aad ka dareento markuu takhtarka cadaadiyo meesha jeebabka sanqada ay wajiga kaga aadan yihiin sida ka muuqato sawirkaan hoose:

Kadib duufka ayaa la beeri karaa si loo ogaado caabuqa hayo jeermiska keenay nooca uu yahay, ama in la saaro sanqada raajo lagu fiiriyo in jeebabka ay wasakh fadhiso iyo in kale.

Takhtarka wuxuu adeegsan kara tubo afka hore kaamiro ku leh si loogu soo eego in meel xadhiban ay jirto iyo cilladaha kale ee aan si toos ah indhaha loogu arki karin.


Sidee loo daaweeyaa?
Markuu caabuqa sanqada uu cusub yahay, wuxuu takhtarka kuu qorayaa daawooyin infekshanka la dagaallamo iyo xanuun baabiye iyo daawo cabburka iyo hindhisada yarayso, haddii qandho ku heysane, daawo qandhada kaa jabiso. waxaa daawada badanaa la qaataa 2 usbuuc ugu badnaan.

Hadduu xanuunkaaga uu yahay mid raagay, waxaad u baahan tahay in wasakhda ku jirta sanqada sidii lagu daaweyn lahaa loo howlgalo, waxyaabaha la samayn karo waxaa ka mid ah in lagugu uumiyo biyo qandac ah si ay u soo jilcaan oo aad u soo diifsatid, in wejiga la saarsaaro wax qandac ah sidoo kale, in sanka lagaaga dhibciyo biyo cusbo leh ama laguu qoro goojooyin ama wax lagu buufiyo sanka oo daawo leh.

Haddii intaa wax tari wayso waxaa u baahnaan kartaa qalliin lagu sameeyo ama qaab looga soo dhuuqo wasakhda ama lagu daaweeyo cilalda xanibnaanta in la sameeyo.

Fadlan dhakhtarkaaga E.N.T-ga kala tasho qaabka ugu habboon ee xanuunkaan loo daaweyn karo.

Marmarka qaar takhtarka wuxuu sanka kaa galin karaa tubo lagu soo dhuuqayo wasakhda dhex fadhiso lafaha sanqada dhexdooda.

Xanuunkaan haddii aan la daaweynin wuu sii fidi karaa oo waxuu gaari karaa maskaxda wuxuuan keenayaa markaas xanuunka qoor-gooyaha ee "Meningitis".

Haddii aad qabtid su'aalo la xiriira xanuunkaan waad noo soo diri kartaan.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Ahmed571

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Caabuqa Sanqada "Sinusitis"
« Reply #1 on: December 25, 2015, 02:01:31 AM »
?????? ????? DR  aaad ayan kuu salaamayaa
 mudo afar sano ah waxaa i hayay xanuun xanuun kaas oo aanan fahmayn markaa lkn awal wuxuu igaga bilaabmay qamunka oo i xanuunay  kdib wxuu yeeshay in uu sanka mar walba i xidhnaado  ur kasoo baxda sanka inuu yeesho   hada lajoogo afka laftiisu  waxa uu yeeshay ur  waxaa jirta mar marka qaar kood ee habudhku saaid igu noqdo in dhiig yar aaan kataabto sanka gudi hiisa markan farta galiyo lkn waa xiliga aab sigaar ka cabo ama aan badsado
cunaha dalqada sare meel aan uma leeyay halka sanka iyo afka isaga yimaadan way ixanuuntaa marka aan milix kuluq luqdo iyo xataa markan hindhisaba laabta lafteeda waxaan kadareemi jiray culays  oo hadba dhinac ah lkn hada mudo taas ma arag  dr ilaahy aakhiro iyo aduunba  garabkaaga hagalo . iiga soo jawaab 

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Caabuqa Sanqada "Sinusitis"
« Reply #2 on: January 09, 2016, 03:42:34 PM »
Fadlan marka ugu horeysa, jooji cabista sigaarka, cudurkaan wuu u daran yahay sigaarka.
Midda xigta la xiriir dhakhtar E.N.T si loo hubiyo inuu xanuunkaan yahay, kadib laguug sheego heerka uu marayo iyo sida loola tacaali karo hadda.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

الحب الرومانسي انتهى " الحب هو عبارة عن برو

Started by YaxyaBoard Feel Free Here

Replies: 9
Views: 19486
Last post September 16, 2009, 10:54:46 AM
by Mandeq
Infakshanka / Caabuqa Kaadi Mareenka (Urinary Tract Infection)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 139005
Last post March 24, 2011, 06:20:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka mindhiciro bararka iyo Caabuqa Prostate-ka?

Started by XaaafadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 10782
Last post July 10, 2016, 11:38:35 AM
by Abdiselamhaji
Caabuqa Fangaska ee Faraha Cagta Gala

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 56601
Last post May 19, 2016, 05:50:26 PM
by SomaliDoc
Caabuqa Caloosha Ee Aaan Lagu Baraarugsanayn.

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69199
Last post September 12, 2017, 07:57:44 PM
by SomaliDoc