Author Topic: Waa maxay dhiciska soo noqnoqdaa?  (Read 61856 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Hodandeeqa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Waa maxay dhiciska soo noqnoqdaa?
« on: September 09, 2015, 05:57:23 PM »
waa igu dhacay dhicis is daba socda oo gaadhaya 4 jeer ilaa hada la iima sheegin dhibaatada keentay waxan la xidhiidhay dhakhtaro badan wax cilada iima ay sheegin waxaa idinka codsanayaa talo inaad I siisaan.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay dhiciska soo noqnoqdaa?
« Reply #1 on: September 11, 2015, 12:41:19 PM »


Waa su'aal muhiim ah in hooyo kasta oo isku aragta dhicis soo laalaabto ama isku daba xigo in ay ogaato waxa keeni karo.
Waxaa loo kala qaadaa cilladaha sidatan:

Cillad ka timid qaab samaysanka xubnaha ku shaqo leh uurka sida raximka "minka", afka ilmogaleenka:
  • Raximka: waxaa la arkay haddii minka uu u samaysan yahay qaab uusan uurka ku ceshan karin boqolkiba 15% ilmaha way soo dhacaan, cilladaha waxaa ka mid noqon kara in minka uu leeyahay xuub kala qeybiyo ama cillad muqaha minka ah, tani waa mid lagu ogaan karo baaritaano computer in ay cillada ay halkaan ka jirto.
  • Afka ilmo-galeenka: Hadii ay jirto dabacsanaan afka minka waxay keentaa in uurjiifka uu soo dhacayo markii uu cuslaado, wuxuuna dilankaan badanaa dhacaa markii ilmuhu ka gudbaan sadaxda bilood ee hore, waxaa lagu ogaan karaa wiisiteyn dacasanaanta afka minka, waxayna dhakhaatiirta tolliin fudud ay ku qabtaan afka si ilmaha u dhameesto bilooyinkiisa kadibne waa laga furaa.

Cillad is-diidis dhiiga aabaha iyo hooyada:
  • Waxaa jira dad leh hidde socod u nugul in ilmaha ay soo tuuraan, haddii laba qof ay isku soo aadaan oo xambaarsan cilladahaas, waxay keentaa in ilmuhu ay soo dhacaan ama ay dhashaan ilmo aan dabiici ahayn, sidas awgeed waxaa jiro baaritaan la dhaho "karyogram" oo lagu ogaado in labada lamaane ay qabaan cilladaas, baaritaankaan ma ahan mid laga helo soomaaliya.

Cillad xaga hormoonada ah:

Cillad difaaca jirka ah:
  • Waxaa jiro cillado keeni kara in jirka hooyadu uusan dulqaad u lahayn uurka oo uu weerarayo si uu isaga takhalluso maadaama ay tahay cillad isdifaacis jirka, wuxuuna jirka hooyadu dareemayaa in uurjiifka uu yahay wax halis keeni karo sida wax aan jirka ka tirsanayn sida jeermiska oo kale, sidaas ayayna ilmaha ku soo dhacaan, halkaan ka akhriso cillad ka mid ah cilladahaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5905.0.html

Cillad ugxansidaha:

Cillad uu isku keeno qofka:
  • Haddii hooyadu ay isticmaasho wax halis ku noqon karo uurka sida sigaarka, khamrada iyo daawooyin aan laga fiirsan ama hooyadu aysan ogayn in ay dhib keeni karaan, haddii la isticmaalo waxay keeni karaa dilan joogto ah.

Caabuq hooyada ku dhaco:
Akhriso qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Caabuqyada Hooyada Ku Dhaco oo Naafeeyaa Uurjiifka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7708.0.html

Daaweyntu waxay ku xiran tahay in la ogaado marka hore cillada waxa ay tahay, sida aad aragtayne waa waxyaabo badan oo u baahan in dhakhtarku uu kala sooco si loo ogaado, waxaana ka xumahay in baaritaanada lagu ogaanayo cilladaha qaar in aan laga helin soomaaliya.

Waxaa intaa sii dheer waxaad ogaataa in alle uu caruurta bixiyo, waxaa dhici karto in wax kasta lagaa baaro oo hadane ay dhakhaatiirta sheegi karin waxa keenay dilankaan soo laalaabto, waxaa dhici karto in ilaahay uusan qorin in aad wax isku dhashaan adiga iyo xaaskaaga.

Waa maxay dilan? Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1083.0.html

Waa muhiim in aad akhrisato dhamaan qoraallada aan kuugu tilmaamay jawaabtaan maadaama xanuun kasto uu leeyahay astaamo u gaar ah oo uu kaga duwan yahay xanuunada kale, haddii aad akhrisato waxaa laga yaabaa in aad dhowr cudur aad isku aragto astaamahooda.
Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid, ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 77683
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 81016
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 74502
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58606
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 56589
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc