Author Topic: Meel ii ifiyow ma leh! - Talo iyo Tusaalo  (Read 19784 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Meel ii ifiyow ma leh! - Talo iyo Tusaalo
« on: October 03, 2015, 03:12:05 PM »


Maanta waxaan la hadlayaa dadka aanan garanaynin sida saxda ah ee dhakhatarku loogu sheegan karo cabashada xanuunkaaga iyo qaladaadku ay badanaa bukaanadu sameeyaan taasoo keeni karto in dhakhtarku uu ku wareero garashada xanuunka qofka.

Marka ugu horeysa ee dhakhtarka u soo gasho oo uu mgacaaga, da'daada iyo meesha aad ka timid ku waraysto, waxaa ku xigo waa in aad u sheegtid cabashada ku keentay isbitaalka adigoo sheega inta astaan ee aad dareensan tahay, una kala hormariyo sida ay u kala horeeyeen iyo mudada aad xanuunsayd.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad dhakhtarka u raacsiiso haddii aad wax daawo ah soo qaadatay iyo inta aad maalmood ee aad qaadanaysay.

Wixii intaa ka dambeeyo dhakhtarka isagaa su'aalo faahfaahsan kaa sii waydiin doono cabashadaada inta uusan ku wiisiteynin ama baaris gacmeed kugu samaynin isagoo xoogga saari doona cabashadaada qeybaha jirkaaga ee ay la xiriirto.

Intaas oo dhan waxay dhakhtarku ka caawinaysaa in baaritaan kooban oo diirada saarayo cabashadaada inuu kuu diro si cudurkaaga loogu garto muddo kooban.

Qof walba oo xanuunsan markuu u imaanayo dhakhtar wuxuu doonayaa inuu ogaado xanuunkiisa iyo daawadii loogu talagalay inuu helo, laakiin qofka bukaanka ayaa dhakhtarka dib marin karo garawsashada xanuunka sababahaan soo socdo awgood:

  • Waxaa dhici kara in qofku uu is leeyahay dhakhtarkaaga xooga ha saaro xanuunkaaga oo yuusan kaa bakhiilin juhdigiisa iyo waqtigiisaa iyo aqoontiisa intaba sidaas daraadeed waxaa dhacdo in qofka uu cabashada uu buunbuuniyo ama wax aanan jirin oo ku soo daro taasoo aanan is qaadan karin ama dhakhtarku uusan fasiri karin, waxayna arintaan keyntaa in dhakhtarku uu ku jahwareero garashada xanuunka sidaas daraadeedne laguu diro baaritaano badan, adigane aad ku qasbanaatid in qarash badan uu kaa baxo maadaama waxyaabo badan oo aanan is qaadanaynin aad dhakhtarka u sheegtay ama waxaa dhici karto haddii aadan baaritaan qarash u haynin in dhakhtarku uu kuu qoro daawo tiro badan isagoo isku dayaya inuu cabashadaada daboolo xanuunada keeni karo.
  • Waxaa kaloo jiro koox bukaano ah oo aanan waraysiga dhakhtarkaba u arkin inuu muhiim yahay, oo hadii aad waraysato waxaa dhici karto inuusanba kuu sheegin wax la tilmaami karo oo uu warka dhamba kuu soo koobo, tusaale ahaan inuu qofku dhaho " meel ii ifiyow ma leh" ama "meel kastaa i xanuunayso" ama "haddii aan ogahay meesha la iga hayo, maan kuu imaan lahaa" intaasba waxay keenaysaa inuu dhakhtarku ku wareero garashada xanuunkaagaa maxaa yeelay dhakhtarku wixii qarsoon ma garanayo waana muhiim in warbixinta, wiisiteynta iyo baaritaankaba isku darsado si uu u garto xanuunkaaga kadibna laguugu qoro daawada aad u baahan tahay kaliya.

Marmarka qaar adigoo cabashadaada aanan waxba ku daraynin ayaa waxaad qaldi kartaa qaabka aad u sheegaysid taasoo saameyn ku yeelan karto waraysiga dhakhtarka, tusaale ahaan, hadduu qof bukaan ah ku dhaho dhakhtar "anigoo suuqa socda ayaan wareeray, anigoo sii dhici raba ayaan arkay oo meel ayaan fadhiistay, kadib waa la isoo garab galay, markaan guriga imidne caadi ayaan ku soo laabtay" waxaa dhici karto isla bukaankaas inuu cabashada u dhigo si kale oo ah "anuu suuqa marayo ayaan suuxay, dhulkaan ku dhacay waan socon waayay, waa la isoo qaaday markii guriga la ikeenay ayaan soo naaxay oo aan caadi noqday"
Haddii aad u fiirsatid labadaas cabasho waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay isku mid u tahay, laakiin haddii aad qof dhakhtar ah u sheegtid labadaas cabasho waa laba arin oo kala fog oo aanan shaqo isku lahayn, xanuunada uu dhakhtarku kaa baarayo way kala duwanaanayaan.

Intaa kadib taladaydu waa:
1- Fadlan isku day in sida laguu hayo aad u sheegtid kaliya adigoo aanan waxba ku darin ama buunbuunin.
2- Haddii aad rabtid in dhakhtarka uu xanuunkaagu si sahlan ku haleelo, ku caawi cabasho kooban oo sax ah adigoo u kala hormarinayo siday ku bilaabatay, ha hilmaamin in aad sheegtid haddii aad daawo soo qaadatay.
3- Ogow sababtu ay  badanaa dhakhaatiirta qaar u qoraan daawooyin tiro badan waa iyagoo aanan weli garan xanuunkaaga, ama adigoo dhakhtarka marin habaabiyay ama iyadoo aanan baaritaan la samaynin ama dhakhtarku uusan ku kalsoonayn baarista shaybaarkiisa, taasi waxay keeni kartaa in aad ku sii xanuunsatid daawada laguu qoray haddii aysan sax ahayn ama ay daawadu isla falgasho!.

Haddii aad su'aalo qabtid ku saabsan qoraalkaan iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawada oo aan sidii loogu talo galey loo qaadan

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 14228
Last post April 03, 2016, 10:41:02 PM
by Jamaaluddiin
Su'aal: Haddii infakshan awgiis ilmo la waayo, maxaa talo ah?

Started by Mohamed12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6634
Last post April 25, 2015, 02:26:47 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhoola cadeeyn aan ugu talo galin baan isku arka?

Started by MahamuudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4692
Last post June 23, 2016, 01:08:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa talo siin lahayd dadka Gym-ka ciyaaro?

Started by AshomBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7210
Last post July 22, 2015, 01:55:44 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Afka ayaa ishiira, talo i siiya?

Started by Muuse15Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10545
Last post April 08, 2010, 08:02:24 PM
by SomaliDoc