Author Topic: Hargabka Xajka "Hajj Cough"  (Read 21252 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Hargabka Xajka "Hajj Cough"
« on: October 12, 2015, 05:38:28 PM »


Intii soo Hajjisay alle ha ka aqbalo, intii aysan u suurta galine allaha u sahlo sanadka soo socdo.

Intaa ka dib, Sida aan wada ognahay Hajka waxaa lagu tiriyaa meelaha ugu badan dunida ay intaas oo khalqi ah isku imaato, halkaasina waxaa ka dhalan karo in la kala qaado xanuuno u badan kuwa neefsashada ku gudbo.

Waxay dadka badanaa hajka kala soo laabtaan caabuq neef mareenka oo u dhaxeeyo mid fudud iyo mid halis ah oo qofka isbitaal loo jiifin karo.

Baaris lagu sameeyay kumanaan qof oo xajka ka soo laabtay waxaa lagu arkay in dadka badankiis laga helay hergabka uu keeno fayraska loo yaqaano Influenza iyo bakteeriyada keento xanuunka oofwareenka ee "pneumonia".

Badanaa in qofku uu qufac la soo laabto waa arin la fisho, waxayna xarumaha qaar u yaqaanaan araintaa "qufaca xajka ama hargabka xajka"

Sababta uu ugu badan yahayne waxay loo aaneynayaa ciriiriga iyo isku dheefsashada dadka oo aad iskugu dhaw, kuwaas oo si sahlan ku kala qaadi kara xanuunada neefmareenka ku dhaca.

Way dhici kartaa in qofka uu soo qaado xanuunka tiibishada ama qaaxada hadduu qofkaas uu neefsaday hawo leh jeermiska tiibiida.

Waxaa lagu qiyaasaa in boqolkiiba 50% ay la soo laabtaan hargabkaas ama qufaca hajka laga soo qaado, waana muhiim in la ogaado in uu ka duwan yahay hargabka caadiga ah ee qofka ku dhaca isaga oo jooga wadankiisa, sababtuna waxa ay tahay: markii aad joogtid xajka waxaa halis ugu jirtaa in aad neefsatid dhowr jeermis feyras ah oo kala duwan oo intaba hargab keenaan iyo halista in hergabkaas isku badalo caabuq bakteeriyo ah oo aad u badan iyo qofka oo awoodiisa difaaca ay yaraan karto maadaama uu haraad iyo daal ay jirto oo qofka nasiino uusan ku jirin.
Waxaa kaloo dhici karto in feyraska hargabka keeno wadanka aad ku nooshahay inuu jirkaaga difaac u yeeshay oo uu ka adag yahay laakiin mid cusub oo aadan horay u aqoon jirin haddii uu kugu dhaco aad ayaa ula xanuunsan kartaa.

Sidaas awgeed markuu qofka ka soo laabto hajjka hadduu isku sii arko in qandho, qufac iyo xanuun feeraha ay jiraan waa in uu la xiriiraa dhakhtar si loo baaro in xanuunkii uu yahay feyraskii ifilada ama inuu pneumonia isku badalay iyo haddii ay tahayba qaaxo ama wax kalaba.

Dadka xanuunsan ama da'da ah ama qaba cudurrada difaaca yarayn kara way kaga halis badan yihiin caabuqa neefmareenka dadka da'da yar, wayna ka adkaysi yaryihiin.

Fariinta qoraalkaani waxay tahay, haddii aad hajka ka soo laabatid oo aad isku aragtid xanuun aadan horay u qabi jirin ama xanuun kugu xumaaday oo meesha kaa soo raacay in aad dhakhtar ula xiriirtid sida ugu dhakhsiyaha badan inta aysan kaa qaadin xubnaha qoyskaaga ama qaraabada kale ee aad la nooshahay.

Akhriso qoraal ku saabsan "Pneumonia": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,615.0.html
Akhriso qoraal ku saabasn Hargabka ama Ifilada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2092.0.html
Sidee la isaga daaweyn karaa Hargabka Caadiga ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6018.0.html

Haddii aad su'aalo qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

الحب الرومانسي انتهى " الحب هو عبارة عن برو

Started by YaxyaBoard Feel Free Here

Replies: 9
Views: 19512
Last post September 16, 2009, 10:54:46 AM
by Mandeq
FILIN: Hargabka Doofaarka Muxuu Yahay?

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 9721
Last post November 08, 2009, 12:44:38 AM
by Admin
Hargabka maxaa lagu daaweeyaa ?

Started by RaaliyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 32090
Last post July 01, 2009, 08:40:38 PM
by SomaliDoc
Maxaad Ka Ogtahay Hargabka Doofaarka?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 9178
Last post July 01, 2009, 09:09:54 PM
by SomaliDoc
Over 300 children sick with whooping cough in southern Somalia

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 5152
Last post March 18, 2011, 08:38:16 PM
by Admin