Author Topic: kaduudshe  (Read 10349 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dr.Salwa

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 35
  • Points: +0/-0
kaduudshe
« on: February 14, 2007, 07:56:56 PM »
 
  walaal waan idin salaamay kuligiin.

   
   waxaan rabaa inaan halkaan idinka waydiiyo  cudur aan mudo badan aan iswaydiinayay waxa keenay oo sababay cudurkaas inuu ku dhaco dadka soomaaliyeed, cudurkana wuxuu yahay cudurkii lamagac baxay kududshe , marka hadii uu jiro qof  warbixin waafi ah iga siin kara ama wax aqoon ah u leh  fadlan waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado wax ukeenay cudurkaas soomaalida sidaas yeelay mise jirta meela kale oo uu cudurkaas ka dhacay aduunka intiisa kale mise wuxuu ahaa mid kaliya oo ku kooban  dadka soomaaliya  , maxaysa tahay sababaha dhaliyay inuu cudurkaas dadka ku dhaco, sideesa ukala qaadeen, mise leeyahay wax daawa ah ama ka hortag ah,  runse matahay   qofkii uu cudurkaas ku dhaco hadii uu daawo qaato inay daawadu sababayso inuu dhinto, mase laga yaabaa inuu mar labaad ku soo laabto wadankeena.

   walaalayaal waad mahadsantihiin, waxaana rajaynayaa inaan su aashayda jawaab u heli doono , marka  waxaan idiin rajaynayaa mustaqbalkiina inaad ka guul gaartaaaaaaaaaaaaaaaaan.

 Dr.salwa.



Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1490
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: kaduudshe
« Reply #1 on: February 15, 2007, 03:38:35 PM »
wacalykum salaam
walaal horta aad ayaad ugu mahadsantahay su'aashaada xiisaha leh wxaana aad u jeclaan lahaa qof walba oo arintaan baaritaan ku sameeyey ama wax nooga siyaadin kara inuu soo dhawaado khaas ahaan dhakhaatiirteena wadanka ku nool.
Intaas kadib waxaa mudan in la xuso in wadankeena horta uu yahay wadan aad ugu liito dhinaca sheybaarada iyo cudur baarista waa nasiib darro in cudur uu ku faafo meel muddo bilooyin ah kadibne la yiraahdo waxaa loo maleynayey "waxaas". ???
Dadka goobjoogayaasha ahaa waxey u qeybsameen hadii aan u fiirino dhinac cilmi ahaan "dhakhtarada ayaan ula jeedaa" laba koox:
Koox waxey tiri cudurkaan waa cudur ay keentay waxa loo yaqaano "radio-active materials" oo waxyaabaha sunta oo shucaaca sii daaya laguna duugay badaheena iyo dhulkeena.
kooxda kale waxa ay tiri cudurkaan waxaa la yiraahdaa "Dengue Fever" waana cudur uu keeno 4 nooc oo walaalo ah kana mid ah viruseyada, qofkuu ku dhacane kuma soo laabto oo immunity ayuu ka qaadaa, calaamadihiisane waxay u egyihiin cudurka loo bixiyey "kaduudshe".
hadii aan sii faahfaahiyo cudurkaan "dengue fever" horta cudur cusub maahan waa cudur qadiim ah oo la yaqaannay illaa 1700kii wuxuuna badanaa ku badanyahay wadamada kuleelka ah "tropical areas" waxaana gudbiyo nooc ka mid ah kaneecada loona yaqaano "Aedes".
qofka marka uu ku dhaco cudurkaan waxaa isla markii ku bilawdaa qandho ama xumad aad u sareysa lana socoto "rashs".
marka si loo dhaho qofkaan cudurkaan ayuu qabaa waa in waxyaabahaan laga helo sida ay tiri "WHO".
1: Qandho ama Xumad
2: Qofka oo dhiig iska fadhiista jirka meelo ka mid ah isagoo jug aysan gaarin taas oo ah macnaheeda qofka oo ku yaraata waxyaabaha loo yaqaano "Platelets"
3: Taasi oo marka qaarkiisa keensa karta inuu qofka dhiig matago ama shubmo.
4: Lafo iyo murqo xanuun taas uu qofku u maleynayo in lafahiisa ay jajabayaan.
5: Iyo qofka oo ku yaraata jirkiisa unugyada cascas tarkiiskeeda  "Hemotocrit level"  taasi oo keensaneysa inuu qofka biyaha jirkiisa ka lunto isku dheeli tirnaanta.

Haduu qofka intaas laga helo ayuu qabaa cudurkaan, waxaadhici kara in cudurka uu sii darsado oo isku badalo waxa loo yaqaano "Dengue shock syndrome" oo qofka ay ka muuqanayaan calaamadahaan:
1: qofka oo cadaadiska dhiigiisa hoos u dhaco
2: inuu farqiga u dhaxeeya cadaadiska dhiigiisa labada qeyb ay yaraato (Bp)
3: jirkiisa oo isku yaraado, maqaarka oo is badalo iyo hadii la taabto qabowne ah "shrunken body"

waxaa lagu sii hubsan karaa 100% inuu qofka cudurka ka qabo labadaan baaritaan oo lakala yiraahdo "Serology and PCR"

Ilaa iyo hada ma jiro talaal la isku wada raacay oo suuqa yaala loogana hortagi karo cudurkaan daawo lagu daaweyn karane majirto laakiin qofka waxaa lagu dadaalaa in laga ilaaliyo fuuqbaxa iyo in qandhada laga dajiyo.
Badanaane qofka wuu ka fiicnaadaa haduusan u dhiman cudurka muddo laba usbuuc ah oo ay ku xigsaneyos maalmooyin ama usbuucyo kale oo qofka uusan dhaqaaqi karin tabardarro awgeed.
------------------------------------------------------------------
Hadii aan u imaado inaan ka jawaabo su'aalahaaga:
------------------------------------------------------------------
Cudurka maxaa somaliya u keenay?
Ma garanayo waxa u keenay soomaaliya waqtigaan laakiin sida aan kuu sheegay wuu ku dhici karaa Tropical coutries-ka oo dhan
Meelo kale uu ku dhaco ma jiraa cudurkaan?
Haa way jiraan wadamo kale uu ku dhaco kuwaasi oo ku yaala Asia, Afrika iyo North america. wuxuuna aad u soo caan baxay 1980-tameeyadii
waxeyna WHO aaminsantahay inuu cudurkaan ku dhaco in ka badan 40 million oo qof sanad walba.
wuxuuna faafitaankiisa soo caan baxaa hal mar 6dii sanadba.
hada waxa uu ka dilaacay wadanka "paraguay" latin america oo ay u iil daranyihiin in ka badan 1000 qof.
october 2006 waxa uu ka jiray "Dominican republic".
Sidee loo kala qaadaa?
sida aan kor ku xuseyba waxaa gudbiye dhooc ka mid ah kaneecada loona yaqaano "Aedes aegypti".
Malaga yaabaa haduu daawo qaato inuu u dhinto?
Ma maqlin wax ku saabsan arintaas laakiin maba jiraba daawo loogu talagalay in lagu daaweeyo cudurkaan.
laakiin waxaa xusid mudan daawooyin badan oo hadii la siiyo qof cudurkaan calaamdihiisa la yimaado uu u dhiman karo matalan qof aad u yaryahay "platelets" kiisa oo dhiigiisa aan si dhakhsa ah aan ku istaagi karin hadii la siiyo aspirin ama warfarin wuu u dhiigbaxayaa, marka waxa ay ku xirantahay daawada qofka la siiyey!!.
Ma laga yaabaa inuu wadankeena ku soo laabto?
haa way dhici kartaa laakiin dadkii uu ku dhacay inuu mar kale ku dhicin ayey u badantahay hadii kaduudshuhu uu yahay cudurka aan ka hadlayo sida ay dhakhaatiirta qaarkood isku raaceen.
------------------------------------------------------------------------------------------------
Ugu dambeyntii walaashey aad ayaa ugu mahadsantahay su'aashaada hadii ay jiraan qof macluumaat dheer ka hayo cudurkaan inuu noo sheego, hadii ay jiraan xitaa qof uu cudurkaan ku dhacay inuu calaamadahiisa si faahfaahsan noogu sharxo.
------------------------------------------------------------------------------------------------
NB: Hadii aad u baahantahay macluumaat dheer kuna saabsan cudurkaan halkaan ka akhriso
http://www3.niaid.nih.gov/healthscience/healthtopics/dengue/default.htm
By: Dr.Mahdi
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline Dr.Salwa

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 35
  • Points: +0/-0
Re: kaduudshe
« Reply #2 on: February 16, 2007, 07:41:25 PM »
 
  dear .mahdi



    walaal  si  aad iyo aad ah ayaad  ugu mahadsantahay  sida quruxda badan oo  haqabtirka leh oo aad iiga soo jawaabtay su aalahayga,   waxaana kuleeyahay mar labaad thanks waqtiga dheeriga ah ee aad siisay .


     dr.salwa

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1490
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: kaduudshe
« Reply #3 on: February 18, 2007, 05:40:15 PM »
Don't mention it walaal!
that is why we met here
thanks anyway for the question
--------------
By: Dr.Mahdi
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline Dr.Nasiya

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: kaduudshe
« Reply #4 on: February 18, 2007, 11:21:57 PM »
Asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatuhu.

Marka hore waxaan halkaan uga mahad celinayaa dr Mahdi sida qiimaha badan ee uu isugu howlay sameynta web kan oo ah kii ugu horeeyey een arko oo si aad iyo aad u tifaf tiran loosoo  dhig dhigay ahna mid aad ay uga faa'iideysan karaan dhamaan ardeyda soomaailyeed ee dhigata dhaqtarnimada meel kasta oo ay joogaan.

Marka xiga waxaan rabaa in aan halkaan uga hadlo cudurka ay soomaalidu ula baxdey Kaduudshe.  Aniga mar aan booqasho ku tagey magaalada Muqdisho bishii 7aad 2005 tii ayaa waxaa igu dhacay cudurkan isaga oo waliba yasiran.

Waxaa kale oo ka mid ah cudurkan Kaduudshaha calaamadihiisa

•   Waxaa xanuuna lafaha meelihii ay horey uga gaareen dhaawacyada sida jabka iwm.
•   Qandho xoog badan.
•   Lafa xanuun aad u daran una badan kala-goysyada.
•   Maqaarka oo cun cuna marka uu ka dhamaanayo cudurkan.

Waxaa i xanuuney xusulka oo aniga oo yar aan ka jabay maalin ka hor inta aanan qandhadu i qaban.  Kadib waxaa I qabatey maalintii xigtey qandho aad u fara badan dhowr bari ayay I heysay qandhada inkastoo aysan lafuhu I xanuunin.  Markii ay iga dhamaatey qandhadii ayaa waxaa I xanuunay lafaha oo uu xanuunku u badnaa meelaha kala goysyada ah, marba meel ayuu xanuunkeygu u badnaa oo surka iyo garbaha oo kale isku mar ayay I xanuuneen halka dhabarka iyo sinaha ay mar I xanuuneen.  Markii ay dhowr bari I xanuunayeen lafaha xanuunkii ayaa tartiib iiga yaraadey waxaana markii ugu dambeysay I cun cuney maqaarka oo I barbararey waana wax yaabaha lagu garto in xanuunkii uu kaa dhamaadey.

Waxaa jirta in aan maqley dad aynu qaraabo nahay oo uu ku dhacay cudurkaasi ay shuban iyo matag ku dhacay balse uusan ahayn mid uu dhiig la socdey.  Waxaa kale oo jirta in aanan maqal aragna qof ay indhuhu gaduuteen ama xanuuneen balse waxay ku ekeyd oo kaliya qandho, lafa xanuun, shuban, matag iyo dadka qaar oo isku soo kaduuta.

Waxaan u malaynayaa in aad si fiican u fahmi doontaan sida aan hadalka u soo qorey.  Wixii su'aala ah eed ka qabtaan mowduucana waxaad igala soo xiriiri kartaan webkan Somalidoc.

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1490
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: kaduudshe
« Reply #5 on: February 19, 2007, 06:19:22 PM »
Walaal Dr.Nasiya aad iyo aad ayaa ugu mahadsantahay jawaabtaada, dadka xanuunsan oo idil allaha caafiyo
tan kale cudurka calaamadihiisa waxa ugu muhiimsan oo aan laga weynin waa qandhada siyaada ah iyo lafo iyo murqo xanuun.
mida kale oo qofka xanuuneyso meelihii uu ka jabay ma maqlin oo waan raadinayaa
----------------------
By: Dr.Mahdi
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline Dr.iska

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
sheeka ku saabsan kaduudshe
« Reply #6 on: February 19, 2007, 11:23:31 PM »
 waa idin salaamay dhamaantiin walaalayaal


 waxaan rabaa inaan ka  yara sheekeeyo cudurka kaduudhsha ladhaho inkastoo uusan igu dhicin aniga balse qof uu ku dhacay ayaa iiga sheekeeyay , qofkaa wuxuu yiri waxaa la iqabta goor casir ah oo waxaa marka hore aan xanuunka ka dareemay   wrist joints, kadib  xanuunkuu wuxuu ugudbay  knee joints, kadib waxay tiri markii lagaaray maqribkii waxaa dhacday inay qandho iyo madax xanuun daran uu yimaaaday, waxay tiri habeenkii aniga oo sidaas la iihaayo ayaan seexday.


 waxay tiri kadib    waagii hadii uu baryay  waxaan arkay afartaydii adimood oo soo kuduutay oo  lugahiina ay laabmeen gacmihinaa ay laabmeen, oo si kasta hadii aan iskugu dayay inaan fidiyo aan fidi kari waayay , waxaana ii wehliyay xanuun daran oo madaxa iga haaya iyo kala goosyada.


   waxay kaloo tiri waxaan xaaladaas ku sugnaa mudo sadex maalmood ah kadibna xaaladeeda waxay isku badashay in aan ka baxo kaduudsanaantii oo afartaydii adin ay wada togmaan oo gacmihii iyo lugahiiba ay noqdaan sidii ul camal  oo wax soo laabmaaya aan la arkin , xaladaan danbana waxaan ku sugnaa mudo sadex maalmood oo kale .

 
 waxay tiri wax dawa ah ma aana qaadan oo aan aheen qandho jabiye, waana la iquraan saari jiray , waxay tiri sitimaan kadib waan roonaaday   inkastow ay igu danbaysay  xanuunka iga haayo kala goosyada  iyagoo kala goosyadu ay ibararnaayeen .



  qofka sidaas iiga sheekeenaaya cudurkaas kaduudsha ah ee ku dhacay waxaan kula kulmay magaalada qaahira,  markaas aaan arkayayna waxay iisheegtay goorta uu cudurka ku dhacay inay ka soo wareegtay mudo bil ah , waxayna laheed xanuunka kala goosyada way ixanuunaayaa inkastoo aad muudid inuu bararkii ka yaraaday .


 marka waxay isku dayday inay la xariirto  dhaqaatiir  si ay u ogaadaan cudurkeeda , oo waxay sameesay baaritaan dhiig ah  wax laga helayna ma aysan jirin ,  marka dhaqtarki wuxuu yiri:- ma aqaan waxa ka dhacay wadankiina balse  hadeer  daawooyinkaan qaado oo sitimaan  kadib isoo  laabo , waana fiicnaan doontaa insha allaaaaaaah.


 marka waxay tiri daawooyinkii markii aan qaatay  waan ku fiicnaaday  waana ladanahay hadeer  oo waxbadan ayaa iska kay badalay waana ilaahay xamdigiis.


 marka  waa kaas sheekadii  ku saabsaneed kaduudshaha ,  marka hadii ay jirto cid kale uu ku dhacay ama  arkay dad uu ku dhacay fadlan nooga sheekay ,   waxaan rajaynayaa inaan kala faa iidaysan doono, marka  waad mahadsantihiin.

 Dr.iska

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1490
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: kaduudshe
« Reply #7 on: February 20, 2007, 03:14:55 PM »
Please reply below any information related to this thread!
Don't open a new topic for the same thread!
thanks
--------------------
By: Dr.Mahdi
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline IsseGole

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 86
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • I am going back to somalia, what about you?
    • Somali Medical student's forum
Re: kaduudshe
« Reply #8 on: February 20, 2007, 03:44:34 PM »
salaan ka dib;
aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin Dr Nasiye iyo Dr.iska khibradda shakhsiga ah eed la kulanteen eed nooga sheekayseen iyo Dr.Mahdi tafsiilka dheer uu inaka siiyay cudurkaa isaga ah.
Anugu walaw markii outbreak-gu dhacayay aan ka maqnaa waddanka haddana tiro ma leh dadkii uu ku dhacay ee aan arkay, familkeenna ayuu ku dhacay:
waxaa la arkay in qofba qofkuu ka waynyahay uu uga daranyahay cudurku, matalan caruurta aad uma dhibo dadka waawaynna waa ku dhibtoodaan; Salaadda fadhi baa lagu tukanayaa oo dhaqaaqa yarka ah baa qaylada qofka ka yeeraysa la yaabayaa, kollay dadkii uu ku dhacay waxyaalo badan oo lagu qoslo oo lagana noxo ayay ka sheekaynayaan.
Cudurku sidiisa waa iska self-limiting, mostly ma soo laabto isla qofkii, laakin hadduu ku soo laabto waa hemorrhegic fever oo waa bad prognosis. Kollay wuxuu ahaa epidemic baan filayaa haddaan u badinno inuu ahaa dengue fever, waana unlikely inuu soo laabto dhowaanahan, marka ilaahay baan ka baryaynaa inuu inaka badbaadiyo cudurkan iyo wixii la mid ah.
Thank you again.
Ciise Dheere
Towards a better healthy Somalia!!
Unless all parts of the society participate equally in the health process, nothing could be expected.

 

Su'aal: Ma jiraa cudur la dhaho Kaduudshe?

Started by Ibra AadamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 513
Last post May 05, 2017, 07:25:12 PM
by SomaliDoc