Author Topic: Su'aal: Qofka daawada Tb-da qaato ma samayn karaa galmo xalaal ah?  (Read 35878 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Fadxi2019

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Asc walaalayaasha sharafta badanow waxaan jeclaa inaad Drka waydiiyo su,aal dadka daawada tiibi qaado ma sameynkaraan wax galmo xalaal ah, yacni haddii labada qof ee lamaanaha ahi midkood daawo Tb u socoto galmo maseynkaraan. mahadsanid.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qofka daawada Tb-da qaato ma samayn karaa galmo xalaal ah?
« Reply #1 on: January 23, 2016, 01:13:35 PM »


Soomaalidu waxay aaminsan tahay haddii qofka daawo tiibisho qaato uu sameeyo wax galmo ah inay daawada aysan waxna u taraynin ama tayadeeda ay hoos u dhigayso ama uusan cudurka ka daaboobaynin.
Taasi ma ahan wax jira, qofka qaba cudurka Tb-da ama qaaxada waxaa lagula taliyaa inuusan samaynin galmada khaas ahaan dhowr-ka bilood ee ugu horeysa sababtuna waa laba mid:
  • In xanuunka uusan qaadsiinin qofka kale ama uusan ku neefsanin, maadaama galmadu ay abuurayso xaalad si sahlan la isugu gudbin karo  xanuunka hadduu qofka uu qaaxadiisu ay tahay midda gudbayso, marka haddii qofka lagula talinayo inuu afka maro saarto markuu qufayo, siduu galmo isagoo samaynayo isaga ilaalin karaa inuu xanuunkiisa ugu gudbin lamaanahiisa.
  • Midda labaad waa in qofka markuu xanuun qabo khaas ahaan xanuuanda qofka daciifiyo sida qaaxad iyo wixii la mid ah inuusan awood jir ahaaneed u lahayn inuu la yimaado howl culus oo ay ka mid tahay galmada, taasina ay keeni karto in qofka uu sii xanuunsado ama uu sii daciifo, marka caafimaad uguma jirto qofka inuu sameeyo galmo isagoo xanuun TB qabo, tani waxay la mid tahay qofka wadnaha laga qalo ama dhabarka oo lagula taliyo inuu galmo ka fogaado inta caafimaadkisia uu kasoo kabsanaayo.

Tiibishada laguma kala qaado galmada oo kama mid ahan cudurrada galmada la isugu gudbiyo ee waxaan ka wadaa xilliga galmada ayaa la is qaadsiin karaa, haddii labada qof ay isku neefsadaan, isku qufacaan ama isku hindhisaa.
Laguma kala qaado shumiska qallalan ee aan calyada la is dhaafsanaynin.
Akhriso qoraal ku saabsan cudurka Tiibishada / Qaaxada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html

Haddii qofka caafimaadkiisu ay u saamaxayso inuu galmo sameeyo, xanuunkiisane uu ka gudbay heerkii la is qaadsiin karay, wuu samayn karaa galmo welwel la'aan, wax saamayn ahne kuma lahan daawada tayadeeda iyo waxtarkeeda.

Akhriso Cudurada Galamada Lagu kala Qaado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtaan iigu soo dira qaybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: