Author Topic: Su'aal: Waxaan rabaa in la ii fah fahiyo xanuunkaasi?  (Read 3764 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hamda84

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan rabaa in la ii fah fahiyo xanuunkaasi?
« on: February 10, 2016, 11:52:51 PM »
ASC  waxan si sharaf leh u salamaya dhakhtarada wakhtigooda u huray umadoda ilahay uunbana ka abaap marin bacda salan waxan rabaa in la ii fah fahiyo xanuunkaasi iyo waxa keena iyo khatartiisa iyo siyabaha lagu garto qofka uuu hayaa waad mahadan tahiiin dhamanba   Takayasus arterit




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan rabaa in la ii fah fahiyo xanuunkaasi?
« Reply #1 on: February 15, 2016, 04:54:20 PM »
Hamda, xanuunkee ka hadlaysaa oo rabtaa in laguu faahfahiyo? Xanuunka ma aadan xusin..!
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hamda84

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waxaan rabaa in la ii fah fahiyo xanuunkaasi?
« Reply #2 on: February 17, 2016, 01:50:32 PM »
asc wall xanunku waakan   Takayasus arterit

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan rabaa in la ii fah fahiyo xanuunkaasi?
« Reply #3 on: February 24, 2016, 02:53:03 PM »
Xanuunkaan Takayasu's Arteritis wuxuu ka mid yahay xanuunada ku dhaca xididada, kaasoo keeno in xidadu ay dhaawacmaan, wuxuunak u badan yahay haweenka markii ragga loo eego, mana ahan xanuun dunida ku badan, wuxuu badanaa ku dhacaa xididada waawayn sida kuwa wadnaha dhiiga ka soo qaado ee "Aorta" iyo faracyadiisa, markuu xidida dhaawaco waxay keenaan inay bogsadaan kadibna xididkii uu cariiri noqdo.

Cillada xanuunka waa cillad isdifaacis jirka ah "Autoimmune Disorder", waana xanuun la kala dhaxlo, dhakhtarka markuu ku wiisatayno wuu ka shakki karaan in aad qabto xanuunkaan, maxaayeelya sida caadiga ah meelaha ay xidida maraan markaa farta lagu cadaadiyo waxaa la dareemaa garaaca xididka, laakiin cudurkaan waxb lama dareemo, sidaas ayaana loogu bixiyay "Pulseless Disease".

Dadka qaar ma qabi karaan wax calaamado ah, horayne lagama garto illaa inuu qofka cillado kale iyadoo la baarayo al arko mooyee.

Waxaa xanuunkaan lagu ogaadaa raajo dheeh wadato oo loo yaqaano "Angiogram" taasoo soo muujinayso xididada.

Waxaa daawo ahaan loo qaataa daawooyin yareeyo dhaawaca xididada ee inta la ogyahay ma jirto daawo looga wada bogsado xanuunka.

Haddii aad rabto faahfaahin ku saabsan qeyb ka mid ah macluumaatkaan kooban, fadlan iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25930
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48022
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29558
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24917
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35451
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc