Author Topic: Su'aal: Maxay Faa'iidadda Caafimaad Ee Geedka Koostadu?  (Read 53069 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline AarDacar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxay Faa'iidadda Caafimaad Ee Geedka Koostadu?
« on: February 11, 2016, 09:01:45 PM »
Waa Maxay Faa'iidadda Caafimaad Ee Geedka Koostadu?

Geedkani waa geed aad uu ugu soo badanaaya dhawaanahan deegaanadda somalidu degto.
Hadaba Dr. Waa Maxay Faa'iidadda Caafimaad Ee Geedka Koostadu? Luuqadda English-kase maxaa lagu idhaahdaa.
Ma la siin karaa ilmaha markuu gaadho 6 bil jir?


Mahadsanidiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxay Faa'iidadda Caafimaad Ee Geedka Koostadu?
« Reply #1 on: February 15, 2016, 08:32:14 PM »


Waa maxay Koosto?
Koostadu waa cagaar la karsado oo cunno ahaan loo cuno, waxaa afka english-ka lagu dhahaa "Spinach", waxaa la rumeysan yahay in asalkeedu ay ka soo jeedo dalka Iran.
Laakin meelo badan ayay dunida gaartay oo hada laga isticmaalaa.

Maxay koostadu ka kooban tahay nafaqo ahaan?
Koostadu waxaa aad uga buuxa maadooyinka Niacin, Zinc, Protein, Vitamin A, C, E, K, Thiamin, vitamin B6, Calcium, Birta (iron), Magnesium, POtassium, Copper.
Waxaa ku yar dufanka iyo kolestaroolka.

Waa qudaar kulansatay nafaqo kala duwan oo jirka qeybihiisa kala duwan wax u tarto.

Waxaa kaloo ku badan maadada jirka sunta ka saarto ee "Antioxidants", waxaa kaloo ku jiro maadada "Folate" taasoo la aamisan yahay in ay caafimaad u leedahay wadnaha iyo xididada.

Maadada magnesium-ka ee ku jirto cagaarta koostada waxay ka qeyb qaadataa kontaroolista cadaadiska dhiigga "blood pressure".

Diraasad la sameeyay dhawaantaan waxaa lagu soo daabacay in koostada ay kobciso xasuusta, shaqada maskaxda iyo foojignaanta.

Koostadu waxay u roontahay dheefshiidka, waxay ka hortagtaa calool fadhiga, waxay kaloo u roontahay dadka qaba gaaska iyo ulcer-ka.

Sidee loo kariyaa?
Waa in koostada lagu uumiyaa biyo ee lama karkariyo, haddii la karkariyo waxaa ka dhinta nafaqada ay xambaarsan tahay, markii la uumiyo, dheecaanka ay dhashane lama daadiyo oo koostada ayaa suugo loo dhigtaa, si aysan kuu dhaafin nafaqooyinka ay xambaarsan tahay.

Ka fogow isticmaalka koostada gasacaysan ama la soo warshadeeyay, haddii aad heli karto iyadoo fresh ah, taas ayaa nafaqo badan, kana fog halista daawooyinka iyo sunta lagu buufiyo beeraha ama daawooyinka lagu xifdiyo cunnada oo warshadaha ay ku soo daraan.

Waxaa caruurta la siin karaa koostada markii ay 10 bilood gaaraan sida ay ku taliyaan dhakhaatiirta caruurta.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66639
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69658
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62591
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46845
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45088
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc