Author Topic: Su'aal: Caafimaadka saliida madaxa?  (Read 31217 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Amen010

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Caafimaadka saliida madaxa?
« on: February 13, 2016, 02:13:31 PM »
Assalamu_allaikum all of you
DR; waad ku mahadsanatay wxkastood noo qabatid sharafbay noo tahay hadaan ugudo galo su'aashayda
Saliidaha madaxa ama in madaxa la saliidaysto oo lagu dhaashado saliid nooca ay doonto ha ahaatee maxay caafimaad leedahay haday jirto saliid igu fiican oo la marsadaa noo faa'ideeya doctors thanks




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Caafimaadka saliida madaxa?
« Reply #1 on: February 18, 2016, 02:57:53 PM »


Tinta waxaa ku dhaca dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay in ay daadato, jajabto, midabkeeda isbadalo, cirro gasho, khafiif noqoto iyo cillada kalba.
Waxaa la isku waafqsan yahay intaasba in looga hortagi karo in saliid la mariyo.

Saliida waxay tinta siisaa nafaqo si ay u korto ugana ilaaliso cilalda kale ee ku imaanyos.

Saliidu waa ina y noqotaa mid qiyaas ah, lama rabo in ay badan tahay oo ay xirayso duleelada yaryar ee basada, lamana rabo in ay yartahay oo tinta aanan wada gaaraynin, sida ugu haboon waa in saliida lagu daliigaa basada, tintane la wada gaarsiiyo.

Saliida dabiiciga ah ayaa waxtarka badanaa laga helaa, waxayna u kala fiican yihiin sidatan markii cilmibaaris lagu sameeyay:
1- Waxaa ugu horeeya saliida zaytuunka, tan oo na farax galinayso maadaama rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkisia ha ahaatee uu nagula dardaarmay in geedka zaytuunka saliidisia aan marsanno.
2- Waxaa ku xiga saliida qumbaha, tanoo iyadane tinta siiso nafaqooyin kala duwan.
3- Waxaa ku xiga saliid loo yaqaano "Argan Oil" oo laga shiido geedka loo yaqaano "Argan tree" waa geed ka baxo waqooyiga Africa khaas ahaan wadanka Marocco, waa saliid cunanda iyo isu-qurxinta labadaba loo isticmaalo.
4- Waxaa ku xigta saliida afokaadaha "Avocado Oil", waxaanal sheegaa in ay tahay saliida ugu fiican tinta qallalan ama dhakhso qallasho.

Intaa ka dib maxay saliida dabiiciga ah ay tinta u tartaa?
  • Korriinka Tinta: tintu sida qeybaha kale ee jirka ka mid ah, waxay u baahan tahay nafaqo ay ku korto, taasoo ka kooban fitamiino, waxay kaloo saliida siyaadisaa qulqulka dhiiga soo galayo tinta si ay u korto, waxay kaloo adkaysaa jiridka tinta, waxayna dabcisaa maqaarka tinta oo qofka wuxuu dareemaa raaxo.
  • Ka hortag Infekshan: Saliida dabiiciga ah waxay ka hortagtaa infekshanka bakteeriyada iyo fangaska labadaba, badanaa waxuu jeermiska uu ka faa'idaystaa qallaylka tinta, tasoo haddii uu xiro duleelada yaryar ee tinta ka soo baxdo keeni kara inuu caabuqa si xowli ah u tarmo.
  • Raaxo iyo nasasho: Tinta waxay madaxa iyo jirkaba dareensiisaa nasiino iyo raaxo markii la waraabiyo. khaasatan markii lagu daliigo jirka iyo tinta intaba.
  • Xoojinta Borotiinka: tintu waxay ka samaysan tahay borotiin, saliida dabiiciga waxay xoojisaa borotiinkaas taasoo yaraynayso jajabka tinta iyo daadashada.
  • Saliidda waxay ka hortagtaa agoolka, akhriso waxa agool laga wado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2090.0.html
  • Saliida waxay yaraysaa cirrada, khaastan midda ka soo baxdo dhalin yarada, akhriso qoraal ku saabsan arrintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6426.0.html
  • Saliida waxay qurxisaa tinta, waxay u yeeshaa dhaldhlaal iyo soo jiidasho, tinta saliida la mariyo markasta way ka qurxan tahay midda aan saliid la marin, sida geedka la waraabiyay uu uga qurxan yahay geedka abaaraysan.

Akhris qoraal ku saabsan Faa'idooyinka Saliid Macsarada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3195.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Mohamed saxane

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Caafimaadka saliida madaxa?
« Reply #2 on: February 19, 2016, 06:51:02 PM »
Doctor adoo mahad san
Tirada saliidahan ma ku jirtaa Sesame oil ama saliid macsarada
Iyadu wax tar timaha uma leh miyaa?
Haday ku jirto kaalintee kaga jirtaa?

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Caafimaadka saliida madaxa?
« Reply #3 on: February 25, 2016, 03:16:41 PM »
Dabcan saliid macsarada faa'ido way u leedahay tinta iyo madaxaba, baaritaano badanne waa lagu sameeyay, in aysan ka yaraysan kuwaan aan xusnayne waa suura gal, akhriso faa'idada saliida macsarada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3195.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maraqa gaar ahaan maraqa madaxa xoolaha?

Started by Diihaal GuutoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11053
Last post April 24, 2016, 03:11:28 PM
by SomaliDoc
MAXAA KA OGTAHAY Shaqaalihii Caafimaadka ee lagu dilay Soomaaliya 1991 - 2009?

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 3
Views: 50093
Last post September 10, 2015, 04:45:26 PM
by Mo Digdig
Faaqidaada Buuga, Book Review:- Daryeelka Caafimaadka Hooyada iyo dhalaanka

Started by Dr.AdnanBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 300516
Last post November 02, 2017, 11:13:46 AM
by Ahmedabdiok12
Wasaaradda Caafimaadka oo hubineysa tayada Dawooyinka dalka soo gala

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 19578
Last post May 01, 2011, 08:00:58 PM
by Drkheyre
Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Dawo ah gaarsiisay qaar ka mid ah Cisbitaallada..

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 18823
Last post May 05, 2011, 01:49:29 PM
by Drkheyre