Author Topic: Su'aal: Neerfaha lugaha ayaa ixanuuna?  (Read 5499 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ayaan Maxamud

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Neerfaha lugaha ayaa ixanuuna?
« on: February 13, 2016, 04:38:06 PM »
Asc. Dr waad ku mahadsan tahay aqbalada ad naga aqbashay inanu suallo kuso waydino adigoo nagu cawinayo aqoontada illahay haku barakeye.                                            Intas kadib Dr waxan kaa codsanaya inad igu cawiso jawabtotada labo Sua,allod.               1: Dr waxaa ixanuun labada miskood iyo dhabarka qaybta hose waan LA xiiray dhaqatiir badan oon ushegtay xanuunkayga kadib dawo ayaala ii qoray wan isticmalay walina xanuunk kii wuu ihayaa walina waxan ugu daranahay subaxdii markan hurdada kasoo kaco xoog ayay ii xanuunan suashasuasha 2; Dr nerfaha lugaha ayaa ixanuun walina waxan leyihiin wax kus kuusan oo bananka usoo baxay iyo xididada lugaha walina kuwa yar yar ee venioska oo bananka usoo wada baxay marka dre waxan rabaa inad illa talisid waxa samey illahay haku barakey




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Neerfaha lugaha ayaa ixanuuna?
« Reply #1 on: February 18, 2016, 01:26:41 PM »
Cillada hore ka akhriso jawaabteed halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html
Cillada dambane waxa kuuskuusan ma ahan neerfe ee waa xididada arooriyaasha, waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa xaaladdaan "varicose veins" waxaana badanaa isku arko dumarka, waxaana laga dareemaa hal lug, cilladuna waa in dhiiga uu lugta kor u wadi la'dahay, waxayna badanaa ka dhalataa cadaadis xididkaas saarnaa muddo sida uurka oo kale, waana sababta la isku arko markii ay hooyada umul baxdo ka dib, daawayntiisu waa qallii lagu saxayo xididka, haddii aad sidisia ku daysane wax dhib ah kuuma keenayo, waxyaabaha caawiyo waxaa ka mid ah iskaalsho ama sigisaan laastiko ah oo lugta la galiyo si ay u caawiyaan xididka.
Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan arrintaan waan ka hadli doonaa insha'llah.

Akhriso waxa neerfe laga wado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: