Author Topic: Su'aal: Cudurka kaduudiyowga ama kaduudiye?  (Read 61908 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Manna

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cudurka kaduudiyowga ama kaduudiye?
« on: March 05, 2016, 10:21:17 AM »
asc doctors waxa raba in ad wax iga sheegtan cudurka kaduudiyowga ama kaduudiye oo dhulki soomalida soo maray sanadahi 2005 ti ayado uu soo ritay dad bdn oo somaliyeed iyado marlaabad hada uso noqday markale muxu yahay horta cudurkas?,  maxa keeno?,  side lookale qada? mayahayse cudurkan mid aduunka intisa kale soo maray ama laga yaqano mase waa mid anaga noo gaar ah oo soomalida uun kukoban,  ugu danbeyn maleeyahay wax daawo ah?  mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cudurka kaduudiyowga ama kaduudiye?
« Reply #1 on: March 10, 2016, 05:24:21 PM »


Waa maxay Kaduudiye?
Kaduudiye ama Kaduudshe, waa magac ay soomaalidu ula baxday xanuun safmar ahaa oo ka dillaacay somalia sanadkii 2005.
Inkastoo xanuunka waagaas lagu wareeray oo dhakhaatiir badan oo bahda caafimaadka ah isku khilaafeen, qaar waxay dhaheen waa Dengue fever, qaarne waxay dhaheen Rift valley fever".
Laakiin magaca saxda ee xanuunkaan waxaa la dhahaa "Chikungunya", waa xanuun uu keeno jeermiska fayraska, waxaana lagu kala qaadaa qaniinyada kaneecada, waa sida malaariyada oo kale, calaamadaha ugu badan oo uu qofka dareemo waa qandho, kalagoysyo xanuun, kalagoysyo barar, madax xanuun iyo murqo xanuun, marmarka qaar wuxuu wataa faruuruc jirka ka soo yaaco.

Magaca xanuunka "Chikungunya" asal ahaantiisu waa luqadda sawaahiliga, macnihiisuna waa: "qallooc u socod", qofka xanuunkaan qabo si toos ah iskuma toosin karo markuu soconayo, waa inuu is qalloociyaa xanuunka dartiis.

Waa xanuun laga yaqaano wadamada sawaahiliga ku hadlo iyo jasiiradaha ku teedsan badwaynta hindiya, laakiin waa xanuun si sahlan ugu faafi karo meelo cusub, waxaa la sheegay inuu mareekanka oo aan laga aqoonin xanuunkaan uu gaaray sanadkii 2013, lana aamisan yahay in laga soo dhoofiyay bariga afrika!!.

Kaduudiye halis ma noqdaa?
Xanuunkaan badanaa dilaa ma ahan, laakiin qofka dhowr maalmood ayuu howlgab ka dhigaa, mana ahan xanuun tallaal iyo daawo toona leh, waxaa ugu muhiimsan in qofka xanuun baab'iye iyo qandho jabiye u qaato inta uu xanuunka ka gudbayo, waa inuu qofka cabo biyo badan si uu uga fogaado halista fuuqbaxa, waana inuu ku dadaalo nasiino.
Ka fogow in aad qaadato daawo antibiotic ah, xanuunka wuu kaaga sii dari karaa!!.

Dadka badanaa u safro meelaha uu xanuunkaan ka jiro waxaa lagula taliyaa in ay ka fogaadaan qaniinyada kaneecada, ayna jiiftaa qolol daaqadaha iyo albabaha u furan yihiin.

Muxuu xanuunkaan kaga duwan qandhada Rift Valley iyo qandhada Dengue?
Inkastoo sadaxda cudurba ay gudbiso kaneecada loo yaqaano "Aedes", laakiin xanuunkaan wuxuu kaga duwan yahay inuusan lahayn dhiigbax, labada xanuun ee Rift Valley iyo Dengue waxay leeyihiin dhiigbax, tanoo qofka u dhiman karo.

Xanuunka kaduudiyaha sidee ayaa loo baaraa?
Xanuunka waxaa lagu gartaa qandho iyo kalagoysyada oo dhan oo qofka xanuuno, laakiin waxaa jiro baaritaan lagu dhiig ah oo lagu ogaanayo feyraska keeno kaduudiyaha, mana ahan baaris meel kasto laga helo, laakiin wadamada lagu yaqaano waa laga helaa baaristaas, waxayna jawaabtu qaadataa usbuuc illaa laba usbuuc inta u dhaxayso.

Xanuunkaan ma ahan xanuun dhulka soomaalida ku dhaco, laakiin si sahlan ayaa loo geyn karaa, hadduu yimaado qof xanuunkaas qabo, si sahlan ayuuna ku faafi karaa maadaama kaneecada kala gudbiso laga helo dhulkeena.

Kaduudiyaha dilaa ma ahan badanaa, laakiin wuxuu qofka ka dhigaa tacbaan sidii qof jajaban oo kale, dhaqaaqane wuu uga sii daraa qofka, qofkii uu ku dhacayne wuu xasuustaa calaamadihiisa.

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Balqiisahaaji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Cudurka kaduudiyowga ama kaduudiye?
« Reply #2 on: March 15, 2016, 09:50:20 AM »
jazakallah Dr  kaduudiye qofka uu mar ku dhaco maku soo laaban karaa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cudurka kaduudiyowga ama kaduudiye?
« Reply #3 on: March 26, 2016, 02:25:19 PM »
Kaduudiyaha waa hal mar kaliya, badanaa ma soo laabto, qofkuu ku dhaco wuxuu ka qaadaa difaac kaga hortagi karo markale inuu ku dhaco.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46434
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28888
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18409
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95927
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27055
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc