Author Topic: Malmalka iyo Waxtarkiisa Caafimaad  (Read 65526 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Malmalka iyo Waxtarkiisa Caafimaad
« on: March 31, 2016, 09:30:42 PM »


Waa maxay Malmal?
Malmalka waa nooc ka mid ah xabagta, waxaana laga gurtaa geedo gaar ah, waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Myrrh", eraygaan asal ahaantiisu waa laga keenay kalmada af-carabiga ee "Murr" oo ah macanaheedu "Qaraar" Malmalka waxaa loo qeybiyaa sadax nuuc oo kala ah:
  • Malmal Afrikaan oo loo yaqaano "Commiphora habessinica"
  • Malmal Soomaali oo loo yaqaano "Commiphora molmol"
  • Malmal carbeed oo loo yaqaano "Commiphora abyssinica"

Nasiib wanaag nooca ugu badan ee la diraaseeyay waa nooca soomaaliga ah ee dunida u taqaano "C. molmol", taariikhda waxaa la sheegaa waagii boqortooyada faraacinada inay malmalka uu ahaa wax aad u qaali ah maadaama loo adeegsan jiray in lagu xifdiyo maydadka boqorrada iyo caruurtooda, waxaana la aaminsanaa inuu ahaa daawo cirka laga soo dajiyay!!

Malmalku waa daawo dhireed dunida laga isticmaali jiray boqolaal sano ka hor, waxaana loo isticmaalaa:
  • Jeermis dilidda: wuxuu malmalku leeyahay awood antibiotic oo jeermiska bakteeriyada baab'iso, sidaas ayaana loogu isticmaalaa dhayidda nabraha, ku daawaynta caabuqyada ku dhaco afka, ilkaha iyo dhuunta sida cirid xanuunka, quumanka iyo wixii la mid ah.
  • Gooryaan dilidda: wuxuu kaloo eebe ku abuuay awoodda dilidda gooryaanada bini'aadanka ku dhaco, waana la siiyaa caruurta cunno xumida hayso, shubanka iyo calool majiirka, waxaa kaloo la arkay in malmalka lagu daaweeyo laba cudur oo halis ah oo ay keenaan gooryaano loo kala yaqaano "Schistosomiasis iyo Fascioliasis".
  • Qufac joojiye: Malmalka waxaa lagu joojiyaa qufaca khaasatan kan wato riiraxyada iyo cuncunka dhuunta, kuna badan caruurta, waana qufac la xiriiro dhuunta oo aan ahayn midka ka yimaado cilladaha sababka ku dahca.
  • Caado Wareerka: Waxaa kaloo malmalka loo adeegsadaa inuu soo dadajiyo caadada khaasatan markii haweenka qaar ay ku xanuunsadaan ama ku xiranto ama ka sooo daahdo.
  • Majiirka: Malmalka waxaa loo adeegsadaa xanuunada majiirka keeno sida mindhicirro xanuunka, kilyo xanuunka iyo tubooyin ugxansidayaasha.
  • Qaniinyada bahallada: Malmalka waxaa loo adeegsadaa ku daawaynta qaniinyada masaska iyo in lagu qiiqiyo guryaha si looga saaro masaska iyo hanqaraaraca.
  • Boogaha Gaaska: Waxaa la arkay in malmalku uu yareeyo nabarada gaaska uu ku sameeyo caloosha, sababtuna waa isagoo ku caawiyo xuubka caloosha inuu soo saaro xab ka difaaca boog samaysanka.
  • Macaanka: Inkastoo malmalka aan lagu tijaabin dad sokor qabo laakiin cilmibaaris lagu sameeyay dalka Kuwait, waxaa la arkay in doolliyaal macaan qabo looga daaweeyay malmalka, markii la sii baaray qaabka uu sokorta u kotaroolayne waxaa la arkay inuu malmalku hoos u dhigo sokorta uu beerka sameeyo, isbarbardhig lagu sameeyay Malmalka iyo daawada sonkorta loo isticmaalo oo loo yaqaano "Phenformin" waxaa la arkay inay ka waxtar badan tahay daawada boqolkiiba 75%, waxay cilmibaaryaashaan soo jeediyeen in ku daawaynta malmalka uu fursad u noqon doono dadka qabo macaanka Type 2, haddii lagu sameeyo cilmibaarisyo dheeraad ah.
  • Burooyinka: Cilmibaaris lagu sameeyay awoodda malmasha ay u leedahay ku daawaynta burooyinka kansarka, waxaa la arkay inay waxtar leedahay, weliba iyadoo la isbarbardhigay daawo kale oo kansarka loo qaato, loona yaqaano "cyclophosphamide", laakiin cilmibaarisyo dheeraad ah ayaa ku socdo arrintaan.
  • Caabuqa Trichomoniasis: waa infekshan lagu kala qaado galmada, dunida ku hayo dhibaato baaxad wayn leh, waxaa cilmibaaris lagu arkay in malmalka uu daawo u yahay cudurkaan.
  • Kalagoysyo Xanuunka: Malmalka waxaa loo isticmaalaa ku daawaynta roomaatiisamka iyo riixa, waxaana la arkay inuu qulqulka dhiiga ku kordhiyo kalagoysyada.
  • Dufanka Dhiiga / Kolestaroolka: Diraasad la sameeyay sanadkii 2009, waxaa lagu arkay inuu malmalka uu leeyahay awood hoos u dhimis dufanka dhiigga ah.

Sidee loo isticmaalaa Malmalka?
Malmalka waxaa loo isticmaalaa siyaabo kala duwan sida cabitaan, ismaris, luqluqasho, uumis, bomaato/kareem iyo budo ahaan.

Waxyeellada Malmasha:
Waxaa lagu taliyaa in hooyada uurka leh iyo hooyada nuujinayso ay ka fogaadaan isticmaalka malmalka, maadaama la arkay inuu ilmaha soo ridi karo.

Dadka qaato daawooyinka sokorta qabo waxaa lagula taliyaa inaysan la qaadan malmalka, maadaama la arkay inay sokorta aad u dhacdo, tani waxay ka tarjumaysaa inuu macaanka uu daawo u yahay, laakiin weli lama sheegin illaa iyo hadda inuu daawo u noqon karo macaanka nooca 1-aad (Type 1 Diabetes) oo aan ku xusay sheekadii "Abshir" oo iskaga daaweeyay Macaanka Type-1.

Malmalka iyo Hammi yarida:
Inkastoo soomaalidu aaminsan tahay in malmalka uu hamiga iyo dareenka kacsiga ku yareeyo ragga, laakiin illaa iyo hadda lama hayo wax cilmibaaris ah oo arrintaan waafaqsan, lakiin waxaa cajiib ah in shiineeska ay malmalka u adeegsadaan hammi yarida iyagoo ku daro daawooyin kale!, marka ma malmashooda ayaa teena ka duwan mise qaabka aan u isticmaalno iyo qadarka aan ka isticmaalno ayaa khaldan, waa arrin u baahan baaris dheeraad ah si looga sal gaaro.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: