Author Topic: Su'aal: Gabadh aan dhalay oo 5 jira baa xanuunsatay?  (Read 2635 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Shaxshaxleey

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Su'aal: Gabadh aan dhalay oo 5 jira baa xanuunsatay?
« on: May 10, 2016, 07:07:22 PM »
asc dhaqaatiirta  iyo bulshada bogan ku xiran waan idin sallaamay dhaamaan dhaqatiirta waan uga mahad celin hawsha ay noo hayaan  sulaal ayaan qabaa ah gabadh aan dhalay oo 5 jira baa xanuunsatay malaryo baa laha helay kadib dawo irbada baa sinta loga durayay markii tii kobad ay qaadatay indhahaa jaale noqday  cunada wayka goday maxay tahay sababta   ma cagarshowbaa  mise malaryada qaar sasa suaalsha labaad  waxaan joga ugandha markii bil ama labo lajoogo ilmaha malaarya laga helaa aad na waa u yar yaryihiin shandarawo wan u xira biyo aan nadiif ahayna masiiyo sideen ku xalinkara oo kale maxaase kaga maarmi karaa sharoobo iyo kaniin bil walbaa ama  uroon ilmahaygase dawadaas wax yeelo mawgaysankadhaa       ugu danbayn hooyo  umul ah oo ilmo nuujinaysaa liin dhanaan iyo malab haday biyo diiran subax walba aroortii cabto intay isku darsato si ay isku dhuubto   ilmaha wax mayeelayaan oo ma caatobayaa ama caano yari mak u sababaysaa waad na mahadsantihiin somalidoc.com




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Gabadh aan dhalay oo 5 jira baa xanuunsatay?
« Reply #1 on: June 01, 2016, 09:28:59 PM »
Waa suuragal in cirbadu ay dhaawac beerka gaarsiisay, khaasatan haddii daawadu cabirkeedu uu waynaa, wayna dhacdaa dadka daawooyinka qaar qaato, waxaa kaloo suuragal ah in malaariyada heysay ay ahayd mid xad dhaaf ah oo keenaysa in unugyada dhiiggu burburaan, tanoo loo dareemi karo qaab cagaarshow oo kale, waxaas waxaa fahmi karto dhakhtarka xaalada ilmaha gacanta ku hayo.

Malaariyada soo laalaabashadeedu aad uma badno hadduu qofka ku nool yahay meel malaariyadu ku badan tahay, wuxuu alle ka siiyaa difaac lid ku ah mararka ugu horeeyo oo ku dhacaba, laakiin tayada shaybaarka aad gabadha ku baartid sidee tahay?

Waxyaabo badan ayaa u baahan in la hubiyo si loo ogaado ma Malaariyo soo laalaabato ayaa gabadha hayso mise waxyaabo kale ayaa jira?

Midda hooyada ku saabsan, wax dhib ah uma keenayso nuujinta iyo caano yarida intaba, halkaan ka akhriso waxyaabaha caanaha yareeyo oo la rabo in hooyada ay ka fogaato: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5596.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Baaritaan Caafimaad Kadib, Tuubadda Kaadi mareenka, Caabuq Xannuun ayaa Jira?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 42840
Last post April 16, 2013, 01:40:49 PM
by SomaliDoc
Ma jira walaalayaal, dhakhtar Somaliyeed oo ku takhasusay sunta guud ahaan, gaar

Started by AoxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9227
Last post January 04, 2010, 09:37:14 PM
by SomaliDoc
Su'aal: cunug 7 bilood jira olive oil dhegta malooga shubi karaa?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 11704
Last post April 03, 2011, 07:21:30 PM
by Abdikani
Su?al: Maxaa ka jira in dhibatooyin xaga ragnimada uu leeyahay prednisolone-ka?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10320
Last post March 03, 2011, 01:25:49 AM
by Dr. Acromion
Waa maxay Rubella? Yaa halis ugu jira? Daawo ma leeyahay?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 15615
Last post March 25, 2011, 09:41:26 PM
by SomaliDoc