Author Topic: Su'aal: Hindhisada oo leysku celiyo?  (Read 3479 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Diihaal Guuto

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Su'aal: Hindhisada oo leysku celiyo?
« on: May 25, 2016, 05:21:47 PM »
Asalaamu caleykum dr.
Waxaa jira dad marka ay yara sanboraan hindhisada isku celiya ayagoo aamin san iney ku yareyn karaan in sanborku ku sii darnaado xiligaas.
Hada ka hor ayaan meel ka akhriyey in hindhisada leysku celiyo ay keeni karto dhibato ay ka mitahay iney dhici karto in madaxa dhiig kaaga furmo lkn meshaas aan ka akhriyey kuma kalsooni.
Waxaan rabilahaa marka inaa bal arinkaas ka hadashid dr
mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hindhisada oo leysku celiyo?
« Reply #1 on: June 05, 2016, 07:49:06 PM »
Waa arrin jirta mana fiicno caafimaad ahaan in hindhisada la isku ceiyo laakiin dhiig maskaxda kuma furto, dhibaatada ay keento waxaa ugu horayso inay dhagaha dullaacaan oo xuubka maqalka wax gaaro khaasatan haddii aad hindhisada isku celisid afkaaga oo xiran, waxaa kaloo cadaadiska sanka aad ku xirtay dib ugu laaban karaa sanqaroorka oo dhawac gaarsiin karaa, waxaa kaloo la sheegaa inkastoo aan la arkin in xidada maskaxda uu xinjir ku samayn karo, sidaa daraadeed waxaa haboon in si dabiici ah u hindhisooto oo maro afka saaratid, weligaana ha isku celin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Biyaha ama Shahwada oo laysku celiyo dhib miye ledahay?

Started by IlyaasmaxamedBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 8599
Last post December 22, 2017, 03:27:38 PM
by Ilyaasmaxamed
Su'aal: Kaadida laisku celiyo ilaa ay kaa xanuujiso?

Started by Ilias AbdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3049
Last post April 12, 2016, 04:39:43 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XILIGA GALMADA IN BIYAHA LAYSKU CELIYO?

Started by Cabdalle78Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 6220
Last post March 23, 2019, 03:13:51 PM
by Cabdalle78
Su'aal: Shahwada oo laysku celiyo dhib ma ledahay?

Started by IlyaasmaxamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8501
Last post December 03, 2018, 04:39:56 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuntooyinka soo celiyo dhareerka jilbaha?

Started by Savage8Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6992
Last post March 20, 2019, 10:55:36 PM
by SomaliDoc