Author Topic: Talada Soonka: Dhiig-karka iyo Wadne Xanuunka.  (Read 27003 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Talada Soonka: Dhiig-karka iyo Wadne Xanuunka.
« on: June 12, 2016, 03:06:52 PM »


Bismillahi..

Waxaan qoraalkaan ugu talagalay talane ku siinayaa dadka dhiig-karka qabo iyo dadka wadna xanuunka qabo oo rabo inay soomaan ama hadaba sooman.

  • Dadka dhiig-karkoodu xakamaysan yahay, way soomi karaan laakiin waa in dhakhtarka kala tashadaan sida ay daawo qaadashada isu badalayso xilliga soonka.
  • Ogow isbadalka xilliga hurdada bisha ramadaan waxay khalkhal galin kartaa xakamaynta dhiig-karka, maadaama ay dhici karto in habeenkii aad soo jeedid, maalintiina aad seexatid.
  • Ogow waa muhiim in aad daawada dhiig-karka waqtigeeda ku qaadatid oo aysan isbadalin, haddii aad daawada hal mar ka badan qaadatid, fadlan la tasho dhakhtarka si hal waqti oo xilliga afurka ah kaaga dhigo.
  • Ogow cunista khudaarta leh maadada kaalsiyamta iyo bootaasiyamta sida baradhada, karootada iyo mooska, waxay daawada ku caawiyaan in dhiig-karkaagu xakamaysnaado.
  • Ka fogow isticmaalka cusbada iyo waxyaabaha milixda leh iyo cunnada dufanka lagu badiyay maxaayeelay cadaadiska dhiigga ayay sare u qaadaan.
  • Haddii aad qaadatid daawada wadna xanuunka ee loo yaqaano "Digoxin", ku dadaal in aad qaadatid cunnada ka hor hal saac ama laba saac maxaayeelay cunnada leh liifka ama buunshadu way yaraysaan faa'idada daawada.
  • Dadka qaba dhiig-karka iyo wadne xanuunka badanaa waa loo ogolaadaa inay soomaan illaa dad dhif mooyee.
  • Iska ilaali in aad daawada dhiig-karka qaadatid calooshaada oo faaruq ah, maxaayeelay waxay keeni kartaa in dhiigga hoos u dhaco.

Dadka wadna xanuunka qabo oo aan loo ogoleyn inay soomaan, waxaa ka mid ah:
  • Qof wadne qabad (heart attack) mar dhaw ku dhacay
  • Qof cadaadiska dhiigiisa uu si sahlan hoos ugu dhici karo
  • Qof qabo wadne xanuunka "Angina" oo aan waqti lahayn.
  • Qof u baahan in isbitaal la jiifiyo
  • Qof aan ka maarmin daawada maalintii.

Qofka cadaadiska dhiigiisa uu hoos u dhaco ma soomi karaa?
Hadduu qofka sidiisa kale uu caafimaad qabo, laakiin soonka awgiisa uu cadaadiska dhiigga hoos u dhaco waxaa lagula taliyaa inuu biyo badan cabo xilliga saxuurta, cunnadane uu ku darsado cusbo, iskane ilaaliyo dhididka badan, jimicsiga, daalka iyo qoraxda.

Akhriso qoraallo xiriir la leh:
1- Dhiig-karka "Hypertension": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=467.0
2- Wadne qabadka "Heart Attack": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=685.0
3- Howlgabka wadnaha "Heart Failure": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=520.0
4- Hoos u dhaca cadaadiska dhiigga "Hypotension": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5834.0
5- Wadne xanuunka "Angina": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=668.0

Waxaan idiin rajanayaa soon caafimaad leh, haddii aad su'aalo qabtid iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16767
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14358
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33587
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39968
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87202
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!