Author Topic: Su'aal: WAAA MAXAY FAAIIDADA BIYAHA KULUL ?  (Read 37643 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline m.mo141

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
Su'aal: WAAA MAXAY FAAIIDADA BIYAHA KULUL ?
« on: June 12, 2016, 07:18:09 PM »
WAAA MAXAY FAAIIDADA.  BIYAHA KULUL OO LA CABO


WAXAAN CABAA BIYO KULUL O SIDA SHAAHA CAMAL AYAAN U CABA MANA LAHAN SOKOR CUSBO WAA BIYO CAADI O KULUL MAR MAR NA WAXAAN KU DARSADAA ZANJANIIL


advantage of hot water




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: WAAA MAXAY FAAIIDADA BIYAHA KULUL ?
« Reply #1 on: July 05, 2016, 01:38:42 PM »


Bismillah..

Biyaha qandaca oo la cabo waxay leeyihiin faa'idooyin badan oo kala ah:
  • Dheefshiidka: Biyaha qandaca oo subaxii hore la cabo waxay dheefshiidka ka nadiifiyaan waskahda, una diyaariyaan in quraacda ay si habsami la' u shiidanto.
  • Calool-fadhiga: Biyaha qandaca waxay caawiyaan mindhicirrada si ay saxarada u soo baxdo, sidaas ayay ku yareeyaan calool adeegga.
  • Xanuunka: Biyaha qandaca oo la cabo waxay yareeyaan madax xanuunka iyo xanuunka dumarka ay dareemaan xilliga caadada, sababtuna waa in biyaha qandaca ah ay xididada maqaarka soo aadayo ay waasiciyaan, taasina waxay dabcisaa murqaha kogsan ee madaxa iyo dahbarka.
  • Miisaanka: Biyaha qandaca ah waxay xakameeyaan culeeska qofka inkastoo isbadal dhakhso ah aanan lagu helin, laakiin haddii waxay cilmibaarayaashu sheegaan haddii lagu darsado liinta in ay kordhinayso fursada in miisaanku yaraado, akhriso qoraal aan arintaas uga hadalnay hadda ka hor: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6699.0
  • Wareega dhiigga: biyaha qandaca oo la cabo waxay firfircooni u yeelaan wareega dhigga, waana arrin muhiim u ah caafimaadka jirka.
  • Caafimaadka timaha: biyaha qandaca oo la joogteeyo waxay kordhiyaan dhaldhalaalka timaha, waxayna ka hortagaan agoolka.
  • Maqaarka: Biyaha qandaca oo la cabo waxay isbadal ku sameeyaan unugyada maqaarka, waxayna yareeyaan nabraha iyo findoobka wajiga ka soo baxo sida cilmibaaris ay sheegtay.
  • Cunaha iyo Sanka: cabburka sanka iyo dhuunta waxaa logoa hortagaa in subax kasta la cabo biyo qandac ah, weliba markii lagu darsado liin dhanaanta ayay faa'idadu badan tahay.
  • Hurdada: dadka badanaa dhib kala kulma inay dhakhso hurdo ku helaan waxaa lagula taliyaa inay biyo qandac ah cabaan cashada ka dib si ay hurdo u helaan.
  • Caabuqa: biyaha markii la kululeeyo oo la qandiciyo waxaa yaraanayso fursada in jeermis aad biyaha ka qaadid maxaa yeelay kululeynta waxay jeermiska ka dishaa biyaha.

Talooyin:
Iska ilaali in aad cabtid biyo aad u kulul maxaayeelay dhuuntai yo jidiinka uma roono, laakiin waad qandacsan kartaa.
Haddii aad u cabtid in miisaan iskaga ridid, ku dadaal in aad jimicsi ku dartid si faa'idadu u badato.
Si faa'idooyinka sare u bataan, waxaa lagu taliyaa in biyaha kulul lagu darsado liin dhanaan aan sokor lahayn.

Akhriso faa'idada cabitaanka biyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5971.0

Haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66970
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 70130
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62976
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47518
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45772
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc