Author Topic: Su'aal: Madaxeyga dhinaca midig ayaa maqaarki?  (Read 2091 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Umu Ritaaj

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Su'aal: Madaxeyga dhinaca midig ayaa maqaarki?
« on: June 30, 2016, 09:20:21 AM »
ASC walaalayaal madaxeyga dhinaca midig ayaa maqaarki wuxuu noqdey mid adag oo culus oo hadaan soo qabtana jirmi leh baryo kadib madaxi oo dhan ayuu ku fidey, kadib wexey isku badashey wax aad moodid agool oo lasoo koobi karin hadaan dhaqo oo nadiifiyo oon qalajiyo hadana xoogaa kadib maqaarki ayaa agool aan dhamaaneyn isku badalaayo oo hoostiisu dux qoyaan ah yeelaneyso isla markaasna waxaan ka dareemaayaa madaxa culeys saa'id ah oo huur wata anigana aan dhibsanaayo hadana meel meel madaxi ka mid ah ayaa nabro kasoo bexeen asagoo qoyaanki agoolka wata maalinti sadax ilaa afar jeer waan dhaqaa biyo xoogaa qandac ah ayaan ku nadiifiyaa illaahey awoodiisa nabrihi waa iga dhamaadeen agoolki hoosta ka qoyanaana wuu iga qalaley culeyskina waa iga harey balse toxobti agoolka waa sideesi waxaa igu bilowdey wax sidi cambaarti oo kale ah oo wadata agoolki oo dambas cad ah oo wajiga iiga soo fidey dhagihi maqalkoodi xitaa waa iiga yaraadeen hadana indhihi ayey wax yar u soo jiraan saliid hadaan mariyana uma adkeysan karo waa inaan horey ka dhaqaa indha gudahoodana wax ayaa iga soo galaaya sidi caradi camal ah hadaanan saliida horey ka dhaqin marka walaalayaal mexey tahay ciladaas madaxa iga heysata maxaanse kula tacaali karaa oo daawo ah
mahadsanid.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Madaxeyga dhinaca midig ayaa maqaarki?
« Reply #1 on: August 01, 2016, 05:27:50 PM »
Umalayn maayo inuu Agool yahay waxa aad tilmaamaysid ee waa cudur maqaar, fadlan la xiriir dhakhtarka cudurrada maqaarka.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: