Author Topic: Su'aal: Walwal iyo naxdin soo now noqday?  (Read 4841 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdiselamhaji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Walwal iyo naxdin soo now noqday?
« on: July 17, 2016, 10:37:35 AM »
Acwr. Dhaqaatiirta sharafta leh wad kumahadsantihin hawshaas noo haysana. Intaa kadib diktoore anoo yar baa Waxa ladilay walalkay yar kadib naxdintaa naxay hurdo wan kago'ay dadkuna dawadeeda ma aqoon anigu waaba shoogay markii danbe. 2bil kadib wan iska fiicnaaday Ayaan ban hadba dhuun xanuun dareemi jiray. 2002 baa hadana xabad isigtay aadbaan unaxay asbuuc kadib astaamihi hore bay igu soolabtay dhuun xanuun, baqdin. Hurdo la'aan. Ilaa aan markii danbo sariir lafuulay shoog dartiis iyo naxdin. Waan raystay 2010kii anoo qadar jooga baan hadana geeri naxdin leh igu dhacday isla hameenkii walwal iyo tabar dari cudurka gaaska iyo walwal iyo hurdo la'aan baan isku arkay asbuuc anoo yaaban ban dhaqtar utagay kaniini hurdo iyo mid gaas buu isiiyay waana ku fiicnaaday. Gaaskii igama harin marna. Dhamaadkii 2013 baan shil wayn galay oo lasuuxay waxna ima gaarin ilahay mahadiis balse waa kaxay dhagta dabadeeda unbaa ijeexantahay. Sanad kadib shilkaas 2014 Mar aan Somalia imaaday baa gaaskii iyo walwal igu kaceen Xamar dawo wan kawaayay Nairobi baa la iiqaaday dhuunta tuba layga galshay nabar malihid gaaskaaguna waa yaryahay baa lay dhahay balse dhuunta iyo caloosha meeshay iska galaan baa furan saasay cuntada kuugu soo laabanee reflux. dawada diiqada ama walwalka baa la iigu daday. Coprelex 10 iyo mid kale . Cudurka runtii sariirtaan lasaarnaa meelaan ixanuunayn malahayn niyad jabna waa jiray iyo quus. Axl. Labaatan bari kadib waan kasoo raayay markan dawadaas qaatay dibad ubax ayaana bilaabay 2bilod iyo bar kadib ban dawadii joojisay. Dalkaygii qadar ban kulaabtay halsano oo cafimaad ah baan soo shaqeestay. Mar dhaw ban Somalia imid may 1deeda 2016 ramadaankii bilawgiisii baa cudurka kaduudiye igu dhacay kadibna gaaskii buu igu kacshay hadana astaamihii walwalka iyo hurdo la,aanta baa soo laabtay 3bari hurdo la'aan caloosha oo nabar camal ii daqnata walaac iyo diiqad kadib dhaqtar ban utagay dawadii horee Nairobi layga siiyay baan tusay iyada bilaw buu dhahay ciprelex 10 iyo waxuu iigu loran1 oo hurdaa. Axl waan seexday laakin walwalkii wuu jiraa waxaana iaticmaalaya 5bari ilaa hada.
Ee cudurkaan soolaalaabanaya oo walwalka iyo naxdinta aanan geeridaba udulqadan karin maxaa lagu daweeyaa bal talo Fiican iga siiya. Dawadaan ciprelex 10 sano wadbuu idhahay marka fikirkaaa mala qabtaan waxtarkeedase kawarama naxdintaan mayarayn kartaa. maxaase kaloo igula talinaysaan adinko mahadaa




Offline Abdiselamhaji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Walwal iyo naxdin soo now noqday?
« Reply #1 on: July 25, 2016, 07:34:54 AM »
Ac. Diktoore suaashii waan soo diray walina wan xanuunsnhy maad iiga soo jawaabtaan khair alle haku siiyee

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Walwal iyo naxdin soo now noqday?
« Reply #2 on: September 16, 2016, 09:27:39 PM »
Dhibkaaga waa welwelka iyo naxtinta oo aadan u adkaysan karin, dheecaannadaada ayaa si sahalan ku kaca markii aad la kulantid xaaldahaas oo kale, taas ayaana keenayso inuu kaco dheecaanka aashitada caloosha soo daayo ee loo yaqaano "Gastrin", marka dhibkaaga gaas ma ahan ee gaaskaagu waa astaan daba socoto naxtinta iyo welwelka iyo kacsanaanta niyadaada.
Daawada laguu qoray waxay hoos u dhigtaa dheecaannadaas, sidaas ayaana u dareentaa degenaansho iyo isbadal, waa muhiim in aad daawada qaadataa, waxaa kaloo muhiim ah in aad alle ku xirnaanta iyo quraan akhriska badasid, taasi waxay kaa caawinaysaa in aad la tacaasho dhibaatooyinka ku soo wajaho iyo wixii kugu dhacaba inay qadarnaayeen oo aadan meelne uga baxsan karin, wixii ku sigayne ay qornayd inay ku sigaan.
Waana muhiim in dhakhtar "psychiatrist" aad la kulantid si uu kaaga caawiyo arrimahaan, waxaa jiro talaabooyin la qaado si arintaas aad u yarayso, kala tasho arrintaas.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Arin naxdin leh, hooyo somaliyeed oo uur leh oo ilmaheedii sun lagu tijaabiyay

Started by AoxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 18284
Last post January 16, 2010, 07:29:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Naxdin ayaan dareemaa xiliga galmada?

Started by TimocadeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7982
Last post March 14, 2018, 07:23:17 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waan gariiraa markan war naxdin leh maqlo?

Started by KamaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3899
Last post November 18, 2018, 11:15:00 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Naxdin aan dareemayo mar kasta?

Started by KaltuunBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4228
Last post November 18, 2018, 11:10:09 AM
by SomaliDoc
[Baladweyne] - Cudurka shuban biyoodka oo noqday DAACUUN

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 16159
Last post March 30, 2013, 07:08:49 PM
by Drkheyre