Author Topic: Su'aal: Waxaan ka cabanayaa dabada cuncun?  (Read 17531 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Kaltuun

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 33
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan ka cabanayaa dabada cuncun?
« on: October 31, 2016, 11:27:43 PM »
asc walalaha somaliyeed salaan ka dib waxaan rabaa in layga caawiyo su aashan idinkoo mahadsan dr ayaamahan dabada ayaa gudaha igacuncunysa ana farta ayaan gashaa oo ku xoqaa isla markaa aan farta galiyo wan ku raaxaystaa xoqideeda  waxaan akhristay qodob aad kaga hadashay calaamadaha bawaasiirta ay ku jirtay inay qofka dabadu cuncunto marka macnaheedu ma inaan bawaasiir qabaa wax kala kuma qabo aan cuncunka ahayn balse saxadayda ayaa adag oo farta ayaan kusoo saara  hadaan saxaroodana kuma arko wax dhiiga fadlan halayga caawiyo su aashaas .
aad baa umahadsantihiin wllo ilaahay miisaanka xasanaadka ha idiinku daro shaqadad uhaysaan umada somaliyed kun jeer baad mahadsantihiin.
salaamulaahi calaykum




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan ka cabanayaa dabada cuncun?
« Reply #1 on: November 04, 2016, 06:47:49 PM »
Waxa ugu badan ee keeno cuncunka dabada waa xanuunka loo yaqaano "Shoqosha" ama "Idiinyada" ama "Diraha", ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4410.0.html

Way dhici kartaa in baabasiir uu jiro, laakiin cuncun kaliya astaan uma ahan, waa inay waxyaabo kale jiraan sida dhiig saxarada lagu arko, dillaac, xanuun dabada ah, nabar ama kuus aad dareentay.
Daawo video aan ku faahfaahinay bawaasiirta:
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29531
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 52151
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33584
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28478
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 38705
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc