Author Topic: Jaarda Laambliya (Giardiasis)  (Read 37087 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4146
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Jaarda Laambliya (Giardiasis)
« on: March 19, 2008, 10:55:19 PM »


Waa maxay Giardiasis?
Giardiasis waa noc ka mid ah bukashada caloosha (Gastroenteritis) waxaa keena bahal yar oo ku dhexnool mindhicirka loona yaqaano Gardia Lamblia. Giardiasis qof walba waa ku dhici karaa, wuxuuse u badan yahay carruurta, iyo dadka waawayn oo da’doodu u dhexayso 20 ilaa 40 sanadood.

Waa Maxay Astaamaha Giardiasis?
Astaamaha ugu badan ee Giardiasis waa shuban, yaqyaqsi / lalabo, calool majiir, waxaa astaamahaas la socon karo qandho, madax xanuun, caajis iyo daal aadan isku aqoon, mararka qaarkoodna qofka astaamo maba yeesho.
Ifakshanka markuu kugu dhaco, 7 ilaa 10 berri ayuu qofka ku jiradaa. Si loo raadraaco jirada waa muhiim in la ogaado halkaad joogtey iyo waxaad cuntay 2dii asbuuc ee la soo dhaafay intaan jiradu ku qaban.
Xanuunku wuxuu ku dhamaan karaa maalmo yar ilaa asbuucyo hadduu difaaca jirkaaga uu fiican yahay.

Xagee Giardia laga hellaa?
Gardia Lamblia waxaa laga qaadi karaa bini’aadamka ama xoolaha.

Sidee ayey Giardiasis ku Fidaa?
Sida qaalibka ah Giardia waxay timaada marka cunno ama biyo wasakhaysan laga qaato afka, kadibne waxay u gudubtaa qof ilaa qof.
Dadka ay Giardia lamblia ay ku dul nooshahay waxaa laga hellaa saxaradooda. Haddii dadkaasi si fiican aanay u dhiqin gacmahooda, markay musqusha ka soo baxaan, gacmahii wasakhaysnaa ayaa u gudbin kara alaabta dushooda halkaas oo ay taaban karaan dadka kale. gacmaha wasakhaysani waxay iyaguna u gudbin karaan cunadii taas oo qof kale cuni karo. Gacantu waxay kaloo wasakhda qaadi kartaa marka qofku bedelayo naabi ilmo qaba xanuunkaan.

Dadka iyo xayawaankuba waxay ku qaadaan Giardia xaarkooda iyagoo aanay ka muuqan astaamihi. Dadkaas ama xayawaankaasi weli waa u gudbin karaan jirada dadka kaleeto, biyaha wasakhaysan waa faafin karaan xanuunkaan.

Haddii aan qabo Giardiasis maxaan samaynayaa?
Haddii aad qabto Giardiasis u sheeg dhakhtarkaaga isla markiiba. Taasi waxay xaqiijinaysaa inaad hesho daawada ku haboon iyo talo si aad u yarayso fidida cudurka.

Ma Shaqayn Karaa?
Dadka maqaayadaha ka shaqeeya iyo kuwa xarumaha dhallaanka ee qaba xanuunkaan waa inay shaqada joojiyaan ilaa astaamuhu istaagaan. Carruurta waa inaan la geyn dugsiga ilaa astaamuhu ka istaagayaan.

Sidee uga Ilaalin Karaa inay-yan Qoyskayga ku fidin?
Waa la yarayn karaa khatarta ah in cudurku qoyska ku fido. Aad bay muhiim u tahay ina dadka qaba Giardiasis aanay diyaargarayn cunada dadka kale cuni karaan, waana inaan lala wadaagin qofka cudurka qaba shukumaanka ama waji tirtiraha.

Sidee isaga Ilaaliya Qaadista Giardiasis?
Qof weliba waa iska ilaalin karaa in aanu qaadin Gairdiasis haddii uu qaado talaabooyinkaan:

Gacantoo si Fiican Loo Dhaqo
Qof weliba waa inuu gacantiisa ku dhaqaa biyo kulul ugu yaraan 10 ilmiriqsi:
• Intaadan cuna diyaarin ka hor;
• Inta u dhexaysa qabashada cuno karsan iyo mid diyaar u ahi in la cuno;
• Intaadan wax cunin;
• Markaad musqusha ka soo baxdo kadib, ama bedesho naabiga;
• Markaad sigaarka cabto ka dib;
• Markaad isticmaasho fasaleeti ka dib;
• Markaad jardiinada ka shaqayso ka dib;
• Markaad la cayaarto ey ama bisad ama xoolo kalaba.

Dadka maqaayadaha ka shaqeeya waa inay isticmaalaan shukumaanka halka mar la isticmaalo ama mishiinka gacmaha qalajiya, shukumaanada dharka ahi si sahlan ayey jeermiska u gudbin karaan hadduu qofka qabo.
• Haynta iyo Dhigidda cuntada meel bedqabta.
• Si fiican u kari cunnada ceyriin.
• Si fiican u dhaq khudaarta intaadan cunin.
• Cunada kululee marka ay qabowdo ama qaboojiyaha aad ka soo bixisid

Nadiifinta Guriga
Musqusha qubeyska iyo tan saxarada waa in had iyo jeeraale la nadiifiyaa si looga hortago fidida jeermiskaan. Aad uga taxadar meesha la fadhiisto, la qabsado tuubooyinka iyo miiska lagu bedelo naabiga.
Ciidu waxaa wasakhayn kara saxaro ama kaadi, marka si joogta ah u rogrog ciida kana soo saar saxarada xayawaanka. ku duug dhulka haddii aan la isticmaalayn.
Biyaha aan la daaweyni waxay ka imaan karaan haaraha ama webiyada laga yaabo inay wasakhayeen saxarada dadka iyo xayawaanka,
waana in biyaha la iska karkariyaa intaan la cabin.

Sidee loo daaweeyaa Jaardi Laambiyaha?
Ma ahan sida bulshadu qaarkeed ay aaminsan tahay in xanuunkaan uu qofka ku raago sanooyin ama aan la daaweyn karin, laakiin daaweyntiisu way sahlan tahay oo waxaa ku filan kaniiniyaal loogu talagalay oo 5 ama 7 maalmood kaliya la qaato ee haddaa iska shakisan tahay xanuunkaan la xiriir dakhtarka si saxarada lagaaga baaro, haddii xanuunka lagaa helo, dhakhtarka wuxuu kuu qori doonaa daawada Metronidazole ama Tinidazole ama Satronidazole ama Nitazoxanide, wuxuu kaloo kuugu dari doonaa daawada gooryaanka lagu dilo oo iyadane hal mar la qaato.

Khaladaadka ay bulshadu ka fahansan tahay cudurkaan:
  • Jaardiyaha inuu yahay gooryaan weyn oo isha lagu arki karo. (Waa jeermis il-ma-aragto ah oo weyneyso lagu arko)
  • In qofka la noolaanayo inta uu nool yahay. (Waa jeermis jirka ka takhallusi karo ama daawo lagu dili karo).
  • Inuu shanqar ama qeylo sameeyo markuu qofku gaajaysan yahay. (shanqartu waa hawo caloosha ku meereysanayso waxayna astaan u tahay xanuuno badan ee ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6657.0
  • In haddii la daaweeyo uu qofka dhimanayo. (Taasi waa quraafaat aan waxba ka jirin)
  • In cunnada lagu aamusiyo khaasatan muuska markuu qofka ku kaco!. (Calool majiirka kaa fuqayo markaad wax cuntid waxay u badan tahay gaas ama gooryaan ee maahan jeermiskaan iyo kuwa la midka ah).
  • In mararka qaar dhinaca dhuunta soo aado oo cunno soo doonto. (taasina waa quraafaad kale, jeermiskaan ma soo dhaafo mindhicirrada).
  • In hooyada haday qabto uu cunuga ku dhalan karo. (Waa laga yaabaa markay hooyada dhasho kadib inay cunuga qaadsiiso haddii ay nadaafadeedu fiicnayn ama gacmaha iska dhaqaynin markay musqusha ka soo baxdo laakiin kuma dhali karto xanuunka).

Ogow xanuunkaan waxaa lagu qaldaa tobaneeyo cudur oo ku dhaca caloosha khaasatan cudurka gaaska, caabuqa bakteeriyada, jeermiska Ameebaha IWM, waxa kaliya ee lagu kaal sooci karo waa in saxarada la iska baaro.

Xanuunada Lagu Qaldo Jaardiyaha:
Waa Maxay Bukashada Caloosha?
Caabuqa Ameebaha ee caloosha ku dhaco: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8331.0
Xanuunka mindhicirrada kacsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3417.0
Cudurka Gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0

Wixii intaas ka badan iyo hadii aad su'aalo qabtidba noogo soo dir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on: