Author Topic: Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?  (Read 63527 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3954
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?
« on: March 27, 2008, 02:07:51 AM »


Niyadjabka waxaa loola jeedaa, markay jirto xaalad dareen ah oo uu qofku muddo dheer dareemayo dhib iyo ciriri nafsadda ah, noloshuna ay u muuqato mid aan iftiin lahayn. Marka qofka uu hayo niyadjab, haba yaraadee ma jiraan wax uu dareen wanaagsan oo farxad geliya ka helayo. Qofka niyadjabku hayo inuu hawl bilaabo way ku adag tahay, si dhakhso ah ayuuna u daalaa. Inta badanna way ku adag tahay inuu go’aan gaaro. Waxaa sidoo kale ku adag inuu qalbigiisu u soo jeedo tusaale ahaan waxbarashada, wax akhriskaba iyo howlaha guriga.

Qofka niyadjabku hayo hurdo xumo ayuu badannaa leeyahay, waana wax iska caadi ah in waqti hore ay hurdadu ka dhamaato. Qofka niyadjabku dhibaatada ku hayo hurdada inuu helo ayaa mararka qaar ku adkaata, ama hurdo fiican ma seexdo, oo marar badan ayuu toosaa. Mararka qaarkood niyadjabku wuxuu leeyahay hurdo aad u badan, cunto xumo iyo culayska qofka oo hoos u dhaca.

Qofka niyadjabku hayo inta badan wuu dabci kululaadaa, waxaana dhici karta inay ku adkaato inuu dadka la joogo. Sidoo kale waa wax caadi ah inuu qofku nafsadiisa aad u eedeeyo. Qofku wuxuu kaloo isku arkaa xanuunno jirka ah oo kala duwan, sida madax xanuun, murqo xanuun, calool xanuun iyo dhabar xanuun, daal iyo tabardarri, hilmaan badan iyo tinta oo daadato.

Diiqaddu waa qeexid caafimaad oo koobaysa waxyaalo badan oo ku saabsan ciriiriga nafta. Sideeda ugu sahlan diiqaddu waxay kugu keeni kartaa niyad-jab, kaa soo iska kaa hortaagaya noloshaada caadiga ah. Wax kasta waxa ay kugu adkaanaysaa, kugu noqonaysaana mid aan qiimo badnayn. Markeeda ugu xun, diiqaddu nafta khatar bay gelisaa. Waxa laga yaabaa inaad awoodaada nololeed dhimato.

Dad badan oo diiqadaysani waxay la kulmaan kacsanaan (isku buuq). Kacsanaanta badanaa waxaa la socdo xanuun jirka laga dareemo. Kuwa kacsani waxay haystaan maskax aad mashquul u ah, feker soo noq-noqda. Kuwan oo sababi kara in ay kugu adkaato in aad nasato, ama seexato. Mudadda dheer kacsanaantu waxay keentaa daal jirka ah, iyo cafimaad xumo guud. Murugada, diiqadda ama niyad jabka waxay waxyeelaysaa qofka niyadiisa.

Maxaa Keeno Diiqada / Niyadjabka?
In la fahmo waxyaabaha niyadjabka keeno waxay qeyb wayn ka qaadataa in xal la helo, waxayna ka hortagaysaa khaladaad badan oo bulshadu aaminsan tahay. dad badan ayaa aaminsan in niyadjabku uu ku dhaco dad gooni ah, waxaa kaloo la aaminsan yahay in niyadjabku uu ka tarjumayo iimaanka qofka iyo alle ku xirnaantiisa.

Astaamaha niyadjabku waxay yimaadaan markuu khalkhal galo dheecaannada u kala goosha ama dhambaal-sidayaasha maskaxda, afka qalaadne lagu dhaho "Neurotransmitters", daawooyinka loo qaato niyad-jabkuna waxay saxaan dhambaal sidayaashaas khalkhalay, waxyaabaha khalkhal galin karo arrimahaas waxaa loo kala qeybiyaa 5 qaybood:
  • Hidde-raace: dadka qaar baa u nugul cilladda niyadjabka, waana wax Alle ku abuuray, si sahlan ayay iskugu buuqi karaan, waxaa kaloo la arkaa in diiqadu ay ku badan tahay qoysas gooni ah taasoo ka tarjumayso in xiriir la leedahay hiddaha qofka inkastoo hidde-wadanha cilladaysan aan la garanaynin. Akhriso qoraal ku saabsan dabciyada qofka u nugul niyad-jabka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7953.0
  • Macdanta Jirka: Alle wuxuu jirka ku abuuray macdan kala duwan oo mid walba howl gooni ah qaabilsan, haddii macdantaas ay jirka ku yaraato, waxaa qofka ku dhaca diiqad ama niyadjab, waana arrin badanaa aan lagu baraarugin oo dhakhaatiirta ka hoos baxdo, macdanta haddii jirka ku yaraato uu qofka sidaan dareemayo waxaa ugu horeeyo Fitamiinnada khaasatan nuucyada D, B3, B6 iyo B12, birta (Iron), Kaalsiyamta, cusbada (sodium), bootaasiyamta, magniisiyamta iyo koloraydka. Hadduu qofka nafaqo darro hayso ama muddo la iil darnaa xanuun jirka ah, ama uu fuuqbaxo waxaa khalkhal galo macdanta jirka, waxaana ugu dambayn ku dhaca xanuunka diiqada ama niyad-jabka.
  • Hormoonnada: Hormoonku waa dheecaanno kala duwan oo ay soo saaraan qanjirrada jirka ku jira, jirkuna kama maarmo, haddii hormoonnada ay jirku ku bataan ama yaraadaan, qofka niyaddiisu way isbadashaa waxaana la soo dirso xanuunka niyad-jabka, badanaa lama dareemo in jirka ay ku yaraadeen ama ku bateen illaa in la baaro mooyee, xanuunka ugu caansan waa xanuunka howlgabka "Thyroid-ka" oo badanaa lala xiriiriyo diiqadda iyo niyad-jabka, aad ayuuna ugu badan yahay haweenka soomaalida, waana qasab in aad iska baartid hormoonnada qanjirka thyroid-ka haddii aad isku aragtid astaamaha niyad-jabka. Akhriso qoraal ku saabsan xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5559.0, waxaa kaloo caddayn u ah in hormoonku uu xiriir la leeyahay isbadalka niyadda qofka in haweenka ay badanaa diiqaan ama niyad jab dareemaan xilliga caadada, xilliga foosha ka dib, iyo xilliga naas-nuujinta. waana marxaladaha uu hormoonnadu isbadal sameeyaan.
  • Xilliyada: waxaa jiro nuuc ka mid ah diiqada oo la dareemo xilliyada qaar, waxaana loo yaqaanaa "Seasonal Affective Disorder", qofku wuxuu dareemaa maalmo qaar in wax ka qaldan yihiin, inuu dareemayo murugo, daal aan caadi ahayn iyo hurdo la'aan, maalmo kadib caadi ayuu ku soo laabtaa, waano xaalad kumeel gaar ah, waxaa qodobkaan soo hoos galayo niyad jabka ka dhasho hurdo yarida, shaqo badnida, safarrada, isbadalka cimillada, ku noolaanshaha dhul kugu cusub IWM.
  • Xaaladaha: Niyadjabka ka dhasho xaaladaha qaar ee qofka soo maro noloshiisa waa qeyb ka mid ah waxayaabaha keeno niyad-jabka inkastoo ay tahay nuuca loogu aqoon badan yahay, xaaladahaas waxaa ka mid ah dhimasho qof kugu dhaw, furriin, shaqo ka eryid, dhaawac nafsi ah oo caruurnimadii laguu gaystay, inaad la kulantay wax kaa dhixiyay ama saamayn kugu reebay sida shil gaari, dagaal sokeeye ama lagugu sheegay xanuun halis ah.

Sidee loo ogaadaa niyadjabka?
Waa muhiim in qofka xanuunsan lala yeesho waraysi dheer si loo ogaado niyadjabkiisa nuuca uu yahay iyo meesha salka uu ku hayo, waraysigaas ayuu dhakhtarka ku garan karaa in sababtu ay tahay mid ka mid ah waxyaabaha aan kor ku soo xusay.

Sidee loo daaweeyaa niyadjabka?
Daawayntu waxay ku xiran tahay in la ogaado sababta rasmiga ah ee ka dambayso niyadjabkaaga, haddii ay xanuun jirkaaga ku jiro ay tahay waa in baaritaanno lagugu sameeyaa, haddii ay ka dhalatay nafaqo darro ama khalkhal hormoonnada ah iyadane waa in daawo lagu saxaa, haddii ay ka bilaabatay xaalado halis ah oo ku soo maray ama raad nafsi ah kugu reebay waa in iyadane lagula tacaalaa sheekaysi, tusaalayn iyo haddii laga maarmi waayo daawayn. Qoysku waxay dowr wayn ka ciyaari karaan ka kabsashada diiqada haddii ay aqoon u yeeshaan qofka sida loo hayo, hooyooyinka la iil darran xanuunkaan waa in kaalmo ka helaan xubnaha kale ee qoyska si loola qeybsado culeyska saaran.

Alle ku xirnaanshaha iyo diiqada
Alle SWT ayaa keena cudur walba isagaane qaadi kara, qofka xanuunsan waa inuu Alle ku xirnaado, taasi macnaheeda maahan in xanuunada qaarkood kaliya in duco iyo quraan lagu daaweeyo, kuwa kalane daawo kaliya loo raadsado, laakiin taladu waa inaad daawo iyo Alle talasaarasho isku dartid, Akhriso qoraal aan hadda ka hor kaga hadalnay xiriirka ka dhaxeeyo Alle-bariga iyo Murugada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2845.0

Farriinta Casharkaan:
Mawduucaan waa mid aad u ballaaran, halkaanne laguma soo koobi karo laakiin hadafta casharkeenu waxaan ku soo koobi karaa fariimahaaan soo socda:
  • Ogow in cudurrada jirka ku dhaca qaarkood inay keenaan diiqad iyo niyadjab ama inay xiriir la leeyihiin sida cudurka gaaska.
  • Ogow in qof walba oo la iil-daran diiqad ama niyad jab inaysan macnaheeda ahayn inuu ilaahay ka fogaaday ama quraan akhrisku ku yar yahay.
  • Ogow in jirka iyo maskaxda bini'aadanku ay isla shaqeeyaan, kamana kala maarmaan, haddii aad welweshid waa dabiici in aad dareentid daal iyo murqo xanuun, sida kalane waa sax.
  • Ogow in aan qofka isla markii loo qorin daawo iyadoo aan la hubsan inuu xanuun jirka uu jiro iyo in kale.

1- Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?
2- Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta?
3- Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku?
4- Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka?
5- Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka?
6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka?
7- Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa?
8- Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan?

Wixii su'aalo aad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0, haddii aad jeceshahay in dhakhtarka kala sheekeysatid xanuunkaaga, ku soo biir barnaamijka "dhakhtarka la sheekeyso", riix halkaan: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16186
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 15402
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 12078
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 572
Last post July 13, 2017, 03:07:45 PM
by Anassm
Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 16509
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!