Author Topic: Meeqo Nooc oo Niyad Jab ah ayaa Jira?  (Read 11764 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3695
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Meeqo Nooc oo Niyad Jab ah ayaa Jira?
« on: March 28, 2008, 01:14:09 AM »
Niyad jabku ama diiqaddu waxay leedahay noocyo badan waxaana ka mid ah:

Diiqadda umilitaanka ka danbaysa
Waxaa inta badan erayga “baby blues” loo isticmaalaa in lagu tilmaamo waqtiga gaabanoo ay jirto murugo fudud oo ay dumarka la kulmaan ka dib markii ay cunug dhalaan. Laakin waxaa wax laga xumaado ah, in 10% ka badan oo ah hooyooyinka cusub in sibuuxdo ugu dhacdo murugada dhalidda ka dib (PND).
Waxay hooyooyin badan la kulmaan murugo xoogan iyaga aan ogsoonayn ama garankarin in cudurka la daawayn karo. Waxay sabab u noqonaysaa saxariir aan loo baahnayn waxayna waxyeelaynaysaa qooyska iyo saxibada. Waxaa xoogaa yar oo dumar ah ku dhici karo puerperal psychosis (cudur maskaxwareer/waalli)- oo ah xaalad xun oo si kedis ah u dhacdo lixda toddobaad ee koowaad ee dhalidda ka dib.
Waxa loo malaynayaa in ay keento is bedel wayn oo hormoonka ku yimaada.

Diiqada waalida
Tanu waxay ku kaliiftaa dadka mawjado isugu jira diiqad iyo waali. Waalidanu waa xaal isugu jira kacsanaan iyo dabeecad aan kontorol lahayn.

Diiqadda Dhalinta (Buufiska)
Buufis --- marka ay kaa jajabsan tahay ama aad murugeysan tahay --- waa dareen qof kasta saameyn karta. Waana caadi iney qeyb ka ahaato caadifada kala duwan ee dadka soo mara. Waana caadifo ama dareen faa’iido leh. Waxeyn toban-jirka garansiisaa mushkilooyinka iyo sida dhibaatooyinka loo qaabili lahaa. Hadii murugada buufiska ay tagi weyso ama caqabad ay ku noqoto hawl maalmeedka, markaa waxaa qasab ah in buufiska la ogaado lana daaweeyo. Marka barbarka dareenkiisa uu qaso wax qabadkiisa, waxey taa tilmaameysaa in caadifad ahaan uu si daran u jaha wareersan yahay.

Diiqadda musiibo kadib
Cilladda niyad jabka ee masiibadu keento waxay imaan kartaa ka dib markuu qofku si degdeg ah ula kulmo arrin dhibaato ah oo maskaxdiisa ka weyn. Masiibooyinkaasi waxay noqon karaan, tusaale ahaan markuu qofku la kulmo dagaal, jirdil, nabaro lagu dhufto, shil gaadiid oo weyn iyo masiibooyinka dabiiciga ah, sida dhulgariirada, daadadka ama duufaannada. Xaaladaha noocaas ah qofku ama dadka ehelkiisa ah ayaa waxay halis u yihiin inay dhintaan, waana arrin aan wax laga qaban karin. Xaaladdaha noocaas ah waxaa inta badan la xiriira dareen xoog leh oo ah inuusan qofku awood uu wax ku caawiyo lahayn iyo baqdin iyo cabsi xoog leh.
Marka ay qofka dhibaato ku hayso cilladda istereeska ee masiibadu keentay, qofka waxaa inta badan maskaxdiisa ku soo noqda dhibaatadii masiibada ahayd, taasoo qofka weli u keenta inuu dareemo ciriri xagga maskaxda ah. Wuxuuna sidoo kale qofku caadiyan isku arkaa riyooyin xun xun oo soo noqnoqda. Mararka qaarkood waxaa dhici karta inuu qofku waxyaabihii dhacay mar labaad la kulmo iyagoo dareen aad u xoogan ah, waxayna sidoo kale dhacdooyinkaasi lahaan karaan waxyaabo aan dhab ahayn oo uu qofku dareemayo.
Waxyaabaha masiibadii dhacday xasuusinaya qofka ay dhibaatada ku hayso cilladda istereeska ee masiibadu keento waxay u keenaan inuu dareemo ciriiri xagga nafsadda ah, wuxuuna isku dayaa inuusan waxyaabahaas la kulmin. Arrintaasina waxay si weyn u xaddidaysaa nololmaalmeedka qofka. Mararka qaarkood qofka waxaa ku adkaata inuu xasuusto waxyaabaha la xiriira masiibadii uu la kulmay, oo waxay noqonaysaa sidii wax maskaxdiisa ka tirtirmay oo kale. Cilladda waxaa kaloo inta badan la xiriira inay qofka ku adkaato inuu dadka kale meel la joogo. Mararka qaarna dadku waxay ula muuqanayaan sidii dad aanu aqoon oo wuu ka baqayaa.
Qofka cilladdani dhibaatada ku hayso inta badan dareemo diiran ma dareemo, noloshana wuxuu u arkaa in aanay rajoba lahayn. Mararka qaar waxyaabaha caadiga ah sida ka gudbidda wadada ama cunto cunidda ayaa ku adkaanaya.
Cilladda iniyad jabka ee masiibadu keento waxaa inta badan la xiriira dhibaayooin hurdo xumo ah. Qofka cilladdani dhibaatada ku hayso waxaa dhici karta inay ku adkaato, inuu hurdada helo, ama si fudud ayuu marar badan hurdada uga soo kacaa.
Inuusan awoodin inuu wuxuu samaynao si fiican qalbiga u siiyo iyo inuu iska kulul yahay yahay waa waxyaabo iska caadi ah. Qofku sidoo kale inta badan si joogto ah ayuu u baqsan yahay, iyada oo aan loo baahnayna deegaanka ayuu ka digtoon yahay.
Waxaa kaloo arrintan la xiriiri kara, inuu qofku dareemayo in la dabasocdo. Sida caadiga ah si ka sahlan ayuu u xanaaqaa una naxaa, tusaale ahaan codadka dhaadheer oo kale. Mararka qaar istereeska cilladda maskaxdu sababto wuxuu keenaa dhibaatooyin jirka ah, sida cillado caloosha ah, laabta ama xabadka oo qofka xanuuna ama madax xanuun. Qofka ay dhibaatada ku hayso cilladda istereeska ee masiibadu keento waxaa caadi u ah heerarka niyadjabka.
Astaamaha kor lagu soo sheegay waa caadi, markuu qofku masiibo la kulmo ka dib.
Haddii ay astaamahaasi qaataan in bil ka badan, ka dib markuu qofku masiibada la kulmay, waxaa la dhihi karaa waa cillad isterees oo ay masuubadu keentay. Mararka qaar astaamahuhu muddo ayey qofka ka maqnaadaan, wakhti noloshiisa ka mid ah ayey dib ugu soo bilaamaan. Cilladda istereeska ee masuubadu keento waxay dhibaato u geysataa nololmaalmeedka qofka, waxay kaloo dhibaato u geysataa xiriirka qofka iyo xaaskiisa/ninkiisa.

Is dhaafka ka yimaada xiliyada (SAD)
Diiqadda noocan ahi waxaa loo maleeyaa in ay dhacdo xiliga jiilaalka, qoraxda oo yaraata awgeed, taasoo dadka qaarkood ka dhigta kuwa u jilicsan diiqadda.

1- Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?
2- Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta?
3- Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku?
4- Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka?
5- Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka?
6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka?
7- Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa?
8- Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan?

Halkaan ku weydii wixii su'aalo ah
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Meeqo Nooc oo Niyad Jab ah ayaa Jira?
« on: March 28, 2008, 01:14:09 AM »