Culays wayn bay leedahay marka ay noqoto doorashada nooca dawada khaasatan marka go’aan gaaristu ay qofka ku adaktahay. Noocyo dawayn ah oo fara badan baa jira. Hasa yeeshee jirista dawaynta qaarkood way xadidnaan karaan meelaha qaarkood.
Dadka ay hayso diiqaddu waa inay si xor ah u doortaan dawayn kala duwan tii ay doonaan. Ama isku daraan dawayn kala duwan. Run ahaantii, dadka inta badani ee yimaada dhakhtarka guud waxa la siiya dawada diiqad dhimista (antidepressants) marka ugu horaysa. Dadka inta badani waxa aad wax uga taraya isku darista dawada diiqada iyo dawaynta la taliska ah , si ay awood u siiso in ay dhakhso uga bugsadaan.
La talinta (counselling) La talintu waxay ka koobantahay la hadalka qof loo tababaray fanka dhegaysiga. Tani waxay kuu ogolaanaysaa in aad u soo jeedin lahayd sidaad daraeemaysid si loogu helo xal dhibaatadaada. La hadalka iyo dhegaysiga qof ku tusaya naxariis iyo ogolaansho, waxay kaa caawin kartaa sidaad u soo koobi lahayd arimaha ku dhibaya. La taliyuhu wuxuu kaa caawin karaa dhisida fahankaaga, dareenkaaga, dabeecadaada iyo fekerkaaga.
Ku dawaynt maskaxda talo (Psychotherapy) Psychotherapy waxa weeye dawo hadal ah taasoo kaa caawinaysa sidii aad u daryeeli lahayd dhibaatada aad la kulmaysid. Waxay ku siinaysaa sidii aad fursad ugu heli lahayd sidaad u samayn lahayd nolol faa’ido iyo maco-wayn kuu samaynaysa. Saykoterebigu wuu ka xeel dheeryahay la talinta, waxa lagugu dhiiri gelinayaa in aad wixii ku soo dhaafay jaleecdid, khaasatan caruurnimadaadii, iyo xiriirkii aad la yeelatay dadka noloshaada ugu muhiimsan.
Ku dawaynta ogaanshaha dabeecada Ku dawaynta ogaanshaha dabeecada (CBT) qofka, waa dawayn hadal, kaa soo kaa caawinaya inaad ogaatid kana raydid dhibaatada dareenka (nafta) kaa haysta. Daweeyuhu wuxuu awood kuu siinayaa inaad ogaatid xiriirka u dhexeeya fekerkaaga iyo sida fekerkaagu wax kuu yeelo iyo sida u dhaqantid. CBT-du waxay kaa caawinaysaa inaad abuurto farsamo wax ku oola, oo owood kuu siinaysa inaad koobtid waxa dul yaala dareenkaaga iyo dabeecadaada. CBT waxa had iyo jeer sameeya dadka cilmi nafsiga (psychologist), markaa had iyo jeer in dhakhtarku kuu diro waa khasab.
Dawaynta (Kaniiniyada iyo Cirbadaha) Dawooyinka lidka ku ah diiqadda waa kuwa ugu badan ee lagu daweeyo diiqadda. Waxay ku shaqeeyaan kimikalka maskaxda siday sare ugu qaadaan niyaddaada. Ma bogsiiyaan diiqadda, laakiin waxay kaxeeyaan calaamadaha xanuunka si aad u awoodid in aad wax ka qabato(xanuunka). Dawooyinka lidka ku ah diiqaddu qof kasta ma anfacaan, mar marna waxay keenaan cilado kale. Had iyo jeer waxay qaataan 2 ilaa 4 isbuuc in ay wax anfacaan. Dawooyinka lidka ku ah diiqaddu waxay mar noqdaan kuwo khatar ah marka dawooyin kale lala qaato, waxayna keeni karaan cilado dib u noqod ah marka aad joojisid.
Gelista cisbitaalka Hadii aad aad u diiqdo, waxaad u baahan kartaa inaad hoy iyo nabad-gelyo waydiisato cisbitaalka – qaybta maskaxda (waalida). Waxa kale oo awood siinaysaa in dhakhtarka madaxu eego natiijada dawooyinka kala duwan. Cisbitaalku wuxuu ku siin karaa garab iyo deegaan amni ah hadii aad u dhiban tahay. Waxana laga yaabaa in aad ku nasato, marka aad ogtahay in cid ku daryeelaysaa kula joogto. Si kasta ha ahaatee, waxa dhici kara in aad ciriiri dareentid markaad cisbitaal lagu badan yahay oon aanad gooni haysan gasho, taa soo ka qayb qaadanaysid wareegto laga yaabo in aanay ku cajabin, ama aad ka carooto dabeecadaha dadka buka qaarkood. Guud ahaan dhakhtaradu waxayn doonayaan in dadka xanuusanya cisbitaalka ka baxaan, laakiin qaar waxa lagu hayaa cisbitaalka nabad gelyadooda iyo caafimaad kooda awgeed, ama hadii dadka kale looga baqo.
Ku dawaynta shooga laydhka (ECT) Dawayntan badanaa waxa la siiyaa dadka aad xanuunka diiqadda u qaba, kuwaasoo aan dawada caadiga ah ku bogsan. Waxa lagu siinayaa suuxdin guud kadibna dab layr ah baa loo gudbinayaa maskaxda oo dhalinaya shoog sida xanuunka suuxitaanka. Waa dawayn muran ku jiro (wax tarkeeda), waxa keeni kartaa natiijo oo xun oo dhinac kale ah, sida xasuusta ood waydo.
Dawooyinka ku dhamaystirka iyo noocyada kale ah Dawooyin badan oo noocyo kale ah, ama ku kabis ah ayaa jira, kuwaa soo faa’iido u yeelan kara daweenta diiqadda. Caleenta yar yar ee uduga sida ‘Hypercicum, waxay kaa caawin karaan inay niyaddaada sare u qaadaan, sidaa awgeedna caan bay ku noqdeen. Laakiin hadii aad dawo qaadanaysid, waxa suuro gal in aanay isku fiicnayn.
Dawaynta ku dhamaystirka ahi uma arakto jirka iyo maskaxda laba shay oo kala duwan. Waxay kuu arkaan qof keli ah, ahmiyada oo dhan ma saaraan dawaynta ciladaha oo keli ah.
1-
Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?2-
Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta?3-
Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku?4-
Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka?5-
Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka?6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka?
7-
Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa?8-
Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan?
Wixii su'aalo aad qabtid halkaan ku weydii
SomaliDoc