Somali Medical Forums
September 10, 2010, 11:12:17 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: VIDEO: Medical doctors graduated in Somalia
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Muxuu Yahay Triage?  (Read 1404 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
SomaliDoc
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 535


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« on: September 26, 2007, 10:29:59 PM »

Asalamu Alaikum
Bismilahi Alraxmani Alraxim

Triage-ku waa nidaam lagu kala soocayo bukaanka baahidooda inta ay la egtahay markii aanan la heyn daawo ku wada filan.
Soocitaankaas ayaa loo yaqaan "TRIAGE" waxaana loo qeybiyaa laba nooc, mid fudud iyo mid horumarsan.

Soocitaanka Sahalan:
Waxaa la isticmaalaa markii matalan baabuur uu ku gadoomo meel ama dad lagu xabadeeyo, kuwaasoo lakala soocayo sida ay u kala daranyihiin si loola cararo isbitaalka.
marka soocitaanka sahlan waxaa loo isticmaalaa waxa loo yaqaano "Mass Casualty".
Kala soocidaas waxaa sahla midabyo la siinayo ama lagu dhajinayo bukaanka si loo garto xaaladiisa caafimaad, taasne gadaal ayaan ka sharxi doonaa.

Soocitaanka Hormarsan:
Kani badanaa waxaa ka qeyb qaata dhakhaatiirta oo go'aamiya in bukaankaan aan la daaweyn maadaama xaaladiisa aan lagu guuleysaneyn ayna qatar ay tahay.
Tani waxa ay dhici kartaa marka waxqabadka la hayo aysan ku filneyn bukaanka hal mar la wada keenay.
Bukaankaas oo badanaa laga soo daabulay meel musiibo ku habsatay sida: fulkaano qaraxday, dagaal sokeeye, baabuuro ama tareeno gadoomay.
Marka fikrada soocida hadii aan soo koobo waxa ay ku saleysantahay, in aan wax dadaal ah lagu bixin meel guul aysan ka imaaneyn hadii ay jiraan meelo kale oo la hubo.

Wuu sii socdaa mawduuca

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
SomaliDoc
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 535


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: September 29, 2007, 01:19:46 AM »

Qeybtii 2-aad:
Soocitaanka sahlan waxaa loo isticmaalaa waxa loo yaqaan S.T.A.R.T.
kalmadaa oo laga soo gaabiyey "Simple Triage and Rabid Treatment" macnaheeduna yahay si sahlan u sooc si dhakhsane u daawey.
Nidaamakani oo ah mid sahlan qof walbane uu fahmi karo aysane u baahneyn qofka inuu horay tababar sare u heystay iyo in kale.
Marka aad isticmaaleyso S.T.A.R.T bukaanka ama dadka dhaawaca gaaray waxaa u kala qeynineysaa 4:

1- Deceased: Qof aan waxne loo qaban karin. (mareykanka waxa qeybtaan  u bixiyaa "Dead", taasi laguma raacsane maxaa yeelay in la xaqiijiyo qofka inuu dhintay iyo in kale waxaa ay u baahantahay dhakhtar.
2- Immediate: Qof si dhakhso ah loo rabo in isbitaalka lagula cararo. (kani waa inaa isticmaashaa "Trauma Score".)
3- Delayed: Qof wax yar la sugi karo ilaa ku ka daran la qaado.
4- Minor: Qof dhaawac fudud soo gaaray.

Wadamada qaar waxa ay u qaybiyaan sadax qeeb fududne xifdintooda, Qof aamusan oo dhaawac ah (immediate), Qof qaylinaya oo dhawac ah (delayed) iyo Qof socsocda oo dhawacah (Minor).

Hadii aan u gudubno sidii lagu kala ogaan lahaa dadkani dhaawaca ah waxaa lagu garan karaa midabyo la isla yaqaano
  • Midab "Madow" kan "Deceased"-ka ah
  • Midab "Gaduud" kan "Immediate"-ka ah
  • Midab "Jaalo" kan "Delayed"-ka ah
  • Midab "Cagaar" kan "Minor"-ka ah

Wuu sii socdaa mawduuca

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
SomaliDoc
Hero Member
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 535


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #2 on: October 03, 2007, 12:45:46 AM »

Qeybtii 3-aad:
Soocitaanka sareeya, sida aan horay u sheegnaba waxaa ka qeyb qaata dhakhaatiirta markii bukaanka ay soo gaaraan isbitaalka ama kalkaaliye caafimaad oo loo tababaray inay ka shaqeeyaan iskoorsooyinka khibradne u leh inay la tacaalaan musiibooyinka waaweyn sida dhulgariirka, dagaalada sokeeye, shilal tareen iyo wixii la mid ah.
Si loo daaweeyo bukaanka waa in loo kala soocaa qeybahaan soo socda:

1- Expectant (Black): qeybtani waa kuwa aad u dhaawacmay lagana yaabo inay u dhintaan dhaawacooda saacadaha soo socda, kuwaasi oo ah kuwa dhaawac aad u weyn soo gaaray sida xubnaha muhiimka jirka, kuwaasi waxaa la siiyaa xanuun baabi'yaal maadaama aan wax loo qaban karin.
2- Immediate (Red): kuwaani waa kuwa u baahan in qaliin dagdag ah lagu sameeyo si loo badbadiyo xaaladooda qatarta ah.
3- Observation (Yellow): Kuwaani waa kuwa u eg inay "stable" yihiin laakiin u baahan kormeer joogto ah iyo in lagu celiyo soocitaan kale, si kii liitaba loogu daro kuwa "redka" ah.
4- Wait (Green): Kuwaani waa kuwa sugi kara dhakhaatiirta ilaa saacado si loo fiiriyo xaaladooda looguna fasaxo inay guryahooda iska aadan.
5- Dismiss (White): Kuwani waa kuwa aanan u baahneen inuu dhakhtar arko oo ay ku filantahay gargaarka dagdaga iyo in guriga lagu kontroolo.

Kani wuu ka dhib badan yahay soocidii hore oo aan uga hadalnay qeybta 2-aad ee cashirkeena.
DHAMAAD

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Muxuu yahay "Internal Medicine"? Clinical Rotations Dr.Mahdi 0 384 Last post February 11, 2007, 11:34:45 AM
by Dr.Mahdi
Muxuu yahay Impetigo? Cudurrada Caruurta SomaliDoc 1 5189 Last post June 21, 2010, 06:18:25 AM
by Sandybrosto
Muxuu Yahay Cudurka Chlamydia? Cudurrada Guud SomaliDoc 0 1942 Last post April 24, 2008, 04:15:08 PM
by SomaliDoc
Muxuu yahay xanuunka Galaha? Qaybta Su'aalaha Cidhib 4 1600 Last post December 11, 2008, 12:28:46 PM
by dr-awale
FILIN: Hargabka Doofaarka Muxuu Yahay? Qaybta Wacyi Galinta Dr.Mahdi 0 327 Last post November 07, 2009, 11:44:38 PM
by Dr.Mahdi
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page August 31, 2010, 01:40:17 PM