Xanuunkaaga sida aan u malaynayo waa "Post-traumatic Neuralgia" Neerfo xanuun Jug ka dhashay.
Xanuunka badanaa wuxuu ka bilawdaa meesha jugta kaa gaartay inkastoo uu ku saaqi karo qeybaha jirka kale oo neerfahaas quudiyo.
Haddii xanuunka uu kaa gaaray suxulka waxay aheyd in gacanta aad xanuun koronto oo kale ah aad ka dareento maadaama neerfaha meeshaas maro uu yahay "Ulnar Nerve" uusanne shaqo ku laheyn xanuunka lugta aad ka dareemeyso. laakiin waxaa dhici karo in aad kuftay ama jug ay meelo kale gaartay.
Waxaa kaloo muhiim ah xanuunka aad dareemeyso noociisa tusaale ahaan:xanuun gubasho oo kale ah ama xanuun fiiqan iyo in ay la socdaan dareen hanbab, kabuubyo ama xatoxato.
Waxaa kaloo muhiim ah neerfahaas jugta gaartay inuu yahay mid dareen ama mid dhaqaaq, haddii neerfaha uu yahay mid ku shaqo leh dhaqaaqa waxaad dareemi laheed tabar darri murqaha ah.
Waxaa kaloo jira calaamado kale oo la socdo neerfayaasha jugta gaartay qaar sida: dhidid badan, midab badalan (buluug iyo gaduud) iyo heerkulka oo is badalo (qabow ama kuleel).
Marka si loo ogaado xanuunka aad dareemeyso neerfaha uu ka dhashay iyo noociisa iyo haddi si kalaba laguu hayo waxaa jiro dhawr baaritaan oo lagu hubsado oo ay ka mid yihiin:
1- EMG: waa baaritaan lagu fiiriyo in neerfaha jugta gaartay in uu shaqaynayo iyo in kale waxaa kaloo lagu ogaan karaa soo kabashada neerfaha jugta soo gaartay.
2- MRI/CT scan waa baaritaan raajo lagu fiiriyo xubnaha uu quudiyo neerfahaas wax is beddel nudeed haddii ay ka muuqdaan iyo in kale.
Daawada ugu horreysa sida uu sheegay walaalkay Abdirazak waa "Physiotherapy" oo ah jimicsi inkastoo ay dhib noqon karto maadaama xanuun uu jiro, si xanuunkaas uga hortagto waa in aad la tashato dhakhtar aqoon u leh xanuunkaaga kuuna qora xanuun baabi'iyaha kugu habboon.
Waxaa kaloo jira bamaato lagu magacaabo "capsaicin" oo la marsado 4 jeer maalintii meesha ku xanuuneyso inkastoo ay tahay in aad dhakhtar xaaldaada la socdo aad kala tashatid.
Waxaa kaloo jiro dhowr hab oo daaweyn ah oo qalliin uu ka mid noqon karo laakiin taas waxaa xadidi karo qof aqoon u leh cudurkaaga kulana joogo si xaaladaada ula socdo.
Hadii aad u baahantahay qoraal ku saabsan
Murqo xanuunka halkaan ka akhriso
http://somalidoc.com/smf/qaybta-su'aalaha/murqo-xanuun/
Haddii aad qabto su'aalo kale halkaan ka weydii
SomaliDoc