Somali Medical Forums
July 29, 2010, 10:33:48 PM *
Welcome, Guest. Please login or register.

Login with username, password and session length
News: PICTURES: Handicap patients in Martini Hospital needs immediate health care
 
  Website   Home   Help Search Login Register  
Pages: [1]
  Print  
Author Topic: Kolba-aariyada makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho?  (Read 742 times)
0 Members and 1 Guest are viewing this topic.
Barkhat
Newbie
*

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Posts: 13



Email
« on: May 23, 2009, 02:19:20 PM »

Asc
bacda salaan waxaan idiinka mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad bulshada uga caawisaan qofkastaaba waxa uu u baahanyahay intaa ka bacdi waxaan u baahanahay inaad ii sheegtaan.
xanuunka kolba aariyada loo yaqaan ama hawada dadka jidhkooda gasha makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho markay qofka madaxa ka gasho?.
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 522


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #1 on: May 26, 2009, 09:47:23 PM »

Jawaabta ka sokow walaal koolba-aaryo maxaa u taqaanna?
Cudur noocee ah ayaau heysataa?

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Barkhat
Newbie
*

Points: 0
Online Online

Gender: Male
Posts: 13



Email
« Reply #2 on: May 27, 2009, 06:55:20 AM »

walaal waxay dadka qaarkood u yaqaaniin kolba-aariyada markay qofka dabayshu jidhka ka gasho khaasatan qofku isagoo meel kulul kasoo baxay oo dhididsan haday laydh ama dhaxan qabow ku dhacdo waxa lasheegaa inay dhaxantaasi ama dabayshaasi inay qofka jidhkiisa gasho oo xumad iyo xubno xanuun badana ku keento sida runtii ahna anigu waxaan arkay dad badan oo ka cabanaya.


waxaan rajaynayaa inaad sifiican ii fahanteen waxaana ka cudur daaranayaa markii hore oo aanan wax fahfaahin ka bixin.
Logged
SomaliDoc
Moderator
*****

Points: 0
Offline Offline

Gender: Male
Location: Somalia
Field: SMF Helper
Posts: 522


Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!


WWW
« Reply #3 on: May 29, 2009, 08:18:27 PM »

Koolba-aaryada sida ay soomaalida u taqaanno maahan mid sax ah, cudurkani sida aad tilmaantay calaamadihiisa waxaa la yiraahdaa oofwareen/qaarjeex/neyumoonia.

Ma jirto hawo gasho qofka feerihiisa kuna socsocoto laakiin sida aad u sheegtay waa sida loo dareemo xanuunka saxda ah.
Qofka markii ay ku dhacdo neyumooniyada ama koolba-aaryada wuxuu dareemaa caburnaan, xanuun qanjaruufo oo kale ah oo gudaha laga dareemo, qandho, neefqaad iyo naqaska oo qofka ku dhego.

Xanuunka in aaryo ku dhex socoto qofka uu u malaynayo waa markii niyuumooniyada la socoto xanuunka loo yaqaanno "Pleurisy/Pleuritis" oo ah macnaheeda hurgunka ku dhaco xuubka sanbabada.

Koolba-aaryada waa "Pneumonia + Pleurisy".

Sidaa darteed maadaama aysan jirin hawo wareegeyso inkastoo qofku sidaa u dareemayo maskaxda waxyeello uma geysan karto oo macnaheedu tahay hawo maskaxda u gudbeyso ma jirto.

Qoraal ku saabsam Niyumooniyada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=615.0

SomaliDoc
Logged

1- Si aad wax ugu qortid Webka | 2- Si aad uga qeyb qaadatid doodaha | 3- Si aad su'aalo u waydiisid dhakhaatiirta
4- Si aad ula xiriirtid xubnaha kale | 5- Si aad ra'yigaaga u soo bandhigto
Waa inaad magac ku leedahay webka (Halkan Riix)
WWW.SOMALIDOC.COM
Pages: [1]
  Print  
 
Jump to:  

Related Topics
Subject Started by Replies Views Last post
Sidee waqtigaaga uga miro dhalin kartaa? Fresh Students Munim 3 921 Last post July 27, 2007, 08:31:45 PM
by Munim
Fahmitaanka Xanuunnada Maskaxda Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 768 Last post March 06, 2008, 11:41:02 PM
by SomaliDoc
Maxay Saaxiibadu iyo Reerku Samayn karaan inay i Caawiyaan? Cudurrada Maskaxda SomaliDoc 0 953 Last post April 01, 2008, 01:56:07 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Yaraanta xubinta taranka ragu wax ma u dhimi kartaa wada noolaanshaha Qaybta Su'aalaha Barkhat 5 494 Last post October 05, 2009, 08:32:31 PM
by Burhaan
Su'aal: Malaariyada qalal ma sababi kartaa? Qaybta Su'aalaha Kuluu 1 115 Last post February 01, 2010, 08:38:37 PM
by SomaliDoc
Powered by MySQL Powered by PHP Powered by SMF 1.1.11 | SMF © 2006-2009, Simple Machines LLC Valid XHTML 1.0! Valid CSS!


Google visited last this page Yesterday at 10:13:44 PM